Home Top Ad

Responsive Ads Here

Bakhaylkii isciilkaambiyey

Share:


Sheeko gaaban.


Waxaa la yidhi nin baa reer usoo hoyday. Markaasaa reerkii ka seexday oo uu habeenkaa halkaa ku qaday.

Subaxii markii waagu beryey ayaa ninkii martida ahaa kacay oo ninkii reerka lahaa uyeedhay.

Ninkii reerka lahaa ayaa qolqolka soo istaagay,markaasaa ninkii martida ahaa yidhi:
"Ninyahow haddaad taqaan marka soor la iigu yimaaddo sidaan ubixiyo iyo marka la isiiyo intaan ka cuno iyo markaan waayo sidaan ugu adkaysto xalay igamaad seexateen."

Intaa kolkii uu yidhi buu iska dhaqaaqay, markaasaa ninkii bakhaylka ahaana tiiraanyooday.





Xigasho: Xikmad Soomaali, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo B.W. Andrzegewski

No comments