Home Top Ad

Responsive Ads Here

Lacag Aan Ka Xaday Hooyadey Ayaan Ka Macaashay Malayiin

Share:


"Lacag aan ka xaday hooyadey ayaan ka macaashay malayiin" waxa sidaas yidhi milyaneer.



Barnaamijka taxanaha ka ah BBC-da ee The Boss Series oo ah mid lagu wareysto hogaamiyeyaasha gacansiga caalamka, waxa toddobaadkan marti ku ahaa Andrew Michael oo ah nin ka macaashay shirkad dhanka tiknolajiyadda ah.


Markii uu Andrew jiray 17 sanno, waxa uu go'aan ku gaadhay inuu wax ka bedelo noloshiisa — isagoo tallaabadaas ku qarash gareyey lacag dhan 40 kun oo dollar oo ay lahayd hooyadii oo aan ka warhayn lacagtaas uu ka xaday.


Sannadkii 1997-kii waxa uu magaalada Cheltenham ee galbeedka England kula noolaa hooyadii, xilligaas oo ay umuuqatay fursad ganacsi.


Waxa uu aad urabay isagiyo saxiibkii oo ay iskool yihiin inay sameystaan mareeg ama shakabad dhanka Internet ka ah — waxanu ogaaday shirkado dhawra oo hirgeliya website- yadu in aanay hungureyn gacansiyada yar-yar.

lahaanshaha sawirka:Grant Triplow


"Xilligaas dhammaan shirkadaha hirgeliya website-yada UK, waxay ahayeen shirkado waaweyn" waxa sidaas sheegay Andrew oo imika da'diisu ay tahay 39 sanno.


Waxanu intaas ku daray inay shirkado yaryar iyo shaqsiyaad doonayeen mareeg utaabo gelisa wabsayt aad usahlan oo uu qofkastaa adeegsan karo.


Andrew iyo saxiibkii waxay go'aan ku gaadheen inay buuxiyaan baahidii ka jirtay dhanka suuqa, waxana ay aasaaseen mareeg ay baadisooc uga dhigeen Fasthosts.


"Waxaan qolkayga ku haysanay kambuyuutaradii oo waxanu samaynay aalad.
Waxa kaliya oo aanu baahi uqabnay ayaa ahaa Internet xawaarihisu dhereeyo oo xilligaas aad u adkaa — lacagtii ku bixi lahaydna aanan haysan." Ayuu raaciyey Andrew.



Kolkii ay xaaladu ku adkaatay, waxa uu ku tashaday inuu xado lacag ku jirtay kaarka bangiga hooyadii; wuxuna ku samaystay Internet xaware fiican iyo xayeysiisyo.


Andrew waxa uu ku rajo weynaa guul iyo in ganacsigiisu isbixin doono bilaha uhorreeya.


Nasiib wanaag saddexdii bilood ee ugu horreyey, waxay heleen macaamiil iyo lacago ay iskaga gudaan kharashaadka Internet-kayga iyo xayeysiinta.


Muddo yar kaddib hooyadii waxay ka cafiday lacagtii uu xaday.


Dhammaan saaxiibadii waxay iska sii wateen waxbarashadii, Andrew na waxa uu ka tegay jaamacadii — waxanu xoog- ga saaray ganacsigiisa.


Ninkan dhalinyarada ahi waxa uu la kulmay ganacsato iyo hantiilayaal caan ah oo uu ka mid yahay Richard Branson.

Sagaal sanno kaddib markii uu unkay shirkadda Fasthosts, waxa uu iska iibiyey saami ku kacay 61.5 milyan oo Ginni.


Labo sannadood dabadeed waxa kale oo uu samaystay shirkad kaydisa macluumaadka iyo xogaha dadka, laguna magacaabo Livedrive — taasoo kolkii dambe uu ku gaday lacag aanu sheegin caddedkeeda.



Andrew waxa uu ku dhashay dalka Qubrus; balse wuxu ku hanaqaaday magaalada Cheltenham ee dalka ingiriiska, waxanu sheegay inuu fikradaha ganacsi ka dhaxlay aabihii oo gacansi yar lahaa.



Xigasho: https://www.facebook.com/qor oo wax akhri.

2 comments:

  1. Mash Allah aaad ayaan ugu faaidnay qormadan ma qaadan kara qormoyinkina si aan ugu faaideeyo asxaabteda kle mahadsanidin

    ReplyDelete