Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xayawaan Musiibo Ku Ahaa Nolosha Aadmiga, Una Qalma Inaad Ku Faraxdo Cidhibgo'ooda

Share:
Miyaad weli kusoo baxday bakayle tallaabsabaya ama se aragtay waraabe rabaayada?
Waxay ila tahay mooyi iyo maya, waad se hubin kartaa waayo weli may dabargo'in.
Ila arag waraabaha.



Akhriste!

Dabar go'a xayawaanku waa dhibaato soo jirtay muddo malayiin sanno ah.
Waxa hore ucidhib go'ay xayawaan waxtar uleh iyo kuwo masiibo ku ahaa jiritaanka aadmiga.

Kuwa ugu hadal haynta badanina waa dinasuarsoo ukala baxa baho kala duwan.


Xayawankan marka qalfoofkooda la helo, ayaa lagu sameeyaa cilmi baadhis —waxana bulshada caalamka lala wadaagaa warbixinno xaqiiqada ku salaysan.


Bal malee sida xaalku noqon lahaa, haddii ay noolaan lahaayeen kuwan soo socdaa:



1: Maska Titanboa.


Haba yaratee ilma-aadam wax kalgacal ah uma hayaan masaska.
La kulanka maskanina, waxa uu noqon lahaa masiibada ugu weyn.

Source: dinasuaralive.wiki.com


Waxa loogu yeedhay Titanoboa; dhererkiisu waxa uu ahaa 12-14 mitir, miisaankiisuna 1,113 kg.


Waxa uu isku duubi jiray naflaha uu calfanayo,waxanu halmar liqi karay yaxaas dhererkiisu yahay 14 mitir oo ku noolaa koonfurta Amerika.



2: Shimbirihii argagaxa.


Sida magaca ka muuqata shimbirtani waxay ka tirsanayd inta laga ducayso.
Joogga shimbirtani waxa uu ahaa 3 mitir, miisaankeeduna 150 kg.

Source: dododex.com
Shimbirtan aan duuli karin waxay ku dhaqnayd Koonfurta Amerika, waxayna ugaadhsan jirtay xayawanka ka yaryar sida: fardaha, dadka IWM.


Waxay noolaha ka weerari jirtay madaxa, afkeeda fiiqanina waxa uu sida xabxabka udalooshan jiray madaxyada naflaha.

Nasiib wanaag shimbirtani waxay dabar go'day qiyaastii 2.5 milyan oo sanno ka hor, waxana qolfoofkeeda laga helay dalka Uruguay.


3: Jiirkii le'gaa lo' gisida.


Jiirkani waxa ku dhaqnaa Koonfurta Amerika.

Waxa qolfoofkiisa laga helay dalka Venezuela, meel qiyaastii 250 mile ujirta caasimadda dalkaas ee "Caracas".


Saynis yahanadu waxay baadisooc uga dhigeen " ratzilla" waxana cilmi baadhis lagu ogaaday:

Jooggiisu inuu ahaa 3 mitir oo uu weheliyo dib dhererkiisu gaadhayo 1.82 mitir iyo miciyo taako le'eg.

Sidoo kale waxa miisaankisa lagu sheegay inuu ahaa 700 kg.

Bal xaasidnimada iyo qaniinyadiisu siday noqon lahayd?


4: Yaxaaska Kaprosuchus.


Wakhtigan waxaynu soo gaadhnay yaxaas gurguurta marna dabbaasha.

Qiyaastii 66 milyan oo sanno ka hor,waxa kale oo jiray baa la yidhi nooc ka duwan kan maanta laga argagaxo.


Waxa lagu naaneysaa Kaprocuchus, waxana dibka iyo lugaha dhaadheer ku lammaanaa orod iyo xawli aan laga fakan karin.


Waxay ila tahay xilligaa libaaxu waxa uu ku jiray xayawanka nabadda jecel.



No comments