Home Top Ad

Responsive Ads Here

Haddii Ay Noolaan Lahaayeen Waxan Weydiin Lahaa Su'aalo

Share:

Haddii aad maanta la kulanto Abu Bakar Al Sadiiq, maxaad su'aali lahayd?




Dunidan waxa soo maray hanaddo, halyeeyo iyo dad kala duwan oo mid waliba saameyntiisa iyo sooyaalkiisu yahay surin mudan inlaysu tilmaamo.


Haddaba,waxan isdhi: maanta haddii ay noolaan lahaayeen halyeyadani, maxaad weydiin lahayd? Maxay se noqon lahayd warcelintoodu?


Waxa aan soo xushay Arraweelo, Cumar Binu Khadaab, Khaalid Ibnu Waliid iyo Oday ah jiilkii 1810.



1:Khaalid Ibnu Waliid.



"Haddii aad runta sheegto waad
badbaadi, haddii kalena waxaad
udhiman si xun"



Waxa lagu naaneysaa Seeftii Ilaahay Ee Galka Laga Saaray, waana nin lagu halqabsado marka la hadal hayo ama la xuso geesinimada iyo guulaha dirireed.
Rabbi ha ka raalli ahaado.


Khalid Ibnu Waliid waxa uu ahaa dagaal yahan la diriray gaalo aan yarayn, sidoo kalena furtay degaamo kala duwan.


Halyey weeye wax walba u huray difaaca iyo kor uqaaditaanka diinta Islaamka.

Haddii aanu maanta maqaaxi kuwada shaahi lahayn Khaalid; inta aan agtiisa kadaloobsado, ayaan ku odhan lahaa:
" Alla! Dhaaxaad guluf usoo joogtay oo aad geeshash gaalo ah gebogebaysay.
Radiyallahu Canka.

Bal ka warran diintii aad waagaa
uhalgantay — Somali badan baa hawl yari iyo kibir ku cayda?"



Aan kuu awaale-warramee, Khaalid intuu dibinta hoose qaniino, ayuun buu odhan lahaa:

"Adduunyoy xaalkaa be'. Somalida
dembigoodii ayaa uu Ilaahay usarrifay oo uu ugu bedeley bambooyin, baarud iyo baabuur qarxaysa." Isagoo yaabay buu ku daray:" Miyaanay ogeyn in dhibaato iyo aynfaad loo soo maray diintan?"



Bal adba! Asxaabi.




2:Arraweelo.


Sida la sheegay waxay ahayd boqorad muddo ka talisay degaan somaliyeed.

Arraweelo weeyee, waxay ahaan jirtay hogaamiso caqli badan — sina u arxan daran.


Waxa kale oo lagu xantaa kelitalisnimo oraahaha ay ku baantayna, waxa ka mid ah:
"Maantana far baan maydhayaaye, hay fadhiyo geelu."


Weedhaha ay kula dardaarantay inta hagoogata ama marley dumarba, waxa laga xasuustaa:
"Dumarow waxaad dooneysaan diida"

Hase ahaatee, haddii aan saaka kula kulmi lahaa suuqa iyo saribadda hilibka magaalada, waxan Arraweelo su'aali
lahaa:

"Eeddo, maxad udhufaani jirtay ragga ama xiniinyaha uga saari jirtay?"


Siday ila tahay waxay iigu warcelin
lahayd:
"Waxa aan ka hortagayey gudniinka
fircooniga ah, laakiin se sebenkan kuwii ragga ahaa way aarsadeen."





3:Oday waayo-arag ah.

Qarniyadii hore gashaantida guurgal ka ah, waxa laga bixin jiray kadin geela,
faras iyo qori maadhiin yare ah.


Inkastoo dunidu samayd, somaliduna hodan ku ahayd afarta waryahaad ama meesi ee ay dhaqato — guurku ma uu ahayn wax fudud, ragguna badi waxay ooryo yeelan jireen markay 40 sanno baarka ka goyaan.


Haddiiba ninku xilo iyo xidid yeesho,
waxa ceeb iyo bayuur ahaa oo aan lagu dhiirran jirin furriinka.


Hase- ahaate'e sannadahan dambe ee aynu joogno, waxa lagu reereystaa 15 jirka; waa kaaf iyo kala dheeri.



Haddii aan mar sheeko la wadaagi lahaa oday kasoo jeeda jiilkii 1826-kii, waxaan uga bilaabi:



"Xaaji, casrigiinii waxad tidhaahdeen:
Guur iyo geeddiba sahan bay ku fiican yihiin.

Haweenka iyo geel waa la hiddo raacaa.
Saddex laguma degdego: guur, gal iyo godba laguma degdego.

Guurkaaga awr dhaan ahna waa lagu beegaa.


Arrintaasi agtiina waxay ku ahayd mid muhiima oo loo meel dayo.

Hadda se garoobka iyo gabdhaha waxa tiro badan garoobka/carmalida, dhayal baana laysu maqashiya dalaaqda.


Maxaa sababay furriinkan xadhkaha
goostay iyo kala tegitaanka degdega ah lammaaneyasha somaliyeed ?



Malayga waxa uu odaygu iigu jawaabi lahaa: " Marka saddexda wakhtiba la cuno furin, waxa bata furriinka oo faro-ka-bax noqda."


Isagoo gadh cad salaaxaya ayuu ku dari "jiilkani waxay guursadaan kolka ay qaangaadhaan. Laakiin annaga waxay damac iyo hawo guur geli jirtay ninkii ku sheeggan: gashaanqaadnimo,hanaqaad, xilqaad, iyo derejada xilkasnimo, hayn iyo hantina leh bar ama beerba."

Mahadsanid.




4:Cumar Ibnu Khadaab.


Xafsa Aabaheed, magaciisa loo garan
ogyahay waa Cumar Ibnu Khadaab.
Ilaahay haka raalli ahaado.


Waxa uu ku tirsan yahay haldoorka
muslimiinta, waana amiirkii labaad ee
hogaanshay mu'miniinta.

Wuxu ka mid ahaa tobankii asxaabi ee ayaanka badnaa oo loogu ibishaareeyey jannada,waana aabaha Cabdillaahi.


Waa ninkii yidhi: " Waxa aynu nahay ummad Alle ku sharfay Islaamka. Haddii aynu sharafta ka raadino meel aan ahayn Islaamka; Allah wuu ina dulleynayaa."<



Cumar waxa uu ahaa ruux Ilaahay aad ugaranaya oo Eebbe ka cabsi badan, waana kii lahaa:
"Ha hilmaamin naftaada marka aad wacdiyeyso dadka kale."



Haddii aan salaadda casar kula tukado, masaajid, waxan Cumar weydiin:
"Maxaa wiiqay oo dulleeyey dalalka iyo dawladaha Islaamka?"


Wuxuun buu si hubaal u odhan: " Waxa Bulshadeena muslimka ah cadawga ujebiyey madaxdooda oo uhogaansan dawladdaha kufaarta.


Dabinada iyo danaha gaalada ee aan kala joogsi lahaynina, waxay rifeen wadajirka iyo walaalnimada ummada Islaamka."



Ilaahay ha kaa raalli noqdo,ka warran qadiyadda Somaliland iyo Somaliya?

.....!!!??

Cumar radiyallaahu canka, miyaad dhibsatay su'aasha?






Halkaa ha inoo joogto.

No comments