Hubaal, suugaanta somalidu waa mid miid iyo murtiba leh.
Suugaantu waxay udub-dhexaad iyo iidaanba utahay afkeena; xiisaha aad uhayso murtida iyo xulashada meerisyada maansaduna, waxa ay xoojinaysaa ereyada xikmadaysan ee ku dhex-magoolay maankaaga.
Inkastoo gole ka hadalka iyo af-tahannimadu tahay arrin ay ku kala gedisan yihiin dadku, haddana ururinta maahmaahda, halku-dhega iyo halqabsiga suugaantu, waxay qofka ka caawiyaan in hadalkiisu yeesho xubin iyo qodob muhiima oo dadku ku dhagaysan karaan.
Waxba yaan ararta ku dheraane, si aynu isugu baraarujino hodannimada afkeena, aynu milicsano gabayo, geeraar iyo jiifto guudmar iyo goos-goos ah, oo laga soo xulay maansada somaliyeed.

Ax! miyaa jacayl biin,
Ah! maxaad uleedahay,
Asturoo dhibaatada,
Afku yaanu kaa xadin.
Xasan-ganey.
Roob magaalo ku hooray,
Ramaas soo bixin maayee,
Laamiguu ku raftaa,
Ruux hadduu ilko waayana,
Hilibkuu la raftaa.
Cabdilaahi cabdi shube
Nin ku yidhi: masaan nahay,
Mar la qaad talaabada,
Hadduu tiisa maamulo,
Adna taada maaree,
Hadduu sheegto maaley,
Mur kasii qadhaadh noqon.
Ibraahim gadhle
Ragga jiidhku suuqmiyo,
Kuwa ootay seeruhu,
Wedka way u simanyiin.
.. Cali saleeban bidde
Raggow kibirka waa lagu kufaa,ee kaa hala ogaado.
Ismaciil mire
Maqal waxaan ku haystaa,
Muslimkiyo waraabaha,
Mashaqada dhextaaliyo,
Mad-madowgan kala galay,
Inay tahay is maadhaaf.
Muudaaga xooluhu,
Marka ay la kulantee,
Muuqiisa aragtay,
Lugaheeda maashaa,
Isna wuxuu majeeraha,
Uga daba maleegtaa,
Celi maganta baadida,
Is maqiiqiddiisiyo mintidkiyo dadaalkaa,
Hadba muruq usiibmaa,
Bal muxuu sameeyaa,
Ilkahaa umidigoo,
Micidaa ugacanee.
Maxamed ibraahim warsame Haadraawi
Xigmad li'idu waa waxa ka dhigay, xoolo baadiya'e
......Axmed diiriye qaasim
Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka mara kaca,
Sida macawisaha qaar,
Ninba maalin yuu xidhan,
Hadba kii muraado leh,
Hawga dhigin maqaar-saar,
Mar waxaad dhadhamisiyo,
Mijin qaada haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila.
Maskaxdaadu yey noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaaxiyo,
Lagu furan masaabiir.
Ibraahim gadhle
Adoo deyr-cad soofshoo,
Sako lagugu leeyahay,
Suuradaha ka baadhoo,
Maqaar-saar ma bixin layd?
Maxamed xaashi gaariye
Rasmigu waa raas xalaala,
Rarkiyo heeryada jacaylka,
Reerkaaga lala sugaaye,
Rugaha boodhka le ka dhowro.
Weedhsame.
D: Sakariye yuusuf
No comments