Home Top Ad

Responsive Ads Here

Xikmad gaaban: meel aar ka kacay atoor fadhfadhiisay

Share:

Murti iyo Maahmaah




Suugaanta somalidu waa bad weyn aan gudhin oo aan cidna gaadhi karin gunteeda.

Sidaa awgeed waxa aynu isku dayeynaa in aynu ka jilaabano dhanka sheeko murtiyeedda iyo maahmaaha.


Maantana waxa aynu ka jawaabi doonaa sida ay ku baxeen ama ay ku yimaadeen labadani:
Meel Aar ka kacay atoor fadhfadhiisay iyo Uma daban.

Midda hore waa murti lagu tiriyo maahmaahaha,siiba kuwa libaaxa. Ta kalena waa oraah murtiyeed lagu halqabsado.



1:

Meel Aar ka kacay,atoor fadhfadhiisay.




Somalidaa tidhaa:"dumaali waa dabar-carruureed."

Haweenay uu geeriyooday ninkii ay udhaxday ee aabaha u ahaa ubadkeeda, ayaa la dumaalay.

Muddo kaddib baa lagu yidhi: " Naa warran ninkagii hore iyo ninkan ku dumaalay? Micnaha iyamaa wanaagsan xag walba?"

Haweenaydii waxay ku halcelisay: "Meel Aar ka kacay atoor fadhfadhiisay."


Odhaahdanina waxay noqotay murti lagu maahmaaho.



2:

Uma Daban.




Nin baa beri ku tashaday inuu dabo libaax aad dhibay dad iyo duunyaba.
Dabadeed waxa uu dabin dhigay meel lagu yaqaan ama se la odhan karo waaba "Libaax-fadh-dhiisay"

Saacado badan kaddib, isagoo sita hubkiisii ayaa uu kusoo laabtay dabinkii — isagoo filaya libaax, ayaa uu dabinkii ugu yimi "Sakaaro" ku jirta.

Waxa laga hayaa ninkaa oo noqotay murti iyo halqabsi lagu maahmaaho: "Uma daban."

Abwaan arrintaa ku maahmaahay isna waxa uu yidhi:
"Ninkii dabin libaax dhigay, Duur lagu aqoon jiray ,
Daf utidhi sakaaradu,
Markuu soo duljoogsaday,
Wuxuu yidhi: umaba daban."





Xikmad gaaban

No comments