Sida la sheegay; gabar aragla' ayaa aad u karaahsan jirtey nolosheeda; indho-la'aanta haysata awgeed.
Waxay aad unecbayd qofkasta oo adduunka oogadiisa ku nool, marka laga reebo wiil ay ilaa xad is-jeclaayeen.
Si hagar la'aana ayaa uu caawin jiray, Una garab taagnaan jiray, waxa aanu Marwalba dareensiin jiray inay utahay:
Siraadka iftiinsha adduunka.
badiba, marka ay lajoogto, waxay ku tiraabi jirtay: " markaliya, haddii aan adduunka arki lahaa, waa aynu is guursan lahayn."
Maalin maalmaha ilaahay ka mida, gabadhii ayaa ruux qabli-wanaagsani ugu deeqay Labadisii indhood.
Qaliin dheer kadib, wax walba waa ay aragtay, xataa wiilkii ay aragiisa u jeelqabtay.
" imika, waa aad arki kartaa adduunka oo dhan ee ma is-guursannaa?" Ayuu wiilkii weydiiyey.
Naxdin iyo amakaag ayey ku noqotay, markii ay aragtay in wiilku isaguba indhoole ahaa, waana ay ku gacan saydhay dalabkiisii, kana dhego-adaygtay guurkiisii.
Wiilkii waa uu iska dhaqaaqay; isaga oo Ilmaynaya, waxa aanu usoo diray warqad odhanaysa:" qaali, kaliya waxa aad ii xafiddaa indhahayga."
Ujeedada sheekada: sidani waa qaabka ay isu-bedesho maskada dadku; marka ay isbedelaan waayuhu
Kaliya, dad yar ayaa xasuusta noloshii hore iyo shaqsigii had iyo jeer caawin jiray; markii lagu jiray xaaladihii ugu kaarka iyo kadeedka badnaa.