Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xogo Cilmi nafsi oo kaa caawin kara inaad wax ka ogaato naftaada iyo habdhaqanka dadka kale

Share:

Barashada xaaladaha ku saabsan nafta iyo fahanka hab dhaqanka dadka, waxa ku duugan xaqiiqooyin iyo xogo xiiso badan.

Ogaanshaha iyo ka gun gaadhka arrintanina, waa kaalin ay uxilsaaran yihiin culimada cilmi nafsigu.

Haddaba natiijooyin kasoo baxay cilmi baadhisyo kala duwan, waxay ina leeyihiin aqoon yahanka cilmi-nafsigu:-



1: Haddii aad hadafkaaga la wadaagto ama uga warranto dadka kale, si fiican uma saari doontid diiradda. Waxa lumaya hammiga iyo hiigsiga aad uhayso ka midho dhalinta iyo ka gun gaadhida hadafkaas.



2: Waxa jira cudur naadira oo ku dhaca maskaxda, kasoo qofku umaleynayo inuu qudhmayo, dhimanayo ama aanu jirinba.

3: Waa macquul in loo dhinto qalbi jab, waxana loogu yeedhaa Stress Cardiomyopiathy.

4: Boqolkiiba sagaashan dadku ma laha qalbi nadiifa laakiin waxay u dhaqmaan sida ehlu-diinka.

Hobaladda Deeqo Afro oo somalida ka warramaysana, waxa dhowaan laga hayaa: "Waxaad mooddaa dadka somaliyeed inay qabanayaan hawshii malaa'igta."

5: Haddii uu qofku gebi ahaan joojiyo dhaqdhaqaaqa muddo 15 daqiiqo, waa uu gam'ayaa.

6: 90% ka mida dadka ayaa xiiseeya marka ay labo qofi dagalamayso.

7: Qofku inuu naftiisa weydiiyo waxa uu rabo inuu qabto, kaddibna uu fuliyaa;waxay ubaahan tahay kalsooni badan.

Qofka ay hooseyso kalsoonidiisu waxa uu eegtaa dadka kale — si uu ugaansado waxa uu qaban lahaa.


8: Dadka bixiya talooyinka ugu fiicani, badanaa waxay la nool yihiin ama haysta dhibaatoyinka ugu badan.


9: Dadka daciifka ahi si fudud wax uma cafiyaan, waxayna jecel yihiin inay aargutaan.


10: Culimada cilmi nafsigu waxay leeyihiin: muddo afar daqiiqo ah ayaa wax lagu jeclaadaa.

11: Marka uu ruuxu farxad la oynayo, waxay illintu kasoo hor dareertaa isha midig.
Kolka uu murugo la oynayana, waxay kasoo hor burqataa isha bidix.

12: Celcelis ahaan muddada dumarku ay qarin karaan sir waa 47 saac iyo 15 daqiiqo.

13: Ka hor inta aanad gam'in qofka udambeeya ee kusoo dhaca maankaga waxa uu sabab unoqday farxaddaada ama murugadaada.

14: Dadka da'doodu udhexayso 18 ilaa 33 jir ayaa uwerwer badan inta ifka joogta.


15: 10% mujtamaca ku dhaqan dunidu waa ay gurran yihiin.


16: Maskaxdaadu waa ay dareemi kartaa qofka kugu dheygaga — xitaa haddii aad hurudo.


17: Badanaa qofka ka faalooda uun dadka kale waa mid aan noloshiisa ku faraxsanayn.

18: Ruuxu haddii uu culeys ama dhib kugu qabo, waxa uu kugula dagalayaa waxyaalo yar-yar oo aan micno lahayn

19: Qofka aan ku jecleyni kuuma mahad naqnayo, qiimana uma laha inta uu leeg yahay waxaad uqabatay.

20: Indheer-garadku waxa uu qofkasta ku cabiraa ficilkasta oo uu samaynayo. Halka maangaabkuna uu ku xukumo sida ay uhadlaan.

21: Qofka ku dhasha indho la'aan waxa uu ku riyoodaa codad kaliya.

22: Nooca heesaha aad dhegaysataa waxay saameyn ku yeeshaan qaabka aad uqiimeyso dunida.
Tusaale usoo qaad: Dhiin dhiin yartu dhiin VS waa hoos adduunyadu waana laba ayaamoode.


23: La socodda dadka aragtida togan ee faraxsani, waxay kugu sii kordhin farxad.

24: Boqolkiiba sagashan dhibatoyinka waxa abuura maskaxda.

25: Jacaylku waxa uu dardar gelin kara ama godli karaa hibadaada.

26: Ehlu caqligu ma buunbuuniyo naftiisa, juhaladuna waxay ismoodaan indheergarato.

27: Marka aad tahay doob waxa aad aragtaaba waa lammaane faraxsan. Marka aanad ahaynse waxa aad arkaysaa doobab faraxsan.

28: Indhaha oo aad isku qabataa waxay kaa caawinayaan inaad wax xusuusato.

29: Marka aad xidhato dhar madow waxa aad umuuqanaysaa qof dhuuban.

30: Cilmi nafsigu waxa uu ku taliyey: Haddii aad rabto inaad qof ka doorato koox dad ah oo xun, ka dooro ka ugu xun.

No comments