Home Top Ad

Responsive Ads Here

Murti iyo xikmado xeeldheer

Share:

xikmad gaaban


Kuwani waa oraaho huwan ujeedooyin durugsan,waxayna iidaan unoqon karaan kasha iyo kasmadaba. Waa ereyo ka mida hadaladii dadkii suubanaa ee soo maray ummadda islaamka ah.

Runtii kolkaad lafta jabsatana, waxaad ka dhuuxaysaa waano iyo hogatus xeel dheer. Sidoo kale waxa ku duugan dhiirrigelin aad ku jibaaxi karto caqabado kale duwan.




Way adag tahay inla samraa, waxase ka xun inla lumiyo abaalmarinada samirka. Abu Bakar



Balaayo sababta inaad unoqoto xagga Alle ayaa ka wanaagsan barwaaqo ku illowsiisa Xuska Alle. Ibnu Tayyimah




Si aad uhesho waxaad jeceshahay, ugu horreyn waa inaad udulqaadato waxaad neceb tahay. Abu Xamid Al Qasali



Wakhti lumintu waxay ka daran tahay geerida. Waayo geeridu waxay kaa carcerisaa dunida, wakhti lumintuna waxay kaa fogeysaa Allah. Ibnu Qayyim Al Jawsiyah.


Cudurka asiiba cilmigu waa isla-weynida. Cudurka ku dhaca cibaadaduna, waa istus-tuska. Ibnu Tayyimah.


Ha illoobin naftaada markaad wacdiyeyso dadka kale. Cumar Ibnu Khadaab.


Marka qof uu ku dhaliilo ama ku khilaafo waxa qalbigaaga ku dhalanaysa qudhaanjo yar oo nacayb iyo cadaawad ah. Haddii aanad isla markaba dhirbaaxin qudhaanjada,waxa laga yaabaa inay isu rogto mas... Jalal Ad-diin Muxamed Rumi.



Munaafiqu wuxu fiiriyaa gefafka, mu'minkuna raalligelinta. Imam Qasali


Qofka ay badato eed sheegashadiisu, waxa yaraada saxiibadiisa.
Fudayl Ibnu Ciyaad.


Haku kalsoonaan anshiga iyo anshaxa qofka ilaayood aragto sidu udhaqmo marka uu cadhoodo.
Cumar Ibnu Khadaab.



Qudhaada ku qallafsanow,dadka kalena udebecsanow.
Imaamu Shafici.



Saaxiibka rumaad waa ka markaad ku tidhaahdo isoo raac aan ku su'aalin halkee? Balse intuu kaco kuna raaca.
Imam Qasali



Haddii aad rabto inaad xakamayso dadka kale, ugu horreyn waa inaad xakamaysaa naftaada.
Abu Bakar Al Sidiiq.



Waxa jira labo ka mida samirka: ku samirka waxa ku dhibaya iyo ka samirka hawadaada.
Cali Ibnu Abu Daalib.



Ammaanta dadku yey farxad gelin qalbigaaga,si aanay kuu murugo gelin dhaliishoodu.
Imam Qasali



Saddex hab-dhaqan ayaa qalajisa qalbiga: cunitaan xad dhaaf ah, hurdo xad dhaafa iyo hadal xad dhaafa.
Fudayl Ibnu Ciyaad.


Dunida,qofna aad ha ugu tiirsanaan. Waayo xataa hooskaguba wuu kaa hadhaa markaad gasho mugdiga.
Ibnu Tayyimah.



Dariiqa toosan Haku dareemin kelinimo, waayo waxaba yar dadka ku socdaala.
Fudayl Ibnu Ciyaad.




Ninku waa inuu ooryihiisa unoqdaa sidii cunugyar, marka ay baahan yihiina waa inuu udhaqmaa sidii nin.
Cumar Ibnu Khadaab.



29 comments:

  1. Mcha allh mhdsanidiin million times

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigaa mudan walaal soo dhawow

      Delete
    2. Mahad sanid waqti kubixise inka badan oo qeyr ah AlLaah kusoo galiyo

      Delete
  2. M. Allah. Allah ha kaa awagudo juhdiga iyo dadaalka aad ku bixisay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aad baad kaaga mahad naqayaa ducada iyo dhiirrigelintaba barakallaah

      Delete
    2. جزاك لله

      Delete
  3. Walal in badan waa mahadsanthy alaha ku dhowro

    ReplyDelete
  4. Masha allah ilahay hakA abaal mariyo wanaaga

    ReplyDelete
  5. Masha allah wax badan baan ka faaidey allaha kaa abaal mariyo walal

    ReplyDelete
  6. Isma lihi xikmad aya kaa maqan ilaa markaan akhristay mansha Allah

    ReplyDelete
  7. Erayo aad iicajab kaliye runti wankahelay

    ReplyDelete
  8. Go forward incha allah intaas in ka badan iska rajynaynaa wananu idinku xidhnaan donaa

    ReplyDelete
  9. M.a hore usooc walal xigmado sarbeb ah kuso dar

    ReplyDelete
  10. masha allaahi akhii mar walba kudadall wanaga

    ReplyDelete
  11. Jazakalah walal qalbiga allaha ku iftiimiyo.

    ReplyDelete
  12. Masha Allah runtii waa xikmado Qaali ah

    ReplyDelete
  13. Manshallah Alle Ha ku barakeeyo wll

    ReplyDelete
  14. AAD AYAAD U MAHADSANTAHAY WALAAL AJAR IYO XASANAAD ALLAH KAASIIYO.

    ReplyDelete
  15. masha Allah jasakalhu
    Kher
    Wll alle hakuxafido

    ReplyDelete
  16. https://www.weedhside.club/2019/09/jinacow-yaa-kaa-qadhmuun.html

    ReplyDelete
  17. Mnzhllh alle haku barakeeyo wll thnkz aloT DhiRiGalinTa iYo advice ka aaD noozo Jedizy

    ReplyDelete
  18. https://somaliwoodtv.blogspot.com/2019/05/barnaamijka-murti-iyo-madadaalo-2019.html?showComment=1594083514162#c5154227473923680606

    ReplyDelete