1: Marka uu taabto jacaylku, qof waliba waxa uu noqdaa abwaan.
2: Jacaylku waa xoogga kaliya ee awooda inuu cadow ubedelo saaxiib.
3: Jacaylka runta ahi waa uu yar yahay, waxa se ka yar saaxiibtinimada dhabta ah.
4: Quruxda gabadha waa in laga fiiriyo indhaheeda, maxa yeelay halkaasi waa marinka qalbiga. Qalbiguna waa goobta uu dego jacaylku.
5: Jacayl? Jacayl waa markaad diyaar utahay inaad waxkastoo macquul iyo maangal ahba uhurto ruux kale.
6:Ma jirto daawo aan ahayn guur oo lagu dabiibi karo jacaylka.
7Jacayl waa saxiibtinimo dab qabsaday.
8: Jacaylku waa dab, mana kala garan kartid inuu diirin doono qalbigaaga iyo inuu gubi doono aqalkaaga.
9:Qofka uu jacaylku uyahay malab, noloshuna waxay utahay ubax.
10: Jacaylka aan qaangaadhka ahayni, waxa uu yidhaahdaa:" waan ku jecelahay waayo waan kuu baahanay."
Jacaylka qaangaadhka ah waxa uu yidhaahdaa: " waan kuu baahanahay maxa yeelay waan ku jeclahay."
11: Jacayl waa marka qofka kale
farxadiisu ay ka muhiimsan tahay taada.
12: Hal erey ayaa innaga xoreeya culeyska iyo xanuunka nolosha — ereygaasina waa jacayl.
13: Ijeclow ama inecbow, labadaba waxan kuugu hayaa abaal.
Haddii aad ijeclaato, waxa aan ku sugnaan qalbigaaga. Haddii aad inecbaatana, waxan ku sugnaan doonaa maankaaga.
14:Shayga ugu muhiimsan ee aabuhu usamayn karo ubadkiisa, waa inuu jeclaado hooyadood.
15: Dadka oo dhan jeclow,inyarna aamin, hana xumeyn cidna.
16:Caddeynta umuhiimsan ee jacaylku waa aaminaadda.
17:Sujuuddu waa sheeko jacayl waxana fahma uun dadka tukada.
18:Jacayl waa markaad la kulanto qof kuu sheega waxyaabo cusuboo ku saabsan naftaada.
19:Caashaqu carshaantiyo qasriyadaba waa uu ku noolaadaa.
20:Jacayl waa in qof lagu jeclaado sida uu yahay — sidii uu ahaan jiray iyo sida uu noqon doonaba.
21:Sheekooyinka jacaylka dhabta ahi malaha dhammaad.
22:Waxa wacan in lagugu naco waxaad tahay — intii lagugu jeclaan lahaa wax aanad ahayn.
23:Jacaylku waa heesta heesaaga iyo awoodda indheer-garadka.
No comments