Cadka iyo caanahooduba waa xalaal, haddana looma quudhin canka iyo
calooshaba.
Lama shideysan; marti looma loogin, sheekana may werin sangeyaal lagu Alle-baryey.
Waxa aad u adkayd in muquuno loo
bixiyo, sadaqadana waa in loo yeesho iimaankiiAbu Bakar(R.C).
Waa fardaha,waana kuwo ka mid ah afarta waryahaad ee geyiga somalida lagu dhaqdo — arrintaasina waxay ku tusaysaa qiimahooda gaar ahaaneed.
Somalidana waxa laga hayaa: "Qabiil aan faras lahayn iyo quruun aan geel lahayn midna qiimo ma leh."
Farduhu waxay ahayeen xoolo la kala dhaco iyo gaadiidka lagu gulfo, sidoo kalena geelasha lagu kala qaadi jiray.
Marka la raaco sooyaalka ku duugan suugaanta, waxay ugu horreyeen inta la lexo-jecleysto; su'aashu se waxay tahay:
Maxaa ka dhigay kuwo lagu faano oo lagu faro-adaygo?
Muhiimada fardaha iyo jacaylka loo
qabo,waxa waagii hore kor uqaaday
saddex xaalo oo ku xusan murti
somaliyeed.
Somalidu waxay odhan jirtay: "Ninka xoolo doonayow xamaro agjoog,ninka xarrago doonayowna xamaro agjoog. Ninka xilo doonayowna xamaro ag joog."
Murtidani waxay tilmaantay in waxtarka ugu muhiimsan ee fardahu uu ahaa:
1: Guluf iyo in lagu dagaal galo xilliga colaaduhu jiraan ama se lagu duulayo geelasha ee cuudka la dhacayo — waana qodob laf-dhabar u ahaa dhaqashada fardaha.
Ninka faras lihina waxa uu safka hore kaga jiray inta cadgoosata iyo ragga utirsan qabiilkooda, taasina haybad ayey ahayd sebenkaas.
2: Waagaas faras-ku-joogu waxa uu ka mid ahaa xarragada usarreysa, lahaan shiyuhuna milgo iyo maamuus gaar ah ayaa uu usoo hoynayey yedlaha.
3: Wakhtigii dumarka la guursanayo laga bixin jiray magta ninka iyo maadhiin yaraha, waxa kaloo lagu dari jiray faras.
Marmarka qaarkoodna xujo ayaa lagaga dhigayey guurdoonka iyo ciddaha soo geed fadhiistayba — sidii Wegenxile.
Balse haddiiba faras gabbaatiya golaha la keeno, waxa lagu dhakhsan jiray guddoonka iyo gacanqaadka.
Marka aynu soo koobno faa'idada ay somalidu ka heleysay fardaha,waxa ugu mudnaa:
Guluf
Guur
Xarrago
Gaadiidsiga caadiga ah sida socdaalka.

No comments