Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xog Ku Saabsan Fardaha

Share:
Noolahani waa kuwo lagu tanaado oo loo aayo gaadiidsigooda, iyagaana ugu facweyn meesiga la dhaqdo.

Waxa kusoo aroora xaqiiqooyin xiise leh oo badiba aanay ka warhayn bulshadu, halkanna waxaynu ku guudmari doonaa qayb ka mida.


1:Farduhu waa naflaha ugu indhaha weyn dhammaanba naasleyda ifka joogta.


2:Farduhu ma laha xubinta kaadi-haysta.


3:Cadkooda iyo caanahooduba waa xalaal.

4:Hilibka fardaha waxa aad looga jecel yahay dalalka Mexico,Kazakhstan, Russia, Italy iyo China.


5:Meeris kasta oo udanbeeya badiba gabayada naftii-hafarku waa duco faras. Tusaale: "Haad kacay la moodyoow beryahan,hedi hakaa raagto." Qawdhan Ducaale.

"Baal gorey la moodyoow beryahan,belo hakaa raagto." Qammaan Bulxan.


6:Fardaha qaarkood waxay noqdaan dad-cun u ugaadhsada dugaaga.


7:Dareenada urta iyo maqalka fardahu waxay ka wanaagsan yihiin kuwo aadmiga.


8: Faraska qaangaadhay wuxu leeyahay 40 ilig.

9:Timaha iyo ciddiyaha dadka iyo qoobka fardahu waxay ka samaysan yihiin booratiin isku mida.


10:Waayadan fardaha ugu badani waxay ku dhaqan yihiin Waqooyiga Ameerika siiba USA iyo Mexico.


11:Waxay ku seexan karaan sare-joog iyo fadhiba.


12:Fardaha maanso yahanka somaliyeed ku halqabsado waxa ubadan: Xiin-finiin, Dooddi- waal iyo Dayax-weerar. Saddexduba waxay ka mid ahaayeen fardihii Ina Cabdille Xasan.

13:Waddanka dibadda udhoofiya fardaha ugu tirada badani waa Maraykanka.


14:Dalalka soo dhoofsadana waxa calanka usida Boqortooyada Ingiriiska.



15:Culimada cilmi nafsigu waxay sheegeen inay fardahu ogaan karaan hadba xaalada uu ku sugan yahay qofku: murugo,farxad IWM.