Marka la doonayo in la maahmaaho ama lagu halqabsado qaybaha kale ee suugaanta, waxa muhiim ah in laysla garan karo murtida ku jirta; la'aanteedna, abbaarta hadalka ayaa lumaysa.
Tusaale ahaan: "Hubsiimo hal baa la siistaa."
Murtidani waa talo iyo waano tilmaamaysa wanaaga iyo waxtarka hubsiinta, waana sahal goorta la adeegsanayaa — hase ahaatee, waxa lagama tagaan ah dhacdadii ay ku baxday.
Taas ayaa ah xikmadda ku duugan ee noqotay dhaxalka.
Kolka ay qiimo iyo qurux weheshataana,waa:
Markii aad ka sheekayso siday ifka ku timi, haddii kale se waxa ku dhibi karta" Sidee loo...?"
Murti waa ujeeddo maldahan,marna muuqata oo ku jirta hadalka.
Waxay samaysaa saamayn meel-mar ka dhigta hadalka; xigasho ahaanna,waa seddex:
1: Mid la yaqaan qofkii yidhi.
Tus:
"Bisaylka hadduu qof diido,
Biraynta ku faani maayo,
Bakhtuu uga sii socdaaye,
Xalaashiyo buunigeeda,
Haddaad ubuseeli weydo,
Bogsiinta ka raadi maaha,
Wixii lagu sii bukoodo." M.I.W "hadraawi"
2: Mid la garanayo jinsiga yiri iyo sheekadii ay ku baxday.
Tus: marti baa habeen usoo hoyatay qoys.
kadibna sidii dhaqanka u ahayd somalida,Ninkii maasuulka ka ahaa reerka ayaa neef uloogay.
Markii uu kala qalay hilbihii, ayaa martidoo badnayd awgeed uu isyidhi "carruurta yaryari yaanay kaa qadin"
dabadeedna isagoo martida ka xishoonaya ayuu cad sarar ah dhulka ku tuuray,kuna yidhi afadiisa: " heblaay, cadkaa ciidda ku dhacay qaad oo carruurta u kari."
"Ma annaga ayaad na siinaysaa cad ciid leh? waar orod nagala tag." ayey ugu warcelisay.
Ninkii oo ka xumaaday siday ugaran weyday ujeedkiisa, ayaa ku jawaabay: " Doqoni sarar ciid loogu riday sedbursiin ma mooddo."
3: Mid aan la aqoon qofkii laga guntay.
Tus: waxa la yidhi:"Ood kaa dheeri kuma
dhaxantirto.
Tan dambe waxa ku abtirsada maahmaahaha.
Waa mid ummadda ka dhexaysa, mana laha raadraac.
Sida dhigeedna, waxay ubaahan tahay inla garto xikmadda ku jirta iyo xaalada loo adeegsado. talaabada kobaad ee dulucda maahmaahda lagu fahmi karaana; waa barashada qaybaha maldaha af-somaliga.
Tallaabada kobaad
Maldah ahaan, marka la ogaado kaalinta ay maahmaahdu kaga jirto af-maldaha, ayaa la raadin karaa xikmadda ku aasan.
Qaybaha Af-maldaha.
Duurxul
Sarbeeb
Shareere
Buunbuunin
Yamxeero
Qofayn
Quusin
Lagaado
Eekeeye
Sillan-sugan
Xus
Haddii ay maahmaahdu ka mid noqon weydo qaybahan kor ku qoran, waa mid ujeedada ku jirtaa muuqato oo si fudud laysula garan karo.
Arrintaana waxay kala siman tahay hadalka oo dhan.
Tusaale ahaan: haddii lagu tiraabo: " faadumo way qurux badan tahay." Waxa la sheegay oo kaliya inay tahay qof qurux udhalatay; laakiin se marka la yidhaahdo: " Dumar oo dhan ayey ugu qurux badan" waa weedh aan suurto gal ahayn oo lagu cabiray quruxdeeda, sidaana waxay ku noqanaysaa buunbuunin.
Duurxul
Duurxul waa hadal, waxana aad ukala durugsan ereyada uu ka kooban yahay iyo ujeedada looga golleeyahay.
Waa sogordoha iyo sanqartirashada hadalka.
Tus: " Riyaha oo qaawan baa idaha ku qosla."
Yamxeero
Yamxeerin waa hadal lagaga dayrinayo ama lagu durayo xaalad jirta iyo midaan jirinba.
Tus: Laba qaawani isma qaaddo.
Bawdo rag maalinba mid baa qaawan.
Waan baahanay bakhti looma cuno.
Eekeeye
Eekeyn waa hadal isu eekeysiiya laba shay, dhacdo, qof iyo wixii jiraal ahba. Waxa uu koobmaa loo eeke, u eeke , qalab iyo qaab.
Tus: " Libaax qoyey dacawaa la moodaa."
Libaax waa u eeke,dacawaduna loo eeke.
Qoyey waa qaabkii, la moodaana qalabkii eekeyaha.
Sarbeeb
Sarbeeb waxay labaysaa duurxulka,waxay se ubadan tahay Hal-xidhaalaha iyo jirrabka.
Tus: seddex dhal geel ninlihi ma bixiyo, nin la siiyeyna ma qaato.
Buur ahow ama buur ku tiirsanow.
Shareere
Waa qaabka ugu sarreeya ee isu eekeysiinta iyo isbarbardhigga, misana wata ujeeddo shareeran.
fl
Tus: Ilmihii aabahood u eeg, odayguna ku uursan—habartuna ku eedla'.
Sillan-sugan.
Waa hadal isburinaya,iska horjeeda oo xambaarsan ujeedooyin lid isku ah.
Guur xun wiilkaaga kala tali, gabadhaadana kula tali.
Qofayn
Qofayn, waxa lagu qofaynayaa ama lala hadlayaa noole ka abuur duwan dadka.
Tus: xuunshooy, Nebigii(SCW) wuu dhintay;
markii uu noolaba,xaarkaan cuni jiray.
Quusin
Quusin waa hab hadalka ka mida, misana si uu jeclaysto loogu quusinayo qofka.
Tus: Fuley hooyadii ma goblanto.
Nin ilko weyni hadduu dhintana,inuu qoslayaa
la moodaa.
Dumarku waa belaayo loo baahan yahay.
Lagaado
Lagaado waa hadal digasho iyo ku wiirsi ah.
Tus: Nin kaligii socdaa waa tuug ama tollaawe.
Buunbuunin
Waa hadal, kaasoo xaqiiqada loo sheegayo si ka heersaraysa ama ka badan sida ay tahay.
Tus: Haddii waayeel hadalkii la maqli lahaa, waraabuhu ma cuneenba weylaha.
Xus.
Waa marka hadalka lagu dhex xuso arrin hore ujirtay iyo mid male awaal ahba.
Tus: Tixdii Ibrahim Gadhle
"Waraabaa ayaan yidhi
Hadaad igu ogaydeen
Baadida islaamkiyo
Anoo aaran geel cuna
Imaan la'aantii
Istaaqfurula baan idhi
Aamiin baanan kala baxay
Magacii inkaarnaa."
Abwaanku wuxu maansadan ku xusay sheeko xiriiro uu ka lahaa ujeeddo gaara, waana tii la odhan jiray :"Maxay ku nuugi ama ka nuugi.
Tusaale kale: Fudayd dhicis baa eeday.
Tallaabada labaad.
Kadib marka ay caddaato midkay ku aroorayso
qaybaha maldaha, waxa la isweydiinayaa ujeeddada ka dambaysa?
Maxaa loo duurxulay? Maxaa la sarbeebay? Maxa se la shareeray?.
Haddii aynu tusaale usoo qaadano murtidan: Fudayd dhicis baa eeday.
Ugu horrayn waa inaynu garan karnaa qaybta af-maldaha ee ay ka tirsan tahay.
Sida ka muuqataba, waxa la sheegay dhacdo male awaal ah oo laga dhigayo arrin dhacday, sidaana murtidani waxay ku noqonaysaa Xus.
Ha-ahaatee, maxaa la xusay?.
Si kooban, somalidu waxay ka digtaa fudaydka iyo hubsiimo la'aanta.
Waa hab-dhaqanno aan la amaanin qofka ku tilmaaman,lamana mahadiyo hadalkiisa iyo hawsha uu qabtaba.
Meelkale haka eegin: "hebel wuu fudud yahay iyo wuu fiican yahay kala daaya" ayaaba laga hayaa somalidii hore(malahayga wuxuu ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan.)
Sidaa darteed murtidan sare, waxay xustaysaa:
1:Inuu ifka yimi dhal-naasley oo aan dhammaysan ama dhodhoweyn muddadii uur-jiifnimo, sidaana uu kula kulmay dhimasho degdeg ah.
2:Inaanu ufiirsan xaalka uu ku sugan yahay, qorshahana ku darsan muddada u hadhsan iyo meesha uu usocdaba; taladunu kaga ururtay: "Adduunyo...adduunyo...adduunyadii meeday"
3:Inuu eeday fudayd,kaasoo seejiyey noloshii uur-jiifnimo iyo tii ifkaba—ugu dambayntiina, xaalkiisu kusoo idlaaday:" dhicis inta birta loo soo siduu bakhtiyaa."
Dhacdo caynkaas ah ayey xambaarsan tahay, waana murti ka digta natiijada xun ee hubsiimo li'idu leedahay.
Tallaabada seddexaad.
Kolka la soo saaro qaybta af-maldaha ee ay ku abtirsato iyo ulajeedka ku dedan maahmaahda
waxa kale oo lama huraan ah in la ogaado goorta la adeegsanayo.
Aynu soo koobno:
1: goorta waxa go'aamiya Af-maldaha.
Duurxulid,quusin,yamxeerin, eekeyn.............
2: waa inaad garataa halka ay kaga haboon tahay hadalkaaga, haddii kale se ?
WQ/ Sakariye Yuusuf Cigaal.