Home Top Ad

Responsive Ads Here

Amaanta Fardaha

Share:
"Afku waa waradh jeexanoo,
Biro laysku wakaabaa,
Walam loogu ridaaye,
Walaa xawli miyaa?" Ina Cabdille Xasan.



Haba kala badnatee, dhaqashada farduhu waa tacab ay usiman yihiin Ilma Aadam; ammaantooda se lagama sinmin.

Fardaha waxa ammaan ugu filan Qur'aanka oo Rabbigii abuuray baa ku dhaartay; midda aynu se ka hadlaynaa waa ammaanta laga hayo ruux dhaqday,misana ku liibaanay.


Malahayga, somalidii hore cidi kumay labayn jirin ammaanta fardaha iyo geelaba, maxa yeelay waxay ahaayeen hantida ugu qiimaha weyn ee qof yeesho.



Mag iyo marantiba waa laga bixin jiray, balse maanta "Ceesaan riyood iyo baroor, caarle baa simane".

Qiimiga farduhu halkaa ayaa uu joogaa, in la dhaqdana waxa laga jecel yahay gadashada tugtugta iyo tagaasida.
Ma xuma in la gaadiidsado biraha casriga ah, balse dhibtu waa hiyikaca bulshadeena.


Si fudud ayey uga dhaqaaqeen dhaqashadii iyo dhaqankiiba, ma se oga in dadka baabuurta sameeyaa inay ku tabcaan, xanaaniyaan, xeryana ku quudiyaan fardaha.


Kol haddii xaalkuba sidaa yahay helimeyno suugaan cusub oo lagu ammaanay ama ku saabsan fardaha, sidaa darteed waxa aynu is xasuusin geeraro hore iyo qayb ka mid ah maahmaahaha fardaha.




Waxa qoobyar la keenay

Geeraarkan waxa tiriyey gabyaa la odhan jiray Maxamuud Daallin, mana dhamma geeraarku.

"Waxa uu ahaa Reer Togdheer. 1920-naadkii ayaa baratan fardaha ku saabsan lagu qabtay Nugaal, dabadeedna faraskiisii ayuu kaga qayb galay.
Goobtii markii uu yimi ayaa uu faraskiisii geeraarkan ku ammaanay, waxanu yidhi:


Waxa qoobyar la keenay
Qaarna waaban aqaan
Qaarna waan yar qiyaasayoo
Qolona maanta hayso


Qoobabkiisa fudaydkiyo
Qoorta uu kortaagi

Qardabaynta muquuska
Qun baa loo arkayaaye
Ninna loo qarin maayo


Haddii laysku qacsiiyo
Qaabka uu u-ordaayana
Aniga way qorraxdaa


Qunyar hoos uhabaarkiyo
Isha laysku qacsiiyana
Qalin ruug uduceeyiyo
Quwaddii rabbigay iyo
Qardhaas bawga xijaaba


Qummud maaha gabow ah
Qaydhab maaha darmaana
Qayaxa maaha iftiina
Qaaje maaha caddaana


Qayir maaha madow ah
Qunne maaha kudaaya
Qawac maaha cir weyn
Qallaf maaha margaaga
Qufle maaha xarraana
Laba qaar iyo feedhiyo
Waa calool qamadaada
Xalayna wuu qatanayoo
Quldhi baw ubaxaaya."


Maxamed axmed bedel


Walhad

Geeraarkan waxa curiyey Ina Cabdille Xasan, waana caan cajalad iyo buugba laga heli karo.

Sida la sheegay Maxamed Cabdille Xasan wuxu ahaa nin aqoon durugsan uleh fardaha, geeraarkanna waa mid uu ku ammaanay faras ka mida fardihiisii.


Wuxu yiri:

Col haddii la wacaayo
Lugi waa wantacowe
Walhadoow guradiisa
Waalluu igoglayaaye
Ma naagtay wacan baa?


Haddii waaga la fuulo
Wannahaarka boqoole
Wahdi weeye qabowe
Walwal laydha miyaa?



Haddaan guure wadiidno
Waliilkii dhaxantii iyo
Wahabkuu celiyaaye
Ma dhar laygu wadhaa?



Meelay wiiro ka fooftay
Haddii weerar la qaado
Wegen buu ka baxaaye
Ma wajaaf la ridaa?



Wax hadduu wabsanaayo
Jeenyuhuu wadhwadhaaye
Wax ku haabadka qoobka
Ma Aar soo wahwahlaa?



Meel walaabiyo qaad iyo
Rasaas laysku wirfaayuu
Ka waldhaabanayaaye
Ma wakiila Allaa?



Haddaan weecsho rogaalka
Wiliftuu rogmanaayo
Wadhfiskuu anbanaayo
Ma wirriile didaa?



Nin weyn buu wadaraayoo
Geesi buu wafjaraayoo
Waalleeyuu dhacsadaaye
Wed miyaa kululaa?



Geela weeto irmaaniyo
Weristii rimanayd iyo
Waadaal buu eryadaaye
Wabar xoogle miyaa?



Meel waaceen laga waayoo
Dadku gaajo la wiiqmuu
Wabxiyaa dhergiyaaye
Ma wajiina da'aa?



Afartii waryahaad iyo
Waqiil laysku gargaariyo
Waxtar baan ku qabaaye
Weli khayr leh miyaa?



Walax duunyo ka roonoo
Waalid layga abuuriyo
Walaal baan ka dhigtaaye
Ma wasiin gacal baa?



Waayadaan arki waayo,
Walbahaarka adduun iyo
Werwer baan udhintaaye
Wadnahayga miyaa?



Diraacaha wacdigooda
Wanan baan uqalaayoo
Walanqaan ujaraaye
Ma wadaad martiyaa?



Waldhacooyinka hoosiyo
Waraaqiisa sudeenkiyo
Wejigaan usubkaaye
Ma wiil aan dhalay baa?



Waligay kama maarmoo
Wariirtii aqalkaygiyo
Weegaarkuu ku jiraaye
Ma wasiir gacal baa?



Afartuu ku walgaafiyo
Waqaafaha shullihiisiyo
Waaxyihiisa garraanta
Ma sheekh weyso qabaa?



Walwalleeynta raqlaynta
Laafyuhuu walqinaayo
Is waraari ruxiisu
Ma wallays kibray baa?



Afku waa waradh jeexanoo
Biro laysku wakaabaa
Walam loogu ridaaye
Walaa xawli miyaa?



Araguu wax ku dhawro
Wiriqdiisa bu'diisa
Indhuhuu ka wacsiiyo
Ma hillaac walaclaa?



Shimiraha wiriftooda iyo
Walax meel ka dhaqaaqday
Widhwidh buu ku arkaaye
Ma damuumis walaa?



Waa wareeyda dhawaaqa
Haddii uu wax dareemo
Dhegihiisa waryoonsan
War dhageysi miyaa?



Meelaan wuuw lala gaadhin
Haddii wiirsi ka yeedho
Waqti buu ku maqlaaye
Ma taar baan wadanaa?



Hadduu soo wafwafleeyoo
Wabwabtuu gurdamaayo
Onkod waadi ka yeedhiyo
Cir wanaanyi miyaa?



Hadduu meel ku waryoomo
Oo wabiyaasha tallaabo
Waxyar kaama maqnaadee
Waa kane ma jin baa?



Hadduu weerar ku raago
Walqas dhoobo madow iyo
Wataabiirka ma qaatee
Warac caaggan miyaa?



Wiyeerka uu ka cabbaayiyo
Waabka uu hadhsanaayo
Shirku waw waddamaaye
Waali duuban miyaa?



Wanaajoo iska dhaafaye
Amaantiisu wujuubiyo
Watirkii ratibnaa iyo wardigeyga miyaa ?

Maahmaahaha Fardaha

  • Fardo laysu hayo maxa la isugu faanin.
  • Qabiil aan faras lahayn iyo quruun aan geel lahayn, midna qiimo maleh.

  • Faras waa ku joog ama ka joog.

  • Fuulimaad waa faro ku hayn.

  • Faras aanad lahayn fuulimaadkiisa futo qarrar baa laga qaadaa.

  • Fardo jeedal looma qariyo.

  • Faraska haddii aad heensaha saarto, male kasoo rogaa jira.

  • Faraska waxa jeedalka loogu dhuftaa orodka ha badiyo.


    W/D: Sakariye Yuusuf Cigaal.