Home Top Ad

Responsive Ads Here

Awoodda Iyo Saamaynta Ereyada Hadalka

Share:
- (29 Rabiicul-Aakhir, 1438)jimce Wanaagsan:


Professor ayaa u jeedinayay Arday khudbad ku saabsan awooda iyo saameynta ay yeelan karaan kelmadaha aan ku hadalno iyo hab dhinaca wanaagsan ah in loo fakiro.

Mid ka mid ah Ardaydi ayaa gacanta taagay oo yidhi, "U maleyn maayo inay kelmado wax bedeli karaan.


Maalin kastaa dadku way iska hadlaan waxna qoraan. tusaale hadaan maanta dhan iraahdo 'Nasiib wanaagsan' kuna celceliyo bedeli mayso xaalada aan ku sugnahay".

Professor-ki ayaa ugu jawaabay, "Nacasyohow aamus. Waxaad tahay jaahil aan fahmayn waxa la yidhi!"

Ardaygi ayaa naxay, wejigiisi ayaa caro la guduutay wuxuuna yidhi, "Maxaad sidaa iigu caayaysaa? maxaad is mooday adigu? Iyo erayo kale.


- Professorki ayaa ka dhexgalay, "Fadlan is deji, uma jeedin inaan ku waxyeelo.

Fadlan i cafi inaan isticmaalo erayadan oo kale" Ka dib ardaygi ayaa qaboobay.

Professorki ayaa sharaxaadi sii watay, "Xaqiiqdi taasi waxay ahayd jawaabta su'aashaadi.


Erayadi aan hada iri saameyn weyn ayay kugu yeesheen inkastoo aysan niyadeyda ahayn inaan ku calool xumeeyo hadana kelmadaha aan iri doorkoodi ayay ciyaareen.

Halka erayadi dambe aan idhi ay ku dejiyeen. Tani waxay si cad kuu tuseysaa awooda ay erayada lagu hadlo leeyihiin".

Kelmadaha aan ku hadalno:- Waxbay daweyn karaan ama dhaawici karaan, Waxay noqon karaan dhiirigelin ama niyad-jab, Waxay joojin karaan colaad ama bilaabi karaan dagaal.


- Waxay abuuri karaan is-fahan ama khilaaf, Waxay kuu kasbi karaan xushmad ama naceyb, Waxay xoojin karaan xiriirka ama Guri bay kaa dumin karaan, Waxay kuu horseedi karaan Dambi ama kuu siyaadin karaan AJar & Xasanaad.

Hadal kastoo aad ku hadasho iyo sida aad u hadasho waxay sawir cad ka bixinayaan shaqsiyada qofka iyo heerka uu gaarsiisan yahay Nolosha.

Ogsoonow ul ama dhagax waxay jabin karaan laftaada, laakiin erayada lagu hadlo waxay dhaawici karaan ruuxdaada.

Ka fiirso waxa aad ku hadleyso, marnaba cid ha ku waxyeelayn carabkaaga, Ha kugu tilmaansadaan dadku qof afkiisa umada ka nabad gasho iyo qof afkiisa wanaag keliya ku hadla.



W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje. Dhammaad.