Home Top Ad

Responsive Ads Here

Murti iyo maahmaahyo faahfaahsan

Share:

Maahmaahyo iyo sharrax kooban.

Jeerin lagama duso lagamana boodo

Maahmaahdani waxay ka warramaysaa qofka xujo keenka iyo jirrabaada badan.


Waa qof lagala kulmo arrimo caqabad ku ah xaajo muhiimaha oo ka mudan xujada uu keenay,waxana adag sidii loo garabmari lahaa xujadaas.

Dhanka kale maahmaahda waxa loo adeegsan karaa arrimaha aan la odhan karin:la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.



Darandooriyaaba naasnaasi.

Maahmaahdani waxay inoo tilmaamaysaa ruuxa waantoobi waaya ee dabarka goostaa inuu danbarsado guuldarro iyo ciilkaambi.

Maahmaahdan waxay meel wada abbaaraan: Ninkii soo joog laga waayo, soo jiifbaa laga helaa.



Wax rag kaa galay rako kaa gale.

g Ujeeddo: arrin iyo adduunba intii rag kaaga xidhanta laguma helo hawl-yari, arrintaasina waxay saaran tahay geed-dheer. Waxay ku jirtaa meel cidhiidhiya oo ubaahan tashi iyo tabaabusho adag.


  • Raggu waa saddex

  • Nin gaajaysan gar looma dhiibo



  • Bartii yaqaan bari uma korodho.

    Nuxurka maahmaahdani waxa weeye; haddii aad waxba ka hidin weydo bartaada(mood iyo noolba) waxba kuu kordhin mayso.

    Badiba qofka isku kooba maalkiisu haddii uu caydhoobo cidi uma kaalmayso — waxana la yidhi: keligii cune keligii buu qadaa.

    Sidoo kale qofka aan hantida uu hayso ku shaqayn si uu tacab kale uhelo ee abidkiiba intuu hayo uun kor ka ilaasha ayey maahmaahdani ka warramaysaa. Tusaale: haddii uu geel haysto, weligii kuma fikirayo inuu neef gado oo uu magaalada jago ka iibsado IWM.


    Oodi ab ka dhow.

    Maahmaahdani waxay ina tusaysaa in derisku ka mudan yahay ehel iyo qaraabo aan ku ag oollin. Dulucduna waa deriska ayaa naf-qaybsi leh oo ka dhow xigto aan kula ahayn ollog iyo ood-wadaag.



    Gabadhi waa midho geed saaran.

    Nin waliba waxa uu laacayaa rucub midho ku yaalliin.
    Maahmaahdani waxay tilmaamaysaa inay gabadhu bartilmaameed utahay inan-rag oo hagaag iyo halisba leh, waana digniin.





    Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa.

    Kolka la xallinayo ama laga hadlayo arrimaha qaar,waxa fiican in laga faqo oo aan lagu feydin fagaaraha.

    Maahmaahdani waxay tilmaamtay inay jiraan waxyaabo aan ku habooneyn in cidwaliba ka warhesho ama se aragto.

    Waxay innagu waaninaysaa in si asturan loo debero iimaha kasoo baxa hawl la qabtay iyo xaajo gaar ahba.



    Fadhi iyo fuud-yicibeed laysku waa.

    Nimaan dhididini ma dhergo ayaa la yidhi. Waxa Maahmaah kale ka mid ahayd" xoogsan maaye xoolo isii" Ilaahay waa karaa, kaama se yeelo.

    Maahmaahdani waxay qiraysaa inaan hawl yari lagu helin kasab iyo koob shaahaba.
    Waxay meel wada abbaaraan: xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.





    Afar lugoodle waa loo awr dayaa,labo lugoodle -na waa loo habar dayaa.

    Maahmaahdani waxay ragga kula talinaysaa inay hiddo-sami uxishaan,kuna xushaan gabdhaha ay kula midoobayaan nolosha ee oori iyo ubad hooyadoodba lala damcay.

    Talada kalena waa in loo qoodh dayo geela oo lagu daro awr firi fiican.
    Kol labaadna waa tii lahaa: haweenka iyo geela waa la hiddo-raacaa.



    Toojaba nin leh baa maala.

    Waa in wax laga bartaa dhibta soo noqnoqata si loo maareyso kalka xiga.
    Waxay ina tusaysaa qofka waayo-aragnimo uyeeshay ee ay ugaarka tahay dhibaatadu inuu maareyn karo arrintaas.



    Nin badhkii gubanayaa ma fayooba.

    Waxay ka marag kacday inaanu qofku ka madax-bannaaneyn dhibta soo gaarta dadka udhow ee qoys, qaraabo, asxaab iyo derisba ah.
    Haddii uu garab-istaagi waayana,waxa uu ka mid noqonaysaa inta dhibban.

    Abwaan Muuse Cali Faruur oo maahmaahdan ka hadlayeyna,wuxu ka yidhi: "...bal qori dable kasoo qaadoo, markuu dhinac ka ololaayo; dhinicii kale muxuu sugayaa? Sow inuu dabka galo uun sugi maayo?"



    Nin daad qaaday xumbo cuskay.

    Qofka laga taag ronaaday ama se laga lib helay wuxu miciin bidaa oo taageero ka raadiyaa meel aan waxba u kordhin karin.





    Midho guntiga jira kuwo geed saaran looma daadiyo.

    Waxay innaga waaninaysaa inaan la noqon: habartii awrka cirka aragtay ee jar ka tuurtay dameerkeedii.
    Waxay tilmaamaysaa inay kala mudan yihiin inta la hayo iyo waxaan la hubin helistoodu.


    Ninba gurigiisa gaado ku leh.

    Waxay tilmaamaysaa inuu nin waliba qiimo iyo qadarin ku leeyahay aqalkiisa. Balse marka lagu kulmo goleyaasha, raggu way kala mudan yihiin.

    Dhinaca kale waxay ina tusaysaa inuu nin waliba ooshiisa wax ku gaadi karo oo aan laga tab helin.



    Hadduu furuq yimaaddo,fanto waa faro-ka leef

    Maahmaahdu waxay sheegtay inay kala culus yihiin dhibatooyinku,labo-daraalena waxa loo xishaa ta la xammili karo.

    Maahmaahdan waxay bah-wadaag yihiin:
    Amxaar la aragyaaba, ferenji xaaji.



    Canaan ka yaab ceesaan ma doojo

    Waxay ina tusaysaa inaanu qofku sida ugu habboon ugudan karin xilka saaran, haddiiba uu ka walaacsan yahay guhaad iyo canaan usoo hoyata.



    Beenaale dal-yaqaana sahan looma dirsado

    Beenawaasku wuxu ka warbixinayaa meel uu si fiican ugaranayo, balse aanu ku gaadhin sahankii — isla markaana aanu kaba warhayn xaalka ay sugan tahay.

    Waxa dhacaysa in la rumeysto beentiisa u eeg runta biyo kama dhibcaanka ah, sidaas darteed bay ku timi: beenaale dal yaqaana sahan looma dirsado.



    Deriskaagu waa ilaalo aan lagu dirsan.

    Diinteena ayaa ina faraysa in la war hayo deriska xaalkiisa, xumaantana laga ilaaliyo — waana xaq ummaddu isku leedahay.
    Dulucda: derisku waa basaasiin aan cadow iyo cidkale toona kusoo dirin.



    No comments