Home Top Ad

Responsive Ads Here

Q1aad:murti iyo maahmaahyo somaliyeed

Share:

Murti iyo maahmaaho xul ah


Qayb ka mida maahmaahaha iyo murtida somaliyeed ee hodanka ah, loona adeegsado kaalmaha ugu muhiimsan ee hadalka iyo hogotusaalaynta.

Murti iyo kaftan

Murti iyo waxtarkii fardaha

Maahmaahyo faahfaahsan

Xikmad iyo oraaho 2aad


Kabbo geel kabtin bay ku waddaa

Karan iyo koranba dibbay u kacaan.

Inan aan hooyo lahayni waa sidii haan Saabla'

Dhallaan dhunkasho wax uma tartee dhiishisaa loo buuxiyaa.

Waano iyo wan baraaraba habeen baa lagu seexdaa.

Nimaan dhulmarin dhaayo ma leh

Rag iyo xaababa waa la urursadaa

Geel la qaaday raggiisaa la tiriyey.

Raggu wuxuu calaf ku waayo,ceeb kuma doono.

Xigsiisan waa xanaano caruureed.

Fudayd dhicis baa eeday.

Nin kaa xoog badani, hortaa buu xanaaqaa.


Adduunyo waa hawle,salaaddana halagu daro.

Ilaahay intaada jilicsan baa la tusaa, aadmigana intaada adag.

Marti foolkeedu ku dhaafay, wan baan kuu qali lahaana waa la yidhaa.

Nin ku necebi xantaa og, nin ku jecelina xogtaa og.

Nin aamusani waa caaqil ama waa cadow.

Maal nin leh baa dhaqa.

Muslimoow run sheeg,muslimoowna uga qaado.

Beel waliba balaayadeed leh.

Wax la raajaa, rag kuma sama.

Suldaan waa sumad qabiil.

Saddex baa dumarka lagu qabaa:
Xilkasnimo
Xog-ogaal
Iyo xan la'aan



Nin xoog lihi cay diid.

Ninba ceesaantii ceel keen.

Afoow yeelkaa, uuroowna allaa ku og.

Raggu waa saddex: Rag-jir, ri' jir iyo ric jir..

Ilmihii aabahood u eeg, odayguna ku uursan,islaantuna ku eedla'.

Nimaan guursani, gogol fiican ma seexdo.

Magaalo waa madal,inta joogtaana waa markhaati.


Naag haddaad rabtana ha iska dilin, haddii aadan rabinna ha isku dilin.


Inan waliba saddex dhalkay hooyadeed ku raacdaa.

Ragga wax ma taqaanid lama yidhaa ee isku si wax uma naqaan ayaa la yidhaahdaa.

Kitaabka meel aan lagu fasiri doonin, laguma furfuro.

Guurkaaga awr dhaan ahna, waa lagu beegaa.

Maag sokeeye maareeyaa loo diraa, maag shisheeyana macangag.

Marti nin ka yar iyo muddo maalin ka yar, midna lama arag.

Xabaal waalid baa xoolo lagala baxaa.

Nimaan dhul marini dhaayo male.

Dadku waa xidid, xasabo iyo xundhuro isku yaal.



Nasab iyo naaso geelbaa la nuugaa. 

Rag waa kii hub-cad, hadal-cad oo hu'-cad. 

Nin waliba hashiisu inay nirig udhasho ayuu rabaa, awr uu rartana wuu rabaa.

Guur iyo geediba sahan bay ku fiican yihiin.

Haweenka iyo geelaba waa la hiddo raacaa.

Madax madawbaa miyir ku dambeeyaa. 

Doqon alla bariday, xeradeeday ka aragtay.

Dabo dabayl siidayn baa loo abuuray. 

Nin kaligii socdaa; waa tuug ama waa tollaawe.

Tol waa nin qumman quwayntii iyo nin qaldan qabashadii. 

Jaahil janno jidkeed kuma joogo, naxariis allena uma jeel qabo. 


Amxaaro madax gumuc galay leedahay ee madax hadal galo male. 

Shir naagood oo shan dhaafay, waa shar.