Khudbad-jeediye caan ahaa ayaa bilaabay aqoon-isweydaarsi(seminar), isaga oo kor utaagaya 20 doolar.
Waxaa hortiisa fadhiyey dad gaadhaya 200 oo ruux,diyaarna u ahaa inay maqlaan, ereyada kasoo bixidoona afkiisa, waxa aanu hadalkiisii ku bilaabay: "kuma ayaa doonaya 20-kan doolar?".
200 oo gacmood ayaa hal-mar la wada taagay.
Waxa uu yidhi: "waxa aan doonayaa inaan mid idinka mida siiyo 20-kan, laakiin marka hore ii ogolaada inaan sidan sameeyo."
Lacagtii ayaa uu isku buus-buusay ilaa uu u-eekaysiyey warqad qashin ah, kadibna waxa uu yidhi: "kuma ayaa wali doonaya?"
Labadii boqolba korbaa loo taagay.
"Hagaag.....bal maxaa dhacaya haddii aan sidanna sameeyo?" Lacagtii ayaa uu dhulka ku tuuray, kuna joog-joogsaday, kadibna inta uu kor uqaaday ayaa uu tusay lacagtii oo wasakhaysan, kuna yidhi dadkii: "kuma ayaa imiki doonaya?"
Dhammaan gacmaha ayey kor-utaageen.
" saxiibayaal, hadda waxa aan idin tusay cashar muhiim ah.
Wax micno ah ma samaynayso,wixii aan lacagta ku sameeyey, wali waa aad rabtaan, maxaa yeelay qiimihii lacagtu ma noqon mid isbaddeley oo ilaa hadda waxa ay la qiimo tahay 20 doolar, dhibkastoo aan gaadhsiiyeyna ma lumin qiimaheedii.
Waqtiyo badan oo nolosheena ka mida, noloshu waxay inagu abuurtaa niyad -xumo, werwer iyo walbahaar; waxay qoorta inoo gelisaa qusur-oodan.
Waxay ina dhigtaa qarbo debed ah, waxa aynu qaadanaa go'aamo qaldan oo aynu ku rafaadno natiijada ka soo baxda.
Waxa aynu dareennaa qiimo-beel iyo daciifnimo, laakiin waa qaddar; waxa dhacay iyo waxa dhici doonaaba, kaliya waa in aanad lumin qiimahaaga.
Waa in aad ku istaagtaa lugahaaga; madaxaaga oo kor jira, maxaa yeelay waa aad uqalantaa in aad gasho, kuna guulaysato halgan if iyo aakhiraba ah; adiga oo qiimo leh."
Ujeedada sheekada: kadeed iyo kurbo kasta oo aad la kulanto; waxa aad tahay qof mug iyo miisaan leh, kaalin muhiim ahna buuxin kara.
Waqtiga iyo waayuhu ma liidi karaan karaamada ilaahay ku siiyey ee ha ilaawin qiimigaaga.
Xigasho:livin3.com