Home Top Ad

Responsive Ads Here

Aragtida Aristotle Iyo Qaybaha Saaxiibtinimada

Share:

xikmad gaaban


Halkan aynu joognaa waa ifkii, waana adduunyo ka waayo ka badan siday beri ahayd — badibana dadkii wuxu goostay dabarkii.


Waa duni ka arraddan aaminaad, waxana aad uyaraaday dadka lagu kalsoonaan karo.
Ku darsoo sannadka milaadigu waa 2019, malabkiina waxa loogu sheegay matag shinniyeed.

Sabanka caynkaas ah ayaa aynu iska weydiinaynaa saaxiibtinimo, tii uu feedhyahan Maxamed Cali ka yidhi:

"Saaxiibtinimo waa shayga dunida ugu adag ee la qeexo. Ma aha wax lagu barto dugsiyada.
Balse haddii aanad baran micnaha
saaxiibtinimada, run ahaantii waxba maad baran"



Aad baad unasiib badan tahay haddii aad haysato saaxiib aad isku hallayn karto; waxan se kula wadagayaa saddex nooc oo ka mida saaxiibada kuwaasoo aad la kulmi doonto inta aanu kadabkaa go'in(nooshahay).



Saynisyahankii iyo faylasuufkii giriiga ee loogu yeedhi jiray Aristotle, waxa uu aragtidiisa uqaybiyey saddex:

1: Saaxiibtinimo adeeg
2: Saaxiibtinimo farxadeed
3: Saaxiibtinimo wanaag



Saaxiibtinimo adeeg.


Waa rafiiqnimo iyo xiriir dhexmara dadka goob ka wada shaqeeya, dugsi wada dhigta , kuwo ganacsi isu keenay iyo wixii la hal-maala arrimahaas.


Waa saaxiibnimo salkeeda iyo seeska ay ku fadhidaaba yahay adeeg, marka taasi meesha ka baxdana; badanaa qof waliba dantiisuu raacdaa.



Saaxiibtinimo Farxadeed.


Waa marka lagu rafiiqo ama la isku xiriiriyo xiiso guud oo laga mideysan yahay, sida: kubbadda cagta, maadeys hasaawe-tagga, Facebook IWM.


Waa saaxiibtimo gundhigeedu yahay bashaal iyo bardoodan;kolka uu lumo xiisuhuna,qofwalba wuxuu sameystaa asxaab cusub.

Waana tii uu Abwaan Weedhsame ka lahaa:
"Saaxiib huga eegayana
Jilaalkaad kala hadhaan(hartaan)"



Saaxiibtinimo Wanaag.


Waa ta ugu mudan,una muhiimsan. Ruuxa wanaagga aad ku saaxiibteen:
waa qof og in aad iimo leedahay oo aanad dhammeys tirnayn, waxa se intaaba kala mug iyo miisaan weyn oo uu raalli ku noqday samaantaada —haba yaraatee.


Tani waa saaxiibtinimo xididkeedu yahay xushmo, isqadarin iyo isu damqasho — waana midaan sahal lagu helin.


Sidoo kale labada qaybood hore waa kuwo cimri gaaban, balse saxiibtinimo ka abuuranta wanaaggu waa mid aan duugoobin.


Waa maxay sawraca lagu garan karo saaxiibka rumaad?

Waxa layidhi:" Saaxiib waxa uu kuu sheegayaa waxaad doonayso inaad maqasho, saaxiibka rumaadna waxa uu kuu sheegi doonaa waxaad ubaahan tahay inaad maqasho."


Saaxiibka dhabta ahi waxa uu xog ogaal uyahay fikirka iyo ficilkaaga, waxanu malayn karaa tallaabada aad qaadayso — somaliduna waxay tidhi:
"Nin ku yaqaanaa waa nin kula jooga"

Albert Hubbard waxa isna laga soo xigtaa: "Saaxiib waa shaqsi ka warhaya wax walba oo kugu saabsan, welina kugu jecel"


  1. Akhri: inan-la-yaalkii la xantay




Waanu ka mahadnaqaynaa haddii aad asxaabta la wadaagi karto.


Tixraac: "3 kinds of friends you meet in life by Ian Tang. "

No comments