Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xikmad Gaaban Oo Ku Saabsan Sirta Guusha

Share:

Waa maxay sirta lagu guuleystaa?
Jawaabta su'aashani waa dulucda ku duugan sheekadan gaaban.




Wiil dhalinyaro ah ayaa sirta guusha weydiiyey faylasuufkii caanka ahaa ee la odhan jiray Socrates.

Socrates waxa uu wiilkii usheegay inuu subaxda xigta ugu yimaaddo webiga agtiisa.


Sidii ballanku ahaa waxay ku kulmeen webiga jiinkiisa, socrates-na wuxu wiilka ka codsaday inuu la dhexmaro biyaha.


Kolkii ay biyuhu kor usii udhafayeen luqumahooda, ayuu socrates si yaab leh uqabtay una quusiyey wiilkii.


Wiilku wuxu uhalgamay siduu uga bixi lahaa biyaha — balse Socrates oo ka itaal roon ayaa ku dhex cadaadinayey halkaas, mana uu awoodin inuu kor uqaado madaxa.


Markii uu haftay oo uu halis gaadhay, ayuu socrates biyaha kasoo bixiyey.
Wixii uhorreeyey ee wiilku sameeyeyna waxay ahayd neef dheer oo uu qaatay.

Intaa kaddib Socrates ayaa su'aalay wiilkii:
"Maxa ugu badnaa oo aad dooneysay, markii aad biyaha ku hoos jirtay?"

Wiilkiina waxa uu ku warceliyey: "hawo"

Socrates waxa uu wiilkii ku yidhi:

"Taas ayaa ah sirta lagu guuleysto.
Kolka aad guusha udoonto si udaran sidaad hawada urabtay — waad helaysaa guusha."


Akhriso: halqabsiga deelly

Akhri: lacag aan ka xaday hooyadey ayaan ka macaashay malayiin.


No comments