Home Top Ad

Responsive Ads Here

Murti Iyo Kaftan: Bari Waaga Mooyee Waxsan Kagama Yimadaan

Share:

xikmad gaaban

Galbeed iyo waqooyi
Hawd iyo bari




Jiilkii hore waxa laga dhaxlay murti aan taag iyo tiro yarayn — kuwasoo ka kooban: Maanso, Maahmaahyo, Heeso, Sheeko, Oraaho IWM.


Tix iyo tiraabba waxa wax-laga yidhi arrimo la xiriira: geela, gammaanka, guurka, garta, gubaabada iyo gulufka.

Sido kale waxan meesha ka maqnayn hasaawaha, hawaalaha, hanfarka iyo kaftanka bilaa turxaanta ah.


Sidaa darteed, maanta waxa aynu si aan mug weyneyn udulmaraynaa mid ka mida murtida somalida.

Akhri: Murti aan ka maqlay maqaaxi.


Bari waaga mooyee waxsan kama yimadaan.


Sida ka muuqata waxay tilmaamaysaa dhanka bari in qorraxda mooye aanay ka iman wax kaloo qiimo lihi.


Murtidani uma baahna faahfaahin, waxa se inla isweydiiyo mudan:
Ma xaqiiq baa mise waa xifaale?


Waxay ila tahay in aanay cidi ku doodi doonin: "waa dhab " labana ku murmi meyso inay tahay kaftan.


Sidee baa loogu kaftami jiray? Odayada somaliyeed waxay odhan jireen: Galbeed waxa ka yimaadda wadaad iyo nin u eeg, waqooyina waxa ka yimaadda sabool iyo nin u eeg.

Hawd waxa ka yimaadda taajir iyo nin u eeg, barina waaga mooyee waxsan kama yimaadaan.


Ujeeddada murtidani waa kaftan iyo hoos ka tuur bulshada ka dhexeeya oo ku salaysan afarta jiho ee degaanka somaliyeed.


Halkaa ha inoo joogto .



Waxanu jeclaan lahayn inaad la wadaagto asxaabta, aragtidaadana waanu soo dhoweynaynaa.


©2019 weedhside

5 comments:

  1. Aadbaad umahadsantihiin walaalyaal Waxaanse jeclahay inaan idiinku soo biiro

    ReplyDelete
    Replies
    1. waanu kusoo dhaweynaynaa walaal ee nala soo xiriir

      Delete
  2. M.alah halka kahaya jalayal Luqadena aad Dunida lwadagno

    ReplyDelete
  3. M.alah halka kahaya jalayal Luqadena aad Dunida lwadagno

    ReplyDelete