Home Top Ad

Responsive Ads Here

Sheeko Gaaban Inanlayaalkii La Xantay

Share:

sheeko gaaban



Nin muddo dheer inan-la-yaal ahaa ayaa afadiisii ku yidhi: "Naa waynu guuraynaaye reerkiina usheeg."
Kolkaasay reerkoodii uwarrantay, dabadeedna waa la dhibaadiyey — inan-la-yaalkiina qoyskiisii iyo afadiisiiba wuu la guuray.


(Ninkii is yidhi wax baji)

Maalintii oo dhan wuxu geeddiga sii hitiqiyaba, casarkii ayuu meel ku furay; kaddibna marwadisii buu ku yidhi: "Naa reerkii aynu kasoo guurnay baan muraad uleeyahay oo aan ku noqonayaaye xoolaha sii xeree oo isii suga." Markaasu dib unoqday.



Goor ay caweys dambe  tahay ayuu soo gaadhay degmadii, dabadeedna reerkii uu kasoo guuray duleedkiisa fadhiistay oo uu xan dhegeystay. Kolkaasaa reerkii ninkii xantay.

Nin reerkii ah baa yidhi:"Waar horta ninkii hebel ee muddada dheer inoo inan-la-yaal ka ahaa qof walbow ka warran."


Markasaa nin yidhi: "Nin wanaagsan buu ahaa."
Midkaloo isna dhinac fadhiyey baa yidhi:" Alleylehe geesi buu ahaa."
Kolkasaa nin kalena yidhi:"Alleylehe wuu lexejeclo badnaa."
Midkalena wuxu ku tiraabay:"Alleylehe rag yaqaan buu ahaa."



Reerkii oo dhan baa inan-la-yaalkii ammaanay,isna intaaba waa uu dhegeysanayey oo dhoosha ka qoslayaa.

Mar dambaa inan yaroo foodlihi tidhi: "Alleylehe anaa garanaya wuxu ku xumaa."
Judhiiba waxa lagu yidhi: "Oo waa maxay?"


"Dee kaadidaanu la fogaan jirin" ayey yartii ku warcelisay, reerkii oo dhamina qosol buu la raftay.
Markasaa ninkii xanta dhegeysanayey xanaaqay oo intuu kor ukacay yidhi:
"Alleylehe haddaan la fogaaday."  Reerkii baa wada naxay.

Weedhside.

©Xigasho: Xikmad Somali, Muuse Xaaji Ismaciil Galaal iyo B.W. Andrzejewski

No comments