Home Top Ad

Responsive Ads Here

Raggu Waa Saddex

Share:

maahmaah

Weli lama koobin maahmaahaha saddexleyda ah ee ku saabsan ragga, waxa se la hubaa in aanay yarayn.

Sidoo kale tirada ragguna waa ay badan tahay, balse marka la yidhaahdo:" Raggu waa saddex" kama badato saddex.
Waayo saddexley kastaa waxay soo ururisaa tilmaamaha ay kala leeyihiin raggu.


Badiba ma maldahna dulucda ay xambaarsan yihiin saddexleydu, hase-ahaate waxa jira qaar ubaahda faahfaahin kooban.
Mar haddii ay kuwaasi jiraan, waxa aynu dulmari doonaa labo maahmaahood — si aynu kor ugu qaadno aqoonta aynu uleenahay afkeena iyo murtida hodanka ah ee ku jirtaba.

Raggu waa saddex: Nin sidiisa unina, nin lacag ku nina iyo nin-ninkale ku nina.
Maahmaahdani waxay xoogga saartaa dhanka ku tiirsanaanta.


Nin sidiisa unina.

Waa nin ku tiirsan kartidiisa iyo waxqabadkisa Waxa uu go'aan ka gaadhi karaa wax kastoo la soo dersa. Cidna kuma tiirsana, balse qofkii uu ku hubo wax-garasho iyo waxbarashaba waa uu la tashadaa.


Waxa uu awoodaa inuu keligii maareeyo noloshiisa, waxana xor ka dhigay hiraal fogi, dadaal iyo hawl-karnimo.
Garaad iyo dhaqaale ahaanba waa qof madax bannaan, waana nimaan cidkale go'aan ka gaarin masiirkiisa.


Nin lacag ku nina.

Haddii aanu haysan lacag,waxa shaki gelayaa jiritaankiisa.
Mansabkiisa iyo magaciisaba waxa figta geeyey lacag, taa la'aanteedna: erey lama su'aaleen, talo lama weydiiyeen, garaadkiisana miciin lama bideen.


Waa kii uu abwaan Boon Xirsi laha:
"Hoheey lacageey hufaay,
Hacoo nin ahaa halyey ka dhigaay,
Halyey mid ahaa hacoo ka dhigaay."


Waa nin hayn iyo hanti ku nina, haddii la waayana:" Qudhaajo afuufi maayo."


Nin-ninkale ku nina.

Waxa la yidhi: Buur ahow ama buur ku tiirsanow. Kolka laga istaago dhanka ku tiirsanaanta — waxay tahay ujeedadu naftaada ama cidkale ku tiirsanow. Inaad labadaa mid noqotaana, waa ay kala wanaagsan tahay.

Ninkani waxa uu ku tiirsan yahay nin sidiisa unina, la'aantiina go'aan ma goosto, tallaabana ma qaadi karo.

Shar iyo khayrba qaddarka uu la kulmo waxa sabab unoqda oo uu abaal iyo eed miduun hayaa qofka uu ku tiirsan yahay.

Waayo marwalba xaalkiisu waa: "Xaggee dhaanka loo rari."



2: Raggu waa saddex:Ragjir, ri' jir iyo ric jir.


Rag jir.

Odayadeenu waxay sheegaan in wax la dhaqdo raggu ugu wacan yahay, ninka rag jirka ahina waa ka laga jecel yahay goleyaasha lagu kulmo iyo gurigiisaba.

Waa mid kala diri kara labo ismaandhaay, labo utuni dhextaal iyo labo gashi isu haystaba.
Waa xildhibaan iyo xaajo yaqaan loo doono arrimaha la maareyn waayo.

Waa nin lagu soo hirto, la tebo, golaha uu ka maqan yahayna lagu caajiso.
Ma maleeyo ragga, rasumaalkiisuna waa garaad iyo habdhaqan fiican.

Ri' jir.

Waa nin dhaqda riyaha, waxana uu ku tabcaa oo raacaa riyihiisa.
Ma tago oo loogama baahdo geedka raggu ku kulmo, ku sheekeysto,kuna tashado.

Waa nin maalintii adhi la jooga, habeenkiina reerkiisa la jooga.


Ric jir.
Waxa uu bartay Quraanka Kariimka ah, waana bare. Hadba degaan baa uu tagaa oo ubadka ugu dhigaa, kana xoolo qaataa waalidkood.
Ricjirku waxa uu ku tacab geliyaa oo soo saaraa dad aqoon uleh Kitaabka Alle.



Sakariye Yuusuf Cigaal.