Home Top Ad

Responsive Ads Here

XOG KU SAABSAN BOQORKA KAYNTA

Share:

libaax




Libaaxu waa nooc ka mida boqortooyada Xayawaanka, waxa aanu ka mid yahay xayawaanka Lafdhabarleeyda ah.

Libaaxu waa dirka Naasleyda ah, waxa aanay bah-wadaag yihiin Bahda Bisada, isaga oo waliba kusii abtirsada xayawaanka Hilibcunka ah.
Waxa lagu naanaysaa" boqorka kaynta,"
Laakiin waxa uu ku noolyahay dhul-cawseedka iyo bananka banaaan.

Magacyada libaaxyada

  • Aar: waa libaaxa lab
  • Gool: waa libaaxa dhedig
  • Gaanni: waa libaaxa lab ee 2-3jirka ah
  • Cago-baruur: waa dhasha libaaxa.
  • Raxan: waa koox libaaxyo ah.
  • Mudaa: waa libaaxa ugaadhsi taga meel aad udurugsan.
  • Sanin: waa jabaqda uu libaaxu sameeyo,
    Marka uu wax raadinayo.
  • Dhogorta libaaxa lab: bulbul, coof, sayn, shaash.


  • Libaaxyadu waxa ay unooladaan koox-koox, lagu magacaabo raxan, raxan kastaana waxay ka kooban tahay 15 libaax, mar-marka qaarna waxa ay gaadhaan 30 oo kala ah: saddex-aar, goolo kala duwan oo tiro badan iyo dhashooda.

    Tirada raxanta waxa go'aamiya helitaanka cuntada iyo biyaha, haddii labadaasi gabaabsi noqdaanna, waxa raxanta ka dhex-abuurma dagaal sokeeya, sidaana waa ay kula tagaan.

    Libaaxu waxa uu leeyahay cod iyo ci' dhawaqeedu gaadhi karo 5 mayl. Aarka qaan-gaadhka ah dhererkiisa jiifka ahi, waxa uu gaadhaa 3 mitir, culayskiisuna waxa uu kor udhaafaa 250 kg, cimri ahaanna waxa uu noolaada 11-14 sanno

    Maah-maahaha libaaxa

    Runtii ma tiro badna maahmaahyada libaaxu, waxa aynu kasoo qaadanayaa intan ugu caansan.

  • Libaax laba goobood lagama wada kiciyo.
  • aqal libaax lafo lagama waayo.
  • meel aar ka kacay atoor fadh-fadhiisay.
  • libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
  • libaax nin ganay iyo nin galladay kala og.
  • libaax inta bulbulshu ku taalo, bahal ma cuno.


  • Hawl-wadaaga libaaxyada.

    Libaaxyadu sida ay uwadagaan hilbaha, ayaa ay uwadagaan hawshana.

    Libaax-lab waxa uu inta badanba wakhtigiisa ku qaataa, waardiyeynta deegaanka uu ka arrimiyo iyo ilaalinta dhasha yar-yar oo halis ugu jira in la ugaadhsado.
    Inta uu ciyo ayaa uu kaadidiisa ku calaamadiyaa dhulka, waxanu cagta-cagta usaaraa xayawaanka hilib ku noolka ah ee kusoo xad-gudba xudduudiisa.

    Libaaxa-dhedig waa ugaadhsadaha rasmiga ah ee raxanta, waa ay ka yartahay aarka, kana dhakhso iyo gaadmo badan tahay.

    Inkasta oo uu ka orod badan yahay quutal-daruurigu, ay adag tahayna inay kusoo qabtaan orod, haddana waxay ku dagaan oo ay ku dilaan wadajir iyo iskaashi-kooxeed.

    Inta badan, waxa ay adeegsadaan xeelad lagu magacaabo "goobo- badhkeed", goolaha tamarta daran iyo dhasha 2jika ahi, waxa ay ka weerar tagaan dhexda, halka kuwa halista ahi ay hawl galaan hareeraha; iyaga oo samaynaya qaab goobo-nuskeed ah, habkaana waxay dhegta dhiigga ugu daraan ugaadha.



    Libaaxyadu waxa ay leeyihiin dheef-shiid aad udhakhso badan, oo ugolaada inay markiiba dib ugaadhsi tagaan, waxa aanay biyaha ka qadi karaan muddo 5maalmood ah.

    Had iyo jeer waxay ugaadhsadaan habeenkii, waxana dhibane u ah: lo'gisida, dameer-farowga, biciidka, garanuugta, cawsha, deerada, maroodiga yar,yaxaaska, xoolaha dab-joogta ah,dadka, goodirka iyo geriga.
    Libaaxu la mid maaha bahalaha bakhtiga iyo hambada cuna sida: waraabaha, harimacadka IWM, mana qodo quburuuha sida: dhidarka, abidkiina waxa uu tusaale u ahaa; geesinimada, awoodda, dhiirida iyo cabsida.

    Sheekooyinka libaaxa

    Sheekooyinka somaliyeed ee xaqiiqada ah, kuna saabsan libaaxa, waxa ka mid ah:

  • koorre
  • waar libaax laantaa ihodday
  • libaax, libaax baan ujeclaa
  • libaaxu ubadkayga ayuu abti uyahay.
  • iyo sheekadii ay ku baxday maahmaahda tiraahda; "ceebtaadooy kow ogtahay, kun looma sheego.

  • Insha allah, waanu idiin soo gudbin doonaa sheekooyinkan sare ku qoran.


    Sheeko-caruureedda

  • qayb-libaax
  • libaax iyo waraabe
  • saddexdii dibi
  • dabin-libaax
  • bakayle,gorayo,dacawo iyo libaax.


  • Sidee lagu gartaa da'da libaaxa?

    Libaax da'diisa waxa laga eegaa bulbushiisa; marka ay madoobaato waa libaax duq ah, markasta oo ay sii madoobatana, waxa uu sii dhamaysanaya waayihiisii adduunyo.



    Wq: sakariye yuusuf cigaal.