Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xikmad gaaban, sheeko gaaban iyo kaftan gaaban

Share:

kusoo dhowow miyaad maqashay waxa uu yidhi?




Ninkii guuldaradiisu badatay, miyaad maqashay wuxu yidhi?
Waxa uu yidhi: Markaan helo furaha guushaba, qof baa bedela qufulka.

Nin aan abidkii alif dhigan, wacdi wadaadna aan nasiib uyeelan, ayaa maalin looga warramay nolosha aakhiro.
Miyaad maqashay waxa uu yidhi?
Kuye:Ilama aha aakhiro dad baa ku nool

Ninkii lagu yidhi: hooyadaa iyo aabahaa midkee la cadaabaa?
Miyaad maqashay wuxu yidhi? Kuye: afkaan ka kala hayaa.

Dacawadii reerka ka cuntay xarigga yeesha ah, miyaad maqashay waxay tiri?

Waxay tidhi: wallee, reer aan ogahay ma guuro.

Ninkii naagtiisa lagu xantay cirweynida iyo inay subagga haanta uga baxaba murdis ku dhammayso, miyaad maqashay wuxu yiri?

Isagoo og in warkaasi beenyoo, xaaskiisuna caanaba lulan ayaa uu yiri: maxay leeftaa maba lulatee.

Inantii wadaadku kusoo guday ee uu faro-xumeyn gaadhay; subaxnimadii miyaad maqashay waxay tiri?

Waxay tidhi: wadaad waa nin.

Xilli abaara oo xooluhu ka wada gudheen, ninkii arkay dameerta irmaan; miyaad maqashay wuxu yidhi?
Kuye: caanow waan idin jeclaaye, markaad candho dameeraad gasheen baan idin nacay.

Ninkii soo iibsaday kabaha caagga ah ee lagu yidhi: waa caage maxaad ku fashay qodax ma celiyaane?

Miyaad maqashay wuxu yidhi?

Kuye: waa caage waxa aanan isweydiinin waxa lagaga caagay.

Islaantii ay beenaleydu u warrameysay, markay yaabtay waxay tiri:Ilaahow kala garan maynee ma gu' baa mise waa jiilaal?



Geeljirihii looga warramay xaalada iilka iyo qabriga ku sugaysa qofwalba, waxa uu yidhi: Xabaalba geeri baa ii kadday.


Ooryaha haddaad doorataan, jooga aqalkooda,
Madaxweynihii baa umulay sow la odhan maayo.

Abwaan somaliyeed.


Nin murqaansan baa yidhi: Haddii aad ka cabsato inaad cidlo ku dhimato, waxa darawal laga noqdaa bas.

Marka la rabo in si dhakhso ah lagu barto foodhida, waxa la kabadaa biyo kulul.

Enter your email address:


Delivered by FeedBurner
🔚

2 comments: