Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xikmad iyo oraaho kooban qaybtii Labaad

Share:

Murti iyo xikmado kooban.





"Qurux waa marka aad qiimeyn karto qudhaada. Kolka aad garato qiyamkaagana, waa marka aad ugu qurux badan tahay.






Maalin walba oo uu beryo waa-cusubi, waxa kordha da' iyo duruus nololeed. Labadasina waxay innaga dhigaan kuwo usoo joogay waayo kala duwan.


Bal xusuuso intaad joogtay adduunka iyo amuurihii aad soo aragtay? kaddib isku dey inaad kusoo koobto dhawr tuduc.Run ahaantii waa laylis adag.

Sidaa darteed inaad dhawr qodob wax ka tidhaahdo mooyee, ereyo laguma soo koobi karo — maxa yeelay:
"Aroorkastoo waa beryaba,
waxa ku ag amara duruus."
Yamyam



Haddaba waxan halkan kusoo gudbin doonaaa oraaho dad kala duwani ku tilmaameen xaalado kala gedisan oo ay waayo-aragnimo ku koobeen.


Waa xikmado yaryar oon ahayn maanso iyo maahmaahba, balse ah hadal iska caadiya oo huwan ujeeddo ka mug weyn sida uu dhigan yahay.



Akhriso Xikmad iyo hadalo murti leh


Nolosha
Nolosha adduunyadu waxay indheer-garadka utahay dhalanteed, doqonkana ciyaar, maal-qabeenkana maadeys — saboolkana musiibo. Sholem Aleikom


Kasmo
Haddii uu caqligu bato, waxa yaraada hadalka.



Dulmi iyo garawshiyo

Loox baa musbaar ku yidhi waad idulmiday. Musbaarkiina wuxu ku jawaabay: haddaad arki lahayd dubbaha layla dhaco, waad ii garaabi lahayd.



Saaxiibtinimo
Saaxiibku waa qof og wax walba oo kugu saabsan, welina kugu jecel.
Elbert Hubbard



Guusha
Ha akhrisan sheekooyinka guusha, waxad ka heli doontaa farriin kaliya. Akhriso sheekooyinka guuldarada, waxad heli doontaa fikrad aad ku guuleysato. A.P.J. Cabdul Kalam



Akhri: xikmado xeeldheer



Dulqaad
Dulqaadku wuxu leeyahay xad, haddii la dhaafiyana waxa uu noqdaa Doqonniimo. George Jackson



Suurtogalnimo
Haddii aan la adeegsan lahayn ereyga "sidee" dameeruhu waxay noqon lahaayeen culimo.

(Waa inaad wax iska weydiisaa wax kasta iyo wixii kugu cusubba, haddii kale waxaad ahaan doontaa ruux aan kala saarin karin sax iyo qalad, dhab iyo dhalanteed iyo run iyo been)



Xishoodka xad dhaafka ah

Xishoodka kaa horjoogsada inaad runta ka hadasho — gebi ahaanba ma aha Xishood, waa se daciifnimo kaliya.

Sh. Ibnu Baas.



Beenta

Nin somaliyeed baa yidhi: Dembigii waan yareysay, balse dembigii lacagta ayaa igu hadhay.

Aniguna ma hayo ayaan yidhaahdaa, iyaduna ma hadasho.



Halkan ka akhri- halqabsiga qaraamka



Aamusnaanta
Aamusnaantu waa dahabi markaanad maanka ku hayn jawaab munaasib ah. Maxamed Cali.



Shaqsiyadda

Waxaad tahay in lagugu naco ayaa ka wanaagsan in lagugu jeclaado wax aanad ahayn. Andre Gide .



Go'aan iyo waayo-aragnimo

Go'aanka fiicani wuxu ku yimaaddaa waayo-aragnimo.
Waayo-aragnimaduna waxay ka timaaddaa go'aan qaadasho qaldan.


Muhiimadda hogaamiyaha

Haddaad dhisto ciidan 100 libaax ah, hogaamiyahooduna uu yahay ey — dagaalkasta libaaxyadu waxay udhimanayaan sida eyga.
Haddii se aad dhisto ciidan 100 ey ah, hogaankuna uu yahay libaax — dhammaan eydu waxay dirirayaan qaabka libaaxa.

Napoleon Bonaparte.



Guul iyo guuldarro

Guusha iyo guuldarradu waa labo qaybood oo nolosha ka mida, labaduba ma aha joogto.

Shahrukh Khan.



Saaxiibtinimo
Saaxiibka kaliya ee daacada ahi wuxu ka wanaagsan yahay 3000 oo qaraabo ah.



Indheer-garad iyo indhow garad

Indheer-garad waxa uu isu eekeysiin karaa maan-gaab laakiin maangaabku Iskama dhigi karo indheer-garad.

Maxamed Cali.



dhibaato

Qofkasta oo aad la kulantaa waxa uu dagaal kula jiraa kadeed aanad ka war hayn — ha illoobin naxariista iyo debecsanida.



Saaxiibtinimo

Mugdi aad la marto saaxiibkaa ayaa ka wanaagsan iftiin aad marto keligaa.



Saamaxaad

Waa inaad iska cafidaa dadka maxa yeelay haddii aad cafin weydo,waxad la kulmaysa kadeedka uweyn.
(Markastoo aad xusuusto uurku taalada)


Xiriir

Waa murugo marka qof aad taqaano uu isu bedelo qof aad taqaanay.



Qurux

Qurux waa marka aad qiimeyn marto naftaada.
Kolka aad garato qaayahaguna, waa markaad ugu qurux badan tahay.



Xikmad gaaban.



Enter your email address:


Delivered by FeedBurner


Weedhside

8 comments: