Home Top Ad

Responsive Ads Here

Hal-qabsiga Qaraamka

Share:

"Heddeydii gacantaad ku haysayoo,
hadhkaagay naftaydu hoos taal."



Ugu horreyn, jiilkeenani waxay qaraami u yaqaan heesihii hore oo dhan; dhamidood waa inoo qaraami, haddiiba loo tumayo def iyo kaban, qaraamigu se waa ka duwan yahay hees-faneedda.

Qaraamigu waxa uu ahaa heellooyin, heelladuna waa hees-ciyaareed la hayb ah dhaantada.

Midhaha qaraamiga waxay qaafiyaddu kusoo noqotaa meeriskiiba labo-jeer;
way se ka badan kartaa, tusaale ahaan:

"Ideeqdoo aniga ii noqotee,
anigu adigana ma kuu ahay."


Waxaa magaca la siiyaa codadka kuwasoo mid waliba leeyahay baadisooc gaara sida Beerdillaacshe iyo raaxeeye, kadibna codadkaa ayaa hoobal waliba midho gaara ku luuqeeyaa.


Cimriga qaraamiga waxa uu ku eekaa waagii ay curatay hees-faneeddu.

Inta badan heesaha casriga ah waxa laga hal-abuuraa badda jiiftada, qaraamkuse bad ahaan waa heello.
Intaa kadib waxa jira meerisyo heellooyin ah oo aad ugu dhex faafay guud ahaan geyiga, kana kooban: kuwo cod la saaray oo muusig loo tumay iyo kuwo kale iskood u caanbaxay.

Inta badan waxa laga dhigtaa hal-qabsi halbeeg looga dhigayo xaaladda ku haboon.
Sida darteed, iyagoo qayb-qaybsan waxa aynu maanta soo gudbin doonnaa qaybta uhorraysa.






Daway ii ahayd aan doonaayoo,
Dugsi bay ii ahayd idiirinayoo,
Naftayday daranyada udiidi jirtee,
Anigaa doqonoo midkale ku daree,
Dabayshu hayga dhaafto dacallada.

Wax kula quruxoon ahayn qoraxdoo
Ood uqalantaa ishaydu ma qaban.

Qofyahow waxay tidhi qalbiga igubtee,
Wixii ku qaloocsha qarinmaayee,
Waa inoo qabrigiyo qiyaamaha.



.Haddii lagu dilo anaa damqadoo,
Laysuma daayo labo isdoonaysoo,
Dadkeenu waxyeeladay doorbidaan,
Ku doortaye may ku daayaan....



Maantay curatoo mataano dhashee,
Magawdoo candhada golaha marisee,
Aan maalno hasheena maandeeqa.



Halkaad iqoontaa iqiiqaysoo,
Qofkaan arko waan ka qariyaayee..



Tan iyo jigjigaan jembiga ka lushee,
inaan jabo mayla jeceshahay .



Sidii yeyda hawd horow ma ledoo,
ilbaan ka hurdaa habeenkiiyeey.



Maankiyo madaxaa ikala maqanoo,
idinna waygu maad sanaysaaneey.



Sidaan urogaayo iila rogoo,
walaalow adna soo rogaalceli



Tan iyo saakaanu soo soconee,
saraari ma jidkii siraadbaa.



Ninkii gam'ayaa sariir gogladee,
go'aygaan dhigtaa gidaarada.



Wadada loo maraa wed yaalaaye
Wardheer dal wanaagsanaydaa.



Cagaarka ka baxay caleen weyniyo
cosob aan cidi daaqin baad tahaye.



Dhanaan ka sidaa ma dheereeyee,
masoo dhacay dhayda kii siday.



Adaa rabbigaa rasaas ka baryee, ku raaxayso reenka kaaraha.



dhaxaad odayoow afkaa taagtood,
sidii awr dad-cuna indhaha lalisee,
ayaamo adag oo amuuraliyo,
bagaad isu aragteen ilaahay.



Tufaaxa ka taagan toolmoon baan,
habeen walba taabo leeyahay.



Noloshii koonkaa kadeed badatee,
kaalmada rabbigaa kashaada ku hay.



Dunidii wadareey waraabowdee,
dhamaad weeyee wardiga qaataay.



Sidii dhugdhugley dhul dheer maraysaa
dhawaaqayga loo dhagaystaayeey.



Wadada bariyeey ku weheshadayee warkiyo hayga goyn waraaqaha.

Heddedaydii gacantaad ku haysayoo hadhkaagay naftaydu hoos taal



Sakariye Yuusuf Cigaal.