Home Top Ad

Responsive Ads Here

Murti Aan Ka Maqlay Maqaaxi Iyo Meelo Kala Duwan

Share:

murti gaaban

Wakhtiyada qaar, kolka aad la kulanto wadar; waxaad kala kulmaysaa waxsan iyo wax kaa yaabiyaba.


Haddii aad ka mid tahay xerta ehelu bigeys wal xaraara,waxa aad meheradaha shaaha lagu bisleeyo ku arkaysaa: Nin baanaya labo cod dheer ku kaftamaya,oday ku maahmaahaya sheeko gaaban, culimo wacdi iyo waano kula soo agjoogsatay, falanqayn siyasadeed iyo hadalhaynta qaba'ilka somalida.

Hagaag.

Haddaba, aan kula wadaago qayb ka mida hadalo aan dhawaan ka maqlay maqaaxi iyo meelo kala duwan; kuwasoo badi labadi qofiba si ujeedo leh isu weydaarsanayeen.

Akhriso: sida loogu hadlo hadalhufan.


1: Dhurwaa abaa lagu yidhi:
bal ka warran iyadoo raq lagaa keenay oo kurus lagugu heeryeeyey, mandharaarina lagugu hogaaminayo oo raq kalena laguu sii wado.

Wuxuun buu ku warceliyey: "hayga qoslin feedhahaan nudub ku leeyahaye"


2: Waxa layidhi:geeljiruhu run ka fog, rug ka fog oo rabbi ka fog.

3:Waraabe, waraabe canaanay waa se walaalkii.

4:Ninku hal kuu lis ama hadal kuu dheh.

5:Dad baa hagar lehe, dhuli hagar male.

6:Naftu kolkay kadan tahay bay Alle taqaanaa.



7:Nin qurjejooga oo dalka kusoo noqday ayaa lagu dhibay shaxaad joogto ah.
Markasaa maalin dambe waxa uyimi nimay saaxiibo hore ahaayeen oo ku yidhi: " Intii aad maqnayd hebel dhimay oo hebel dhimay oo hebelkii ilkaha casaana dhimay....."

Qurbejoogii baa yidhi: "Wedkaasiba waa kaan ka dhoofay.'

8:Waraabe lafihiisa iyo laf guri taalla midna uma roona.

9:Waxa layidhi: Buur weyn baa foolatay markasaa lays weydiiyey waxay dhali doonto. Buurtii waxay dihataba waxay dhashay cirbad/irbad.

10:Intay beeri ku siiso bahdaa kuma siiso.

11:Waxa layidhi: Nin baa beri si dhib badan ku koray geed dheer. Kaddibna kolkii uu figta sare gaadhay, ayuu kasoo dhacay. Intuu boodhkii iska tumay oo uu geedkii sidaa u eegay buu yidhi: " Kaba fiican oo degistii ka hawl yar"


12:Dagaal gondahaagu ka bilaabmaa.

13:Naag aad caado ka weyday iyo nin aad hunguri ka weydayba ka quuso.


14:Odayadu waxay odhan jireen: Adhigu taagnaan buu ku caloolgalaa, geeluna fadhiguu ku calool galaa; dadkuna jiif bay ku calool galaan.
Haddii uu adhigu taagnaan kari waayo geeluna fadhiga hayn waayo, dadkuna jiifka xejin kari waayaan xaalkoodu wuu xun yahay.


15: Nin baa looga warramay oo la xusuusiyey iilka iyo amuurihiisa. Isagoo yaabban buu yidhi: "Xabaalba, geeri baa ii kadday."


Sii akhri: Murti iyo qiimaha fardaha

No comments