Home Top Ad

Responsive Ads Here

midabka iyo noocyada fardaha

Share:

Midabka iyo noocyada fardaha



Farduhu waxay ahaayeen naflaha ugu qiimaha badan ee  somalidu dhaqan jirtay, haatan se waxay ku dhowyihiin cidhibgo'.

Waxa loo dhaqan jiray xarrago,gaadiidsi iyo guluf, mana jirin cad iyo caano laga dheefi jiray; waa se lagu cad-goosan jiray.

Waxay si wanaagsan ugu dhaqmaan dooxooyinka,cimrigooduna wuxu gaadhaa 25 ilaa 30 sanno.

Inta badan, suugaan ahaan waxa lagu amaanaa geeraarka; waxa se jira hees-hawleeddo ugaar ah oo loogu heeso:
bakhayl adhi badan,
oo ban dhow yaal,
baruur mudashiyo,
adaa badhi ku leh.


Wanan ayaa loo gawracaa oo subaga lagu shubaa,calool gashiimana wuu noqdaa iyo cudurada qaar waaba lagaga daweyn jiray.
"Fardo laysu hayo,maxaa la isugu faanin." Inbadan baad maqashay murtidan la adeegsado goorta la isbarbar dhigayo ama laysu faansho labo shay ama se noolaba — waxase jira tartan, baratanka fardahana waxa la yidhaa deeddan ama deeddamo.


Sangeha iintiisu yartahay waxa uu la qiimo ahaa 20 ilaa 30 qaalmood oo geela, waxayna leeyiin midabbo iyo magacyo kala duwan.


Marka laga reebo mid baroorka ah oo isagu ah ka ugu wanaagsan bahdan; faradaha kale waxay yeeshaan iin, tusaale ahaan:
midka qaajaha ahi waxba marko kolkay qorraxdu si quman uqabato indhiisa waxanu jiidhaa dhirta iyo oodaha.
Marka uu xaaladaa la kulmana,waxa la yidhaa:"wuu qorraxoobay."
Laye:
Bilaa qaajuhu,
Qorraxowyoo,
Qaar-dambeedkiyo,
Qanaanta hadhmoo.


Sidka geenyadu waa 11 bilood, dameeruhuna waa 12-14 bilood.
"Faraska haddii aad heensaha saarto, male kasoo rogaa jira."
Ninbaa yidhiye, marka la saarayo qalabka fuulimaadka, waxa lagu hormariyaa xakamaha.


Xakame waa bir wadata suuman; birta waxa loo geliyaa afka, suumankana waayadii hore waxa laga samayn jiray harag la megday(siiba ka lo'da) .


Suumanku waxay ka kooban yihiin: qayb sanqaroorka iyo daamanka lagu xiro; kol-kolna ilaa faraska madaxiisa_waxana weheliya majarehii ama caynaanka oo ka samaysan dun.


Xakame waxa lagu xakameeyaa dhaqdhaqaaqa iyo orodka faraska , la'aantiina nin Koore-gooye ah mooyaane, cidkale damac kama galeen fuulimaadka.

Qalabka kale waxa kamida koore(harag megden oo jilicsan,cimri dheerna iyo fadhi geed laga qoray) fadhiga wanaaja, watana wehelkiisii oo xadhig iyo wegeredba leh.

Shakamad ama sitaac waxa lagu qurxiyaa fardaha, waxana looga dhigaa Gaaddo-xidh.


Marka aad udhammaystirto qalabka fuulimaadka, somalidu waxay ku leedahay: " Faras waa ku joog ama waa ka joog."


Wax udhexeeya ma jiraane, haddii aanad yedle ka ahayna, waxa la yidhi: "Faras aanad lahayn fuulimaadkiisa, futo-qarrar baa laga qaadaa."


Lama hubo goortii la bilaabay dhaqashada fardaha, waxase la sheegaa inay yiihiin naflihii uhorreeyey ee la gaadiidsado.


Inkastoo somalidu ku faani jirtay oo aad ujeclayd gaadhiga hortii, haddana arooryadan saaka ah, waxay ku kooban tahay ka sheekaynta fardaha siiba kuwa ku caanbaxay suugaanta.


"Waa xiin-finiin neefka aad, xadhiga haysaaye,
xayawaanka oo idil naftuu,kala xeroodaaye..."

Malahayga maqashaye, waxa uu ahaa Faras ka mida fardihii Ina Cabdille Xasan, siday ila tahayna waa midka ugu magac dheer fardaha ay  somalidu dhaqan jirtay.





Faras= waa faraska lab
Geenyo= waa faraska dhedig
Dinix: dhasha yar
Darmaan= waa faras yar oo dinnixa ka xoogaa ka roon .


Sange= faras lab oo ay isu-gaadhay
Sunnaari=nooc ka mida noocyada fardaha ugu wanaagsan.
Danan= waa cida fardaha
Deeg: waxa lagu dhawaqaa kolka faraska la joojinayo.

Wegen= waxa la isku yidhaahdaa 100ka faras,halka boqolka geela ah laga yidhaa: kadin, adhigana tiro.
Qaaje=waa faraska cad
Qaatimayn= waa dur-durada fardaha.


Leedo-fuul= waa marka faraska la fuulo isaga oon wadan qalabkii fuulimaadka.
Magaan= faras gaabiya
Nuuxayn= orodka tax-taxaashka ah ee fardaha.
Ashkir= nooc ka mida midabka fardaha oo isugu jira dhawr midab.
Kacdin= waa amba qaadka orodka faraska ilaa inta uu ka daalayo.


Xamar= waa midabka xamariga ah ee fardaha.
Caynab= waa midabka madow ee fardaha.
Kadle= orod ka mida orodka faraska kaasoo ah mid aan xawli ahayn.
Kaytin= orod xawli ah.
Hardaf/koose: jaad ka mida orodka ugu gaaban ee fardaha.


Baroor= waa nooca ugu wanaagsan uguna orodka dheer fardaha, had iyo jeerna waxa uu diilin cad ku leeyahay sanqaroorka.

Fardo- fuul= waa ninka aqoonta fiican uleh fuulimaadka fardaha.
Shiil= midab fardeed oo ah madow ifaya.
Baqal= dhasha ay iska dhalaan fardaha iyo dameeruhu.


Sitaac: shay fardaha lagu qurxiyo.

Nadi: jeedal.

Bood: midab fardeed cawliin caddaan yari ku jiro
.
Bullaale: midab ah dambari  .










Diyaarin: sakariye yuusuf cigaal.