Somalidu waxay la kulantay burbur iyo kadeed ka daran halistii Kacaanka Oktoobar, magacoodana waxa lagu xasuustaa qaxoonti iyo qarax joogto ah.
Somali kasta oo qaangaadh ah cidi ugama war roona xaaladdii lasoo maray, haddii aad ka waraysatana:"Adduunyooy xaalkaa ba' " ayuu ku gunaanadayaa hadalkiisa; balse imikuu xaalkeed daran yahay.
Waayo? Dhibaatada la ogyahay, waxa wehelisa midaan lagu baraarugsanayn.
Haddii aad tahay somali,waxa wanaagsan inaad ku baraarugto arrimaha Diinta, Afka, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka Somalida.
Diin
Dad badan ayey caado utahay: "Somalidu waa bulsho 100% Muslim ah" balse suurtogal noqon mayso weedhani.
Waayo? 100% waxa uu kasoo horjeedaa sunnaha nolosha, Somaliduna waa bulsho laga soo helikaro mu'min iyo munaafaqba.
Hase-ahaatee, somalida waxa naadir ku ahayd aragtida qof somali masiixi ah ama diin kale aaminsan.
Waan ka xumahay, 25kii sanno ee udambeeyey waxa dunida kusoo badanayey somalida rumaysan: Shiico, Masiixi, Mulxidnimo IWM.
Iska illow 100%, kuna baraarug weerarada
kufaarta, ogowna:
"Wasti malaha diintiyo kufriga,wax
udhexeeyaaye."
AF
Hal maalin ma istidhi: "Yaa gaadhsiiyey heerka uu joogo Af-ingiriisku?"
Haddii ay maya tahay; waxa sabab unoqday dadka ku hadla.
"Markii ay horumar samayso bulshadu, afka ay ku hadashaana kama hadho; kolkay la kulantodib-udhacna, kama hadho."
Siday somalidu urafaadsan tahay,ayuu urifmay Af-somaliguna.
Haddii aanad waxba uqaban karin: liibaane, ka jooji ereyada qalaad ee aad ku badhaxdo hadalkaaga.
Xasuusnow Cali Sugulle:"Af qalaad aqoontu miyaa?"

Dhaqan
Dadyowga kala diirka ah ee dunida ku nooli, waxay leeyihiin dhaqamo kala duwan oo mid waliba iintiisa wato.
Bulsho kastaa way ku adagtay dhaqankeeda, mana jecla inuu la kulmo isbedel taban ama ku milmo dhaqan shisheeye.
Somalidu se taa bedelkeeda ayey door bidday.
Weli ma lagu weydiiyey: cunto, aqal, guur,dhar xoolo,dalag iyo weel somalida ugaara.
Waa su'aalo aan ku jirin qorshahaaga,
warcelintuna way adag tahay.
25-kii sanno ee lasoo dhaafay ayuu dhacay dhalan-roggaasi.
Waan ka xumahay, haddii aad ku dayato Messi, Ronaldo, Ranpeer iyo kuwa raabka ciyaara.
Runtu se waa halkii Hadraawi: "Ilbaxnimadu saas maaha".

Dhaqaale
Tan iyo bilowgii nolosha somalida, dhaqaalaha waxa laf-dhabar u ahaa xoolaha nool.
Ma xuma dhaqashada xoolaha iyo nolosha reer guuraanimo; balse waxa ayaandarro ah xaalka ay ku sugan yihiin.
70 sanno ka hore, somalidu may aqoonin cunista qaadka iyo qiijinta sigaarka. 30 sanno ka horna, waxa aad uyaraa dhuxusha iyo xaalufinta degaanka.
Maanta labadaas ayaa ragaadiyey horumarka iyo dhaqaalaha somalida.
Somalidu waa bulshada kaliya ee dhoofisa lacagta caddaanka ah, lana soo degta findhicilka iyo af-mariska.
Maxa sababay in aynu bixino miisaaniyada ku baxda ciidamada Itoobiya iyo Kiiniya?
Xaalku waa: " Markaan hiish dhaqaaqaba labaan, hoos udegayaaye"

"Goblan talo adduunyooy"
W/Q: Sakariye Yuusuf Cigaal.