Home Top Ad

Responsive Ads Here

Sida loogu hadlo hadal hufan oo aan ka arradnayn xikmad

Share:



Ugu horreyn,waajib ma aha inaad noqoto sida Hadrawi ama se aad udhaqanto sidii Garaad Wiilwaal.



Haddii aad dooneyso inaad uhadasho si hufan, kuma qasbanid inaad curiso sugaan lagu halqabsado.


Xasha' cidna kugu dirqin mayso in aad barato 5000 oo maahmaahod, adiguna diyaar uma tihid inaad soo-jeediye ka noqoto"Murtida Maanta."

Balse dad badan baa jecel inay yeeshan aftahannimo, kuna hadlaan ereyo aan ka arradneyn xikmad.

Hagaag!

Xaqiiqdii lama wada noqon karo hadal yaqaan iyo qudbad jeediye caan ahba, somalidana waxa laga hayaa:"Ilaahay la kala baryi og, hadalna la kala oran og."

Hadalka hufani se waxa uu sababaa dadku inay ku dhegeystaan — iyaga oo xiiseynaya hadalka.

Sidoo kale waxay kugu ixtiramayaan indheer garadnimadaada; waayo habka aad uhadasho waxa uu ifiyaa shaqsiyadada iyo aragtidada nololeed.

Akhri: awoodda iyo saameynta hadalka.


Wax akhrisku waa dabbaasha caqliga



Haddaba sidee loo adeegsan karaa hadal hufan, loona odhan karaa goor ku habboon?


Weydiintan laba-dhaca ah waxaynu warcelinteeda ukala dhigeynaa qodobo, kuwaasoo haddii la dabaqo wax ku kordhinaya hannaanka aynu utiraabno.


Ka fiirso inta aanad odhan.


Marka aad la hadlayso qof qariiba iyo kolkaad sheeko maadeysa usheegeyso saaxiibka, waa inaad haabka ku hayso maahmaahdan:

"Hadal inta uu uurka ku jiro,ayaa uu ammaanadaa yahay." Wixii intaa ka dambeeya adigu ma haysid xakamaha.

Qodobkani waa faaf-reeb, waana midigta lagu xusho hadalka.

Waxa lagu hufaa,laguna haadiyaa hadba ereyada la adeegsanayo — waxana lagu go'aansadaa goorta munaasibka ku ah.


Imaamkii weynaa Shafici waxa laga guntaday: " Hadalku inta uu afkaaga ku jiro adiga ayuu ku yahay addoon. Marka uu kasoo baxana isaga ayaad addoon utahay."


Hadalka laga fiirsado waxa lagu hantaa qalbiga iyo dhiigonaanta dhegeystaha

Fiiradani waa mid la sameyn karo — xitaa kolka uu qofku ku gudo jiro hadalka.
Ilbidhiqsiyo aad aamustaana,waxay kaa dhigayaan xilkas isku kalsoon, halkii aad ka odhan lahayd "een..een"


Qodobkani waxa uu ka hortagayaa:
1: Hadal-tiraha .
2: Hadalka aan loo meel deyin.
3: Dareenka dadka ayuu ilaaliyaa.
4: Wuxuu abbaaraa ujeedada.


Laye:"Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano fiiqsi loo dhamin feedhahay wax yeelaan."



Waa inuu leeyahay xubin.


Hadal aan la hayn xubin la qabto, waxan ku duugneyn duluc iyo ujeeddo udub dhexaad ah.

Lama garto dhan loo raaco iyo dhinac uu usocdaba, waxanu lumiyaa dheeli tirnaanta.

Qofku waa inuu aqoon uleeyahay waxa uu ka hadlayo,kana jawaabi karaa weydiimaha ka yimaadda.

Waa inuu xaqiiqada cuskadaa, kuna xoojiyaa caddeymo.

Ha kala qalnaado hadalkaagu.



Ixtiraam garaadka dhegeystaha.


Qofka oo la garto kaalintiisa iyo kelmado ku habboon kasmadiisu, waxay hadalka ka dhigtaa mid dalab-tiran.


Si isku mida ha ula hadlin carruurta, cirroolaha, asxaabta, waalidka iyo qariibkaba — hana kuu kala soocnaado dadku.



Iska ilaali hal-dhaca.

Erey aan ogolaansho ka haysanin maanku, yaanu kasoo bixin afkaaga.



Ka fogow Af-suuqa iyo weedhaha la dhalan rogay.


Af-suuqa iyo ereyada ujeedada laga bedeley waxay hoos udhigaan muhiimadda iyo milgaha hadalka.
Bal ufiirso :

Halkan bay ka shidan tahay.

Waa weedh la meydhaamay oo loo yeelay duluc ka duwan asalkeedii.
Ma aha hadal maangal ah,ka mana muuqato qaangaadhnimo.


Hadalka aad ku hadlaysaa waa inuu xor ka ahaadaa ereyada badan ee afguriga ah.



Aqoon korodhso.


Ku dadaal raadinta cilmiga, sugaanta, warka,wacaasha iyo arrimaha la xiriira if iyo aakhiraba.

Maantana waxa aad si fudud ku heli kartaa xogo badan.


Aqoon korodhsiga joogtada ahi waxa uu kaa dhigayaa marjac wax laga su'aalo arrimo kala geddisan.

Somaliduna waxay qofka caynkaasa tidhaahdaa: " Hebel afarta mad-habba waa uu ka jawaabaa."



Kaydka ereyadaada badi.



Af somaligu ma laha qaamuus qoran oo laga barto,lagana sixi karo ereyada, waana musiibo ku habsatay afkeena.

Nasiib xumo, sannad kasta waxa dunida nabadgelyeeya ereyo aan laga maarmi karin.

Af-somaligii waxa uu ku dhowyey inuu dunida horgeeyo warqadiisa is casilaadda , bulshadiina way kasii caydhoobaysaa afkoodii hodanka aha.

Sidaa darteed adigoo maanka ku haya xaaladan waa inaad ka gaashamataa. Haddii kale waxad martigelinaysaa saboolnimo dhanka afka hooyo ah. Waxa aad ogaataa marka aynu hadlayno waxaynu kala xulan karnaa oo kaliya — ereyada aynu naqaanno.


Qaamuuskaaga oo aad kordhisaa waxa uu kobciyaa aqoonta aad uleedahay luuqadda aad ku hadasho.

Ruuxa luuqadda ka abaarsadana, lagama filan karo tiraab badhxan oo si toosa u abbaaraysa bar-tilmaameedka.

Ka digtoonow ereyada macneyaasha badan leh, xisaabtana ku dar: hadal waa margi oo waa hadba dhankii loo jiido.


Heerka dhawaqa codka.

"Ogow heerka codka aadaanka iyo aqiimka salaaddu ma aha isku mid"
Dhawaaqa codkaagu waa inuu lahaado miisaan iyo mawjado ku jaan go'an hadba sida ay tahay inuu dheystuhu umaqlo.


Qofna ma jecla inuu dhegeysto cod dheer oo aan joogsi lahayn ama se xanshaashaq kaliya ah.


Muhiimadu waa in aanu codku noqon mid heer kaliya ku dhaaban,waana in uu ka turjumi karaa ujeedada ereyada — si uu hadal saameyn lihi u abuurmo.




Ugu dambayn hadalka waxa saxar tira ka fiirsiga, waxana maangal ka dhiga ereyada la adeegsado iyo farriinta ay gudbinayaan.




Aragtidaada waanu soo dhaweynayaa.

2 comments:

  1. waxaa qoray maqaalkan qof aad oga hodan ah afkeena ayna haboon tahay in la dhiiri galiyo,
    waxaanan ka codsanayaa inuu bulshada ugu dadaalo siduu oga dhisi lahaa afkeena hooyo ee hodan ka ahee aynu dayacnay.

    #soomaaliduna waxay tidhaahdaa gafuur caro nimuu ku yaaluu dhibaa#

    waxaan ka wadaa inagay ina khusaysaa in ay anu afkeena dhisno oo u samaynu qaamauus jiilka inaga danbeeyaa ka tixraacaaan.

    mahadsanid weedhside.club

    ReplyDelete
  2. waa mudan tahay inaynu ilaashano afkeena hooyo kana ilaashano inuu dabargo.
    mahadsanid

    ReplyDelete