Kitaabka ugu akhriska badan dunidu waa kitaabka Qur'an ka ah, waxana rumeysan dad lagu qiyaaso 1.7 bilyan oo qof.
Qur'anku waa Hadalkii Allah; waa nuur iyo mucjiso, waana hanuun iyo hage dhammaystiran.
Waa kitaab aan kitaab kale gadaashii iman doonin.
Muddo haatan laga joogo in ka badan 1400 sanno ayaa loo waxyooday Nebi Muxamed (N.N.K.H) oo isna ah nebi aan nebi kale ka dambayn.
Waxan halkan idiinku soo gudbin macluumad ku saabsan Kitaabkan barakaysan.
1:Allah (S.W.T) wuxu inoo fududeeyey akhrinta iyo xifdinta Qur'anka, maantana Qur'anku waa kitaabka kaliya ee erey-erey loo xifdiyo.
2:Maalmaha todobaadka, maalinta kaliya ee qur'anka lagu sheegay waa maalinta jimcaha.
"Kuwa xaqa rumeeyayoow marka la isugu yeedho Salaadda Maalinta jimcaha, aada xuska Eebbe, kana taga wax gadashada, sidasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax og." Al jumuca, 9
3:Habeenka kaliya ee lagu xusay quraanku waa Laylatul Qadr, waana habeenka ukhayr badan habeenada oo dhan.
4:Magacyada quraanku uu leeyahay waxay kala yihiin:
Al Nuur
Al Dikr
Al Furqaan
Al Huda
Al Shifa
Al Raxmah
Al Burhaan
Al Kitaab
Tansiil
5:Shanta malag ee quranka lagu xusay: Jibriil iyo Mika'iil. Albaqra, 98
Haaruut iyo Maaruut. Albaqra, 102
Maalik. Sukhruf, 77
6:Saddexda masaajid ee lagu sheegay: Masjidul Al aqsa, masjidul Quba iyo masjidul Xaram.
7:Ereyga "Qur'an" wuxu kusoo arooray 70 jeer.
8:Bisha kaliya ee ka midka ah labo iyo bilood ee sannad ee quraanka ku sheegani waa bisha Ramadan, waana ta ukhayr badan 12 ka bilood.
9:Ereyga" Mala'ika" iyo ereyga "Shaydan" waxay quraanka kusoo arooreen min 88 jeer.
10:Qur'anku waxa uu soo degay bisha Ramadan.
Sannad walbana Nebigeena (Naxariis iyo Nabadgelyo Alle Korkiisa Ha Ahaatee) iyo Malakul Jibriil (C.S) waxay si wadajira mar ukhatimi jireen quraanka.
11:Sannadkii udembeysay ee Nebigu (N.N.K.H) noolaana labo jeer ayey quranka wada dhammeeyeen Jibriil (CS).
12:Suuradda udheeri waa Al baqara, suuradda ugu gaabanina waa Al kawsar.
13:Waxa usoo hor degdegtay suuradda Al calaq, waxana udembeysay Alnasr (idaaja ).
14:Hooyada quraanku waa Al faatixa. Qofka salaad tukada isaga oo aan akhriyin Suuradda Al Faatixa, salaada uu oogay waa waxba kama jiraan.
15:Aayadda ugu weyni waa Aayatul kursi, aayadda ugu dheerina waa aayadda 282 ee Al baqra.
16: 113 suradood ayaa ku bilaabma bisinka, Suradda At Tawbah waa ta kaliya ee aan ku bilaabmi.
Hase ahaate bisinku waxa uu kusoo arooray quraanka 114 jeer waxana uu labo jeer ku jiraa Suradda An namal .
17: Suradda Yaasiin waa qalbiga quranka
18:Qur'anku waxa uu ka kooban yahay 114 suradood.
6234 ayadood.
99,464 erey.
330,113 xaraf.
30 juz.
60 xisb.
19:Muddada quranku uu soo degayey waa 23 sanno oo Nebigeenu (N.N.K.H) ku noolaa Makka iyo Madiina.
Saddex iyo toban sanno oo Makka ah waxa soo degay lix iyo siddeetan suuradood, magaalada Madiinana 28 Suuradood ayaa kusoo degay.
20:Magaca Nebi Muxamed (Naxariis iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha ahaatee) waxa quraanka lagu xusay afar jeer.
21:Shan suuradood oo quraan ah ayaa ku bilaabma Mahadnaq Eebbe: Al kahr, Al Faatixa, Saba, faadir iyo An caam.
22: Ereyga "rag" iyo ereyga dumar waxay kusoo arooreen min 24 jeer.
23: Xarafka kaliya ee la akhriyo waxa laga helaa 10 ajar.

No comments