Home Top Ad

Responsive Ads Here

.Xikmad iyo hadalo murti leh qaybtii saddexaad

Share:

Xikmad gaaban iyo ereyo murti leh.








"Kuwa yidhaahda 'ha la ixtiraamo aragtiyaha iyo fikradaha kala duwan' waa ay qaldan yihiin. Runta oo kaliya ayaa la ixtiramaa."
Shaykh Salih Al-Fawzan.




Nin baa beri weydiiyey Imam Abu Hanifa " markaan webiga ku qubeysanayo, ma qibladaan ujeestaa mise waan ka jeestaa?"


Imamku waxa uu ku warceliyey: " haddii aan adiga ahaan lahaa waxan ujeesan lahaa meesha ay maryahaygu yaallaan, si aan ciddi iiga qaadan."



Wax-akhrintu waa dabbaasha caqliga.




Nin yahuudi ah ayaa ku soo baxay Imam Abu Xanifa oo gashan dhar qurux iyo qaaliba ah, maxa yeelay Imamku waxa uu ahaa ganacsade tanaaday.

Ninkii yahuudiga ahaa oo faallo ka bixinaya dharka Imamka, ayaa ku yidhi: " waxan umalaynayey in adduunkani sidii la filayey uu idin noqonayo xabsi( Muslim ahaan)."

Imamku waxa uu ugu warceliyey:"haddii kani yahay waxa uu Ilaahay nagu siiyey jeelkayaga, bal malee waxa uu nagu siin doono jannada."




"Waa inaynu kala caddaynaa runta iyo beenta; iyadoon la tixgelinayn cidda ku farxaysa iyo cidda ka xumaanaysa. " Shaykh Salih Al-Fawzan.



"Marka uu ninku reerka ka maqan yahay gurigu il buu la’ yahay Marka haweeneydu ka maqan tahayna labada indhoodba wuu la’ yahay!" 📖Guri Waa Haween.



Halkan ka akhri Xikmad iyo oraaho kooban qaybtii labaad
Inaad Xikmad ku hadasho kuguma filna, waxa kasii muhiimsan inaad si xushmad leh uhadasho.





"Marka aad saxsan tahay cidi ma xasuusanayso, marka aad qaldantana qofna ma illoobayo. "



" Weligaa unoolow
Nebi Khadar sidisii"

Axmed Salebaan Bidde.



"Dayrada iyo diidmada cadi waxay marwalba ka wanaagsan tahay ballanqaadka beenta ah."



"Safarka nolosha maaha in laga cabsado, ku talogalku waa in lagu socdaalo oo lagu qanco lana qorsheeyo."



"Marka aad doonayso inaad burburiso bulsho; qoyska weerar, waxbarashada ragaadi, halyeyga iyo haldoorkana dhaliil oo dhaleecee."



"Noloshu waa dagaal joogta ah muhiimna maaha inta jeer ee aad libaysatay ama guuldaraysatay. Waxa muhiima inaad dagaalantay, adkaysatay, waxna ka baratay maalmihii kusoo maray.🌎"


Haddii shay xun oo dhabbaha laga qaadaa ay tahay sadaqo, shay xun oo lagu tuuraana waa dembi. Shaykh Salih Al-Fawzan.




"Dadka qaar kama mahadnaqaan waxay haystaan, waayo waxay maanka ku hayaan waxa ka maqan oo qudha."



"Wax lagu faani karaa kuma duugna kibirka, isla weynida iyo inaad hoos udhigto dadka oo aad liiddo asaag kula mida."




Enter your email address:


Delivered by FeedBurner

xikmad gaaban
xikmad yaab leh
erayo murti ah
xikmado gaaban
hadal murti leh
erayo murti leh
hadal murti ah
hadal murti leh oo gaaban
xikmado cajiib ah oo gaaban
hadalo murti leh

No comments