Home Top Ad

Responsive Ads Here

Afsomali

Share:


Soo koobid.

Hadal waa cod iyo ereyo sameeya macne ay isku fahmaan dadku, waana nicmo Ilaahay ku galladay ilma-aadam.
Abuur ahaan, dadku waa mid,laakiin waxay ku kala duwan yihiin dhaqan,degaan,diin hadal, muuq iyo midabka.
Kala duwanaanta hadalka ummadaha waxa loogu yeedhaa af ama luuqad, mid walibana waa tu ugaar ah ummad.

Luuqad waa cod iyo ereyo wada socda oo ummadi ku hadasho; lehna xuruuf iyo xeer dhismeed.
Lahjad waa qaabka dadku ugu kala dhawaaqo ereyada luuqadi leedahay.


Af-somali.

Af-somali waa afka ay ku hadlaan, iskuna fahmaan dadka somaliyeed. Xuruuf ahaan, waxa uu ka kooban yahay 21 Shibbane, 10 Shaqal iyo sumadda hamsaha.


Shaqal waa toban xaraf oo wata cod jiitama, una qaybsama shan gaaban iyo shan dheer. (A,E,I,O,U. AA,EE,II,OO,UU.)
Shaqalku waa hawo soo marta marinka codka.

Shibbane waa 21 xaraf oo aan lahayn cod, kuna hilan afka.
(B,T,J,X,KH,D,R,S, SH,DH,C,G,F,Q,K,L,M,N,W, H iyo Y)


Waxay cod sameyaan marka lagu daro Shaqal. Tusaale ahaan: Xarfaha "B" iyo "M" waa kuwo ku qarsan dibnaha xidhan. Kolka lagu dhufto shaqalka ayey bannaanka usoo baxaan; iyaga oo samaynaya cod.
Shibbahana labanlaabma waa toddoba:B,D, R, G ,L,M,N.


Sumadda hamsaha afsomaligu(') waa aamus yar oo kala basriya shaqalka, la'aanteedna lama awoodeen in lagu dhawaaqo "la'aan".


Qaybaha Afsomaliga.

Af-somaligu waa labo qaybood oo kala ah: Tix iyo Tiraab.

Tix

Tix waa hadal leh miisaan, ridmo iyo qaafiyad, waana asalka ay ku aroorto suugaantu.
Suugaan waa magaca ay wadagaan maansada iyo maahmaahdu, labadaas oo ah iidaanka Af-somaliga.

Gabay, Geeraar, Jiifto,Masafo,Guurow,Jacbur, Buraanbur,Saar iyo Heesta, waxa loogu wan-qalay maanso.
Heestuna waxay ukala baxadaa: Hees-hawleed Hees-ciyaareed iyo Hees-faneed.

Maansada inteeda badani luuq ayey leedahay.

Tiraab.

Tiraab waa hadal aan lahayn xaraf-raac,ridmo iyo luuq.
Waa hadalka caadiga ah ee sida joogtada ah loo adeegsado, lana baran karo; habayn mooyee, umana baahdo halbuurimo iyo hibo.

Murti waa xikmadda ama ujeedada durugsan ee ku jirta hadalka(Tix iyo tiraabba).

Afmaldahe waa habka hal-abuurka maanasada iyo hadal-yaqaankuba u daboolaan ujeedada hadalka.
Qaybaha afmaldaha.

Duurxul.
Sarbeeb.
Shareere.
Buunbuunin.
Yamxeero.
Qofayn.
Quusin.
Lagaado.
Eekeye.
Sillan-sugan
Xus