Home Top Ad

Responsive Ads Here

6 Talo iga hoo ku hungoobi mayside - weedhside

Share:









In badan baad maqashay maxaynu yeelnaa? Maxa se innala gudboon?
Abkii iyo odayadii horena waxa laga weriyaa: taladaan la ruugin, waa lagu rafaadaa.




Talo waa ta la yidhaahdo isuma kaa sheegto, waana lama huraan in la rogrogaa.
Adigu se ma la tashataa inta kuu dhow iyo qof aad ku kalsoon tahayba?


Hubaal weeye oo laguma hungoobo tashiga, Ilaahay Rasuulkiisuna (N.N.K.H) waxa uu yidhi:
"Qofka dadka la tashadaa ma hoogo"



Tashiga waxa laga helaa xal, xog iyo xikmad, kolna waa tabaabushaha timaadada iyo turunturadeeda.

Miyaanay se kusoo gaadhin sheekada ay ku baxday hubsiimo hal baa la siistaa?




Waxay ahayd talo laga dhiibtay  geel cascas, waxan se kuu hayaa lix lacag la'aan ah.
Waa hor Ilaahay iyo habeen aakhiro ee iga hantiya;-





1: Tacabkaaga fiican ilaasho. 


Kuma lihi marka ay sako ku waajibto xoolahaaga, waxaad ku maahmaahdaa: Tulud jeeni kama go'o.

Ku odhan maayo waxa aad noqotaa qudur ku tilmaaman dhabcaalnimo -- waayo ma liibaano muudal, Eebbe na (SWT) waxa uu yidhi: " qofkii naftiisa laga dheereeyo bakhaylnimo , wuxu ka mid yahay kuwa guuleystay"  Taqabun,16

Soo-jeedintaydu waa inaad dhaqaaleyso tacabka wanaagsan oo aan laga tegin lexejeclada.


Waxa lagu tabcaa/tacbaa kaliya kuma koobna: geedo la beero, guunyo xoolaad iyo ginniyaadka lacageed.
Waa ka mug weyn yahay intaas, maxa yeelay Fardowsaba udugeeda lagu urin maayo werdi li'i iyo weyso la'aan.

Miyaanay se ayaandarro ahayn in la saydh-saydhiyo kasab aan lagu heli karin hawl yari? 

Aynu soo ururino talada koobaad;-

  • Tacabkaaga fiican ilaasho, hana dayicin. waxa ila habboon inaad mar wareysto qof tacabkii ba'ay. 
  • Ilaahay ka cabso, lacagtana ha nicin. Waa in Alle dartii wax loo bixistaa, laakiin aan la loofarin. 
  • Ha noqon haweenaydii uu Eebbe (SWT) ku sheegay quraanka ee xadhiga ay tidicdo gelinka hore dib ufurfuri jirtay gelinka dambe. 


2: Cunitaanka xad-dhaafka ah jooji, wax akhriskana joogtee. 

Hadda hilib ha cunin maaha,
Cunahana ha marin maaha,
Ha camirin calooshee,
Caqligana wax sii weeye.  
(Dheegasho maansada sirta nolosha )


Waxa aad mudan tahay in laguu qalo neef iyo in laguu maalo geel dhalayba, waxa se la yidhi: "calooli kayd ma leh " oo hadhowba way haawan doontaa. 

Si kastaba raashin waa laga ma maarmaan, waana muhiim jidh iyo maskax fayoobi - laakiin miyaan garaadku ubaahnayn in la quudiyo ama la kobciyo?

Ku talin maayo inaad joojiso tegitaanka goobaha jimicsiga; balse  qaaditaanka biraha culus iyo cunitaanka canbuulada waxa aad ku dartaa akhrinta buug fiican. 

Waxa cidloonayo buugaag tayo leh oo ku qoran afkaaga hooyo, cilmiga ku dhitaysanina waxa uu ka carfi roon yahay codcod; cidda loo qorayna waa innagga.

Miyaan qoraaga somaliyeed uqalmin boorrin iyo bogaadin?

Iibso oo akhri buug waxa aad dhiirigelinaysaa qof isu hawlay dartaa, waxanad ka dheefaysaa wax walba oo san. 



3: Xalaal xoogso ama xafiis ufadhiiso. 

"Hadduub waxa loo cushaa,
Cuddoon kuu foolataye,
Dameeraha caano galay,
Candhuuftaa laga liqaa. "   xasan ganey 




Bal ka warran haddii lagu yidhaahdo hal mar uducee calooshaada. 
Qofba wax isleh!

Siyaasiyiinta haw badnaatee, kolley ma tiro yara dadka ku ducaysta: "ilaahayoow calooshadaya calool-waraabe ka yeel. "


Waraabe ma cafiyo raq qudhuntay, laf qalalan iyo qaalin dibjirtayba.  Wax kasta oo uu cunana in aanay xumaanin calool-waraabe,ayaa la sheegaa. 


Waa xayawaan aan xisaabi sugayn, xaaraamna kama aha xoolaha islaameed - adigu se yaad tahay?
Ha ku hamiyin inaad malafsato xaq aanad lahayn iyo xoolaha dadweynaha.

Ma kol baad helaysaa maalkii Nebi Suleymaan CS?

Waxa habboon inaad xalaasha miirato. 


4: Xikmadda raadi


Maxaa kaa baadiyoobay?
Waxa lagu ducaystaa: Allahayoow baadidayada baadi islam ka dhig.


Nabi Muxamed (N.N.K.H) waxa uu ku yaboohay oo uu yidhi:
"Xikmaddu waa baadi ka maqan qofka mu'minka ah "

Haddaba kolka geelu kaa lumo ama goosmo adhiguba, waa aad baadidoon tagtaa - maxaad sugaysaa imika?



Mar haddii aad heshay beytin, baadigoob xikmadda hana ka deyin meel aanay ku jirin.


5: Xal ha ka dhigin inaad isqaarijiso ama isdisho.



"Ama taar isku roori,
Ama toogo naftaada,
Ama Toorri afayso "     


Si kastaba ma guuldarro ka weyn baa jirta ficilkan?
Ma waxay kula tahay in sidaa lagu illoobo dhibta?

Dad badan baa dan mooday inay iska jaraan qudha, balse qofna ku raysanmaayo oo xal uma noqonayso kadeed jira. 
Runtii falkani waa jid loo maro Jahannama - tii Alle inoo sheegay inay uxun tahay meel la ahaado. 


Waxa iga waano ah in aanad ka quusan naxariista Alle, mise ma waxaad janno ku raadinaysaa ismiidaamin iyo qarax la mida kii SOOBE?


Sidan ku noqon maysid bamkii Ilaahay ee furka laga tuuray, sidii khaalidna cidi kuguma tilmaami doonto Seeftii Ilaahay Ee Galka Laga Saaray. 

Hooyadaa kaa goblantay ee ummadda islamka ah iyo naftaaduba hakaa nabadgalaan.


6: Marwalba Eebbe ka bari dembi dhaaf. 



Miyaad weli boqol dollar ubedelatay somali shillings? Waxa laga yaabaa inaad hinjin kari weydo.


Judhiiba haddii uu Ilaahay inoo sarrifi lahaa dunuubteena, waxa innagu dhici lahaa Jeedal Rabbaani ah. 

Ugu dambayn naftayda iyo taadaba waxa aan  kula talinayaa inay joogtayso cafis dalbashada. 



Allahayoow dunuubtoo isku dheggan iyo dhammidoodba naga dhaaf. 





weedhside 


1 comment: