Home Top Ad

Responsive Ads Here

Ogow Sida Ugu Hawsha Yar Ee Aad Ku Geysan Karto Waxyeello

Share:

Weedhside.


Waxa aad ukala fog taagta kaneecada iyo kadeedka ay geysato, waayo:
"Aarkaba kaneecaa cuntuu, ay la jiifsadaye"

Waxa aad ufudud sida naflaha loo waxyeelo, noolaha ugu xasaradda badanna waa dadka. "Dad la aragyaaba dhib la arag."

Waxaynu nahay carruurtii Aadam iyo abuurta cajiibka ah ee Allah (SWT).
Waxa la innagu galladay garaad; inta ay cududeenu awooddana, waxa ka weyn inta uu caqligeenu karo.

Hagaag!

Maxaa la innaga filan karaa?

Dad iyo duurba waxwalba ka filo,ayaa hore loo yidhiye; waxaynu kaalmaha sare kaga jirnaa safafka ugu waxtarka wanaagsan iyo kuwa u waxyeelada badan ee adduunkan guud jooga.

Bal ufiirso!
Gedda geedaha uma samaysanno cuntadeena, mana ogolaanno in aynu unolaano sida dhurwaaga.


Ma lihin miciyaha libaaxa iyo baalka aboodiga, umana hoyano daruuraha. Uma orodno sida fardaha, mana lihin cufka iyo culayska maroodiga. Haddana noolaha kale badankoodu waxay ka didaan arageena.
Sabab?

Tan iyo bilowgii dunida sakaaradu weli sidii bay uga ordaysaa muuqeena.

Ma waxaynu u eegnahay yaxaas siddeed iyo labaatan jir ah?


Maya, waxaynu noqonay halista ugu daran ee la wajaho, waxana innaga ducaysanaya abuur kala duwan — Alloow yaa ka hadliya geedaha iyo geela.


Sikastaba dareen,kana digtoonow:- sida ugu hawsha yar ee aad ku waxyeeli karto nafleyda ugu nugul.

Ma aha hab ay ka cabsadaan xayawaan iyo xasharaadba, maxa yeelay adiga oon far taagin ayaa lagaala kulmi kara dibindaabyo.

Ogow waxaad tahay ruux lagu rafaadi karo hadalkiisa — haddii aad dhinaca taban wax ka eegtid. Waxa dhibbane kuu ahaanaya shaqsi kula mid ah.

Bal malee dookheeda! Haddii aad ku odhan lahayd Qudhaanjo: " kala dooro cadaadiska iyo culayska calacashayda iyo inaan kugu cabbiro ereyada uxun."
Waxay ku jawaabi lahayd:"Waraabaa laga hayaa ulna layla gaadhi waa, afxumana wax ima yeesho."

Dadka ayaa ah kuwa ugu adkaysiga yar, waxana lagu caddibi kara carrab.

Erey-xun laguma halgaado haldhaaga, wuxu se waran ku yahay inta hadasha.

Weedha gefka ahi waxba ma yeesho ugaadha, waxay se saameyn aadmiga.

Afxumadu waxay wiiqi kartaa qof, laakiin se ma weydeyso wiyisha.

Aflagaaddo waxba uma dhinto dhadhanka malabka, waxay se nudub ku reebtaa qalbiyo ka qiimo badan.
Seben horena wuxu Salaan yidhi: "Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara'e"


Hadal qadaf ah oo la adeegsadaa waa tummaati lagu geysto dhibaato, waana sida ugu hawsha fudud ee lagu abuuro halis lala heetin karo.


Ka feejignow waxa lagu lumiyaa qof lagama maarmaan ah, waxana lagu kasbadaa dembiyada ugu culus.

"Hadalka wacani waa sadaqo" kaas lidkiisuna waa sun — markuu caqligu abaarsadana, waxan daalin carrabka.

Ugu dambayn waxay diintu leedahay: "ka adkaada carrabadiina."


Halkaa ha inoo joogto.

No comments