Home Top Ad

Responsive Ads Here

Halqabsiga Deelley

Share:

Deelley.

Deelley waxay ahayd silsilad-sugaaneed caan baxday oo ka bilaabmatay gudaha waddanka somaliyeed, taariikh ahaanna waxay aloosantay sannadkii 1979-kii.
Waa silsilad laga warqabo mahadhadii iyo halgankii ay horseeday,waxaana ka qayb qaatay hal-abuuro kor udhaafaya konton.
Deelley waxay ka kooban tahay 67 maanso oo bulshada somaliyeed aad udhagaysatay, una jeelqabto hadda iyo hadhowba.
Xiisaha loo qabo deelley waxa uu horseeday in halku dhagyo caanbaxa lagala baxo silsiladan,waxana ka mid ah hal-hayska lagala hadhay:



Dadka waan ka quustee,
Dunida sow ragbaa nool.

Maxamuud "dheeg".



Waxaan labada daaniyo,
Dalqadayda dhaafayn,
Ma deji baad ileedahay.

Maxamed Jaamac Gaaxnuug.



Dumarkaa halkii ladan,
Diricaba ka qaadoo,
Daawashada ku naaxee,
Deelley ma qalanjaa?

Maxamed Carab Falaxfalax.



Meeshuu ilkaa daro,
Doolibaa afuufee,
Ha dareemin miciyaha,
Ma dabeecad jiirbaa?

Xasan ganey..



Sheekh Bashiir bal daalaco,
Wadaadadii digriyayee,
Daasad uu dhex dhigayee,
Ku daloosha uu yidhi,
Diintay akhrinayeen,
Waxkastooy dudubiyeen,
Markay diisi waayeen,
Waa kii budh doontee,
Damdaguugan kaga dhigay,
Waxan uga danleeyahay,
Muruq baa dagaal gala,

Yaasiin Axmed..



Cilmi durugsan baa yidhi,
Aakhiro dalxiis maleh,
Ifka daawasho utaga.

Xasan-ganey..



Dayaxoow cagaa dhigo,
Duhur gaadhi meyside,
Xiddigtii dagaaraay,
Adna soo durdurisaye,
Isku qari daruuraha,
Dadku kuuma baahnee.

Ibraahim gadhle.



Doqonyahay masayrkiyo,
Danni lagu marriimee,
Deeqdii Ilaahay,
Deelqaaf ka mudataay,
Adigiyo dangaladaa,
Da' kastooydun qooqdaan,
Waxa aydun dihitaan,
Daratiyo ma caalbaa?

Hadraawi..




Allow yaa ku dooxoo,
Haddana aan ku dilinoo,
Waxaad damacsantee kale,
Dibadda ula soo baxa.
Cabdi iidaan faarax



Ninka diirta koriyee,
Ku dhex beeray doogee,
Dabar gooyey cuudkoow
Danyar wey ku aragtaa
Ma dadkaad indhaha qaban?
Aadan tarabbi jaamac



Dawlad iyo qabiilona,
Maba kala dabqataan,
Mana wada degnadaan,
Ninkaad doontidba ugee.
Maxamed aadan dacar



Nimaan duunyo dhaqan karin,
Digaag xoolo ka lahayn,
Yuu ku odhan dadweynaha,
Fardaan daajin jiray beri.
Maxamed nuur shareeco



In qabiilku daxal yahay,
Darxumiyo abaar yahay,
Qarankana udaran yahay,
Dib udhaca ka kow yahay,
Ninka diiday waa kuma?.
Cismaan aadan "askari"



Haddaan dayro dhaafyada,
Dhaxantiyo dabaylaha,
Dugsi meel leh kugu xidho,
Dabro weerar weeyee,
Dirirtiyo colaadaha,
Marka dooyo loo baxo,
Ma dagaalamaysaa?.
Cabdi qaadir xirsi yamyam



Ninkii dabin libaax dhigay,
Duur lagu aqoon jiray,
Daf utidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi:umaba daban.
Cabdi cali weyd



Habartii docdeediyo,
Degelkay ku noolayd,
Daruuruhu ku hooreen,
Dadba wada hel moodoo
Daad-wararac bay tidhi.
Cabdi iidaan faarax



Nin muraayad daawaday,
Foolxumo isdiidsiin,
Kuma doorin karayee,
Ma inuu dillaacaa?

Gaariye.





Diyaarin: sakariye yuusuf cigaal
Raadraac: diiwaanka deelley saadaal rumowday: Boobe Yuusuf Ducaale