Home Top Ad

Responsive Ads Here

Ku Baraarug Waxtarka Akhriska

Share:

akhri

Ilma-aadam waxay wakhtigan ku jiraan halgan iyo tartan lagu hiigsanayo horumar nololeed. Hadba heerka ay ka joogaan loollankan, ayaa xadida awoodaha ay leedahay ummadi.

Tartankani ma aha beratan, qaalmo-rogad iyo qoob ka ciyaarba — balse: " Waxa suuq mug weyn yaalla, halla simin kitaab weeye."

Waa mid aqooneed oo lafta dhabarku tahay qalin iyo cilmi, laga mana sinna kaalmaha ugu muhiimsan.
Tusaale yar: inaga iyo bulshayada Maraykanka.

1800-1809 madaxweynihii u talinayey Maraykanka ee Thomas Jefferson ayaa laga weriyey: buug la'aan ma noolaan karo. Somaligii la fac ahaa waxa umminimada iyo dawlad la'aanta udheeraa qabyaalad iyo qabiil udirir.
Bal qiyaas farqiga udhexeeya horumarka labadaa ummadood?


Ha fogaan! Waxaynu dulmaraynaa saamaynta ay leeyihiin qalinka,qoraalka iyo wax akhriska.


Qalin iyo Qoraal


Qalinku waa shay bannaanka soo dhiga waayo, aqoon iyo aragtiyo ku legdamaya maanka qofka.
Waxa lagu reebaa sumad, sooyaal iyo suugaan. Sida uu yidhi gabyagii reer galbeed ee Horance: qalinku waa carrabka maanka.

Dhanka kale, waxa lagu maalaa maskaxda, xaashida cadina waa gaawaha lagu dhiijiyo iyo weelka lagu dhiteeyo.

Qoraal waa liskii laga tuujiyey caqliga, wuxu se ukala duwan yahay sida caanaha geela, lo'da adhiga,dugaaga iyo dameeraha.



Qiimaha iyo waxtarka labadan waxa kuugu filan:

  • Waxa inagu mannaystay Allah — midka abuuray khalqiga oo yidhi: " 3: akhri(Nebiyoow) rabbigaa baa sharaf lehe 4: ka baray dadka sida wax loogu dhigo qalinka 5: ee baray aadanaha waxanay kasaynin" Al-Calaq.



  • Suurad quraan ah ayaa magaceedu yahay Al Qalam, aayada koobaadna: "Ilaahay waxa uu ku dhaartay qalinka iyo waxa uu dhigayo"



Wax-akhriska.



Cidina iskuma diidin in casrigan laysku cabiidsado cilmi iyo caqli wadajira;ummadda labadaa kulansantana waxa madiidin unoqda qayrkeed iyo qaarado kale.


Akhrisku waxa uu aasaas uyahay kasbashada iyo korodhsiga aqoonta, waana kobcinta kasmada iyo garaadka aadamaha.

Hubka culus ee reer galbeedku ku gooddiyo iyo horumarka lagu tookhayba,waxa lagu hindisay qalin iyo qoraalkiis.


Inaga se ka hor 1972-kii waxa faro ku tiris ahaa dadka wax qora, waxna akhriyi kara.
Kaddib 46 sanno oo uu afkeenu dhigan yahay; inta wax qorta ayaa ka badan akhristayaasha.
Xaggee buu caynku ka qaloocsamay?

Aqoonyahanka somalidu waxay arrintaa ku sababeyaan saddex qodob.


  • Waxaynu ahayn ummad wax isugu gudbisa afka.


  • Ubadka laguma barbaariyo wax akhriska.


  • Waxbarashada waxa lagu dhigtaa afaf qalaad oo badiba barashadoodu aanay usahlanayn ardayga.



Saddexdan xaalo ayaa derbi adag ku noqday Af-somaliga oo weli la ildaran qabyo-qoraal iyo qaamuus la'aan.

Saddexdan ayaa dad badan ka horjoogsaday akhriska, edegna u ooday hiraalka qalinleyda somaliyeed iyo daabacidda buugtooda.

Meel walba waxa lagu gadaa badar,buskul iyo badhyo shiilan, bulshadiina caloosha mooyee caqliga wax kuma siddo.

Haddii aan lagu baraarugin faa'idada akhrisku uleeyahay guulaha aqooneed ee lagu taabbo galo; ma gaadhi doono meel sare.



Waxtarka Wax-akhriska joogtada ah


  • Culimada caafimaadku waxay ogaadeen inuu ka hortago xanuunada keena asaasaqa iyo akaakawga, waxana uu xoojiyaa xasuusta.


  • Wuxu yareeyaa werwerka iyo wahanka.



  • Akhrisku waxa uu kor uqaadaa aqoonta iyo garashada, qofkii qaayibana wuxu noqdaa marjac loo noqdo.



  • Waxa lagu kasbadaa awood lagu lafo-guro qoraalka, laguna haadiyo hadalka.



  • Waa madadaalo dalab-tiran oo ka mudan fiirsiga aflaanta,riwaayadaha iyo muuqaalada kale ee lagu maaweeliyo nafta.



  • Adeegsiga qalinka waxa go'aamiya akhriska. inaad noqoto qore loo hiloobana,isaga ayaa sabab u ahaanaya.



  • Sheekooyinka male-awaalka ah waxa laga dheefaa sahaminta iyo sawirashada humaagga kaa qarsoon.



  • Akhrisku wuxu wanaajiyaa ufiirsiga, waxana lagu hantiyaa dulqaad iyo fiiro-dheeri.



  • Waxa aad ku gaadhaysaa qaarad fog, kuna ogaanaysaa qaabka ay ukala dhigan tahay nolosha ka jirtaa.



  • Waa xadhiga lagu laylo garaadka, waana mid kuu horseedaya hayinnimo iyo hawaan yari.


  • "Akhrisku waa dabaasha caqliga."