Home Top Ad

Responsive Ads Here

deeradii rimanayd

Share:
Waa deero-riman oo fooli hayso,waxaana ay ku sugan tahay kayn ka mida;kaymaha ku yaala koonkan aynu ku noolnahay. Kaarka iyo kurbada haysaa waxay lamid tahay kun-lafood oo markaliya lakala jebiyey, waxaana ay raadinaysaa goob amaan ah oo ay ku dhasho.

Ilaahay amarkii; heshay oo waxay udhaqaaqday, dhinacana dhigatay meel rays iyo ramas leh oo ay istidhi:"waa aad ku nabad gelaysaa", hasayeshee, kadeedbaa si kedis ah ku bilaabmay.

Isla-markaliya, waxaa dusheeda ka hooray daruuro mad-madow, walacdii hilaaca iyo digtii onkodkuna waxay sababeen danab dhaliyey "dab", dabkiina waxaa uu gubay kayntii.
Deeradii waxaa ay eegtay dhinaceeda midig, waxaa ayna aragtay "ugaadhsade" si fiican ugu soo fiiqaya qori faal-gurey ah.
Naxdintii!!!!ayey jaleecday dhanka midig mise waa aar-mudaa ah oo agteeda kasoo gaatamaya, damcayna inuu boodo-libaax beerka ku kala gooyo.....



•Maxay samayn doontaa deeradan halista ku jirtaa?
•Maxaa'se dhici doona?
•miyey dhiman mise dhali? Mise wax walba waxa baabi'in dabka?
•Ma waxa calfan ugaadhsadaha mise waxay si fool-xun ugu dhiman gacanta libaaxa?

BAL ADBA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Deeradu'se waxay damac day inay dhasho, ifkana keento dhasheda, sheekaduna waxay ku af-jaran tahay sidan:

•hilaacii badnaa ee daruurtu, waxaa uu indho daraan-dar ku riday ugaadhsadihi qoriga ku tooganayey deerada.
Xabbadii uu ku ridayna waxay ka martay hareer, waxay'se halista goysey libaaxii.
•Daruurtii ka dul onkodaysayna waxay bilowday inay soo daadiso biyo; halkaana waxa ku damey dabkii qabsaday duurka, deeradiina si nabad ah ayey udhashay, waxana ay ula baxday dhasheedii oo dhedig ahayd "AYAAN"..


UJ: caqabadaha noloshu waa sida deeradaas oo kale,waxay awooday inay si nabad ah udhasho,laakiin waxay la kulantay kuwo aanay maarayn karin.. "allahaa wakiiloo, ha is-dhiibin

No comments