Home Top Ad

Responsive Ads Here

Nin Gaajaysan Gar Looma Dhiibto

Share:

Dulucda maahmaahda qaybtii 3aad.







Noloshii reer guraagu waxay ahayd nolol ukala qalan sidii neef la shidhaystay. Waxay lahayd dhaqan leh mud la qaato iyo mandharaari aan la hungureyn.


Waayadaa nolosha qoyska iyo ta bulshaduba waxay lahaayeen hal-beeg sugan iyo hogaan suuban.


Nolol dheelitiran oo hawl,hiil iyo haynba la wadaago ayaa lagu dhaqnaa,qofkastaana waxa uu ku lahaa kaalin iyo masuuliyad gooniya.


Bal aynu tusaale usoo qaadno goorta geeddiga la furo iyo siday uqaybsanayd hawlsha qoysku. Abwaan Cali Sheekh Jaamac oo hawshaa soo koobay baa yidhi:


Hadduu reerku meel dego
Hawli waa rag iyo dumar
Tii lagu dareeroo
Doobka waa guri-ood
Gaarida dhis loo daa
Inan waa kashkaash doon
Duunyada gurbood celi
Duqa reerku taladiyo
Danta guud ahaan iyo
Kama daalo barawaxo.




Dhanka talada madax-dhaqameed,guurti iyo geedjoog soo xula ayaa gacanta ku hayey, ummadduna xeer iyo xeegaan ayaa ay lahayd.

Cadaalada iyo garnaqidda waxa uu uxilsaarnaa garsoor iyo xeerbeegti xaqa soora, gartana nimaan ehel u ahayn looma dhiibi jirin.

"Gari allay taqaan " Ina-sanweyne ayuu ahaaye murtidanina waxay ifinaysaa xaqsoorkii jiray waayadii hore.


Waagaas inta aan la xulin qofka ama loo igman masuuliyad; waa la bilkeedi jiray, kolkna waxa lagu tilmaami jiray murti cabir u ahayd qofka haboon.

Tusaale: intay xaraam ka ahayd ka garnaqidda dacwadaha, waxa ka mid ahaa ninka ay astaysay maahmaahdani: nin gaajaysan gar looma dhiibto.



Nin gaajaysan gar loo ma dhiibto.


Boqorka ma baahdaha iyo loo baahda ah ayaa abuurtiisa ka dhigay kuwo baahda, aadmiguna waa baryo ujoog — taasina waa xikmad Alle.


Dulucda maahmaahdu se kuma aroorayso qof kasta oo ay haysato duruuf adagi; balse, waxay tilmaamaysaa ruuxa ka gaajaysan iimaanka iyo calooshaba.


Haddii uu qofku kulansado labadaana — gari ha joogtee, cuud iyo cunto bisilba laguma aamino.
Barta ay ku qotonto dulucda maahmaahduna, waa halkaas, waxan dulmi iyo eex ahaynna kuma taliyo ruuxasi.



Sidaa awgeed, somalidii hore waxay adeegsan jireen hal-beeg lagu miisaamo caqiiqada iyo caqliga qofka, waana mid ka duwan qalabka wakhtigan wax lagu cabiro.



Casrigan waxa ina soo gaadhay qalabyo lagu cabiro cadaadiska dhiigga, culayska, subagow, sonkorowga iyo inta kale ee lagu ogaado silanaanta caafimeed ee qofka.

Intuba waa wanaag iyo waxtar laga soo waariday waddamo kale, hase-ahaatee waxa laga haayiray murti lagu cabirayey shaqsiyada, kasmada iyo kaalinta uu mudan yahay qofku.

Maantana dadka uxilsaaran garsoorka iyo maxkamadaheenu, waxay ubateen intii aan loo igman jirin garta iyo cadaalada; waxana laga dheefay laaluush, eex, nin jeclaysi, iyo dulmi hoy ka dhigtay dhismayaasha aynu ugu yeedhno maxkamadaha ama garsoorka.


Nin gaajaysan gar looma dhiibto.






W/Q: Sakariye Yuusuf Cigaal