Home Top Ad

Responsive Ads Here

Wacaasha Waraabaha

Share:
"Belef waxan ku haystaa,
beri inuu Waraabuhu,
dameeraha ka biqi jiray,
bal dhadhami dhegtaydaa,
bixisaa ka keentoo,
weli waa ka baacsada."
Hadraawi.



Hubaal, marka aad maqasho magaciisa, waxa maankaaga kusoo dhacaya aragti salka ku haysa: doqonniimo, hilib-jacay, bakhti-cune, foolxumo, fuleynimo iyo ci aad ucabsi badan.


Balse,kolkii aad kula kulanto kayn ama aragto bidhaantiisa;si kedis ah ayaa aad ku hilmaami doontaa baqaha iyo doqonnimada lagu xanto.
Waa waraabaha, waana midka ugu hilbo jecel xayawaanka hilib cunka ah.


Bulshooyin kala duwan ayaa ayidsan inuu yahay bahalka ugu liita Habar-dugaag, waxana hormuud ka ah somalida.
Waayo?
muu odhan waraabee,
somalidu waxay tidhi:

"Waraabaa yidhi:" Hooyaday intay nooshahay waan nuugayaa, kolkay dhimatana waan cunayaa"" hilib-jacaylka.

"Wuxu yidhi:" Orodna laygu gaadhi waa, af xumana wax ima yeesho" baqaha.

"Waraabow saamo jiidid iyo sanqadh tirasho kala daa" doqonniimada.

"Waxa lagu yidhi:" foolxumidaa" markaasuu yidhi: "walaalkay Weere ma aragteen.""

Ma sidaa ayey kula tahay? Iska illow hadal iyo hawraarba, ogowna xaqiiqada waraabaha:



  • Cimrigiisu waa 12 ilaa 25 sanno, sidka dhediguna waa 4 bilood oo ay ku dhasho 1 ilaa 4 dhalood.

  • Waa midka ugu ilka adag dugaagga, lafahana si fudud ayuu ku burbursadaa.


  • Waxa ugu halis badan birebirroodka barbarta madow leh. Waa nooc ka mida waraabaha oo aan cunin hadhaaga iyo hambada libaaxa, waana ugaadhsade arxandaran.


  • Qiyaastii 80% wuu ugaadhsadaa calafkiisa, haddii se dantu urun sheegto; qorshihiisa labaad waa qashin fadhasho iyo lafo qalalan.

  • Waraabaha waxa lagu majeertaa deris wanaag.
    Inkastoo hilibku yahay dookhiisa kobaad, haddana ma hungureeyo xoolaha ka dareera kambalkiisa.



  • Qabaa'il kala duwan ayaa uu ka kooban yahay.

  • Hilibkiisu waa xalaal,laakiin laguma dhiirrado. "Waxan ku cuninba, waa la cunaa."
    Waa falsad badhaxtiran oo ay ku daaq tagto somalidu.
    Ha idinka nabadgasho sakaaradu.


  • Dadka iyo waraabaha waxa dhexmara xiriir saaxibtinimo iyo mid colaadeed oo qoto dheer.

  • Waa geedo-gooye, micnaha waa uu faashadaa.

  • Dheddiga ayaa ka xanaaq iyo xasarad badan labka, go'aanka udanbeeyana iyadaa gaadha.

  • Waxa uu arkaa Jinka.
    Abidkaa ma aragtay Waraabe la dilay? Marka ay la kulanto somalidu, waxay si arxandaran u goosataa: sanka, dhegaha iyo haragiisa.
    Maxaa loo magansanayaa bakhtiga?


  • Waa la martiyi karaa lana diyaafadin karaa, ku darsoo waana uu qoslaa.


  • Miyaad maqashay libaax-la-hadal ama digaag- la hadal?
    Maya, balse Waraabe-la-hadal. Waxa jira dad af yaqaanna oo heshiisyo muhiima ukala saxeexa xoolo dhaqatada iyo reer Cumar luglaawe.
    Sidoo kale wuxu baraa dhirta la isku daweeyo.

  • Aragga indhiihiisu aad buu uga wanaagsan yahay ka dugaaga kale, gaar ahaan gudcurkii.

  • Xubinta taranka labka Waraabuhu, celcelis ahaan waxay leeg tahay xubinta taranka ragga.





  • Waxa diyaariyey: Sakariye yuusuf Cigaal.