Home Top Ad

Responsive Ads Here

WAA MEELMA?

Share:


Iriddeeda waxa hortaagan askari hubaysan; deyrka ku wareegsanna,waxa ku sawiran niqaab, budh,bakoorad,baange, tamuujad, toorri iyo qori AK47 ah.

Sawirradan waxa guudka kaga taalla sumad cas oo tilmaamaysa reebanaan.

Inta badan, kolka aad ugudbayso gudaha, waxa aad la kulmaysaa baadhitaan fudud.

haddii aanad sidan faro-laab ama wax hub ah, waxa aad xaq uyeelanaysaa gudbidda iyo gelitaanka goobtan.



Qacdiiba, tallaabada uhorreysa ee aad uqaaddo dhanka gudaha, waxad arkaysaa dadweyne si wadar-wadar ah uhoos fadhiya dhir ubadan Qudhac iyo Miri-miri.


Geesta bidixna, waxa kaaga bidhaamaya makhaayad lagu bisleeyo Shaaha.


Marka aad goonjiga istaagto, goonyahana aad eegto; Masjid kooban oo bilicsan ayaa jihada waqooyi kaaga muuqanaya, inta kalena dhismayaal gaboobay...gaboobay...gaboobay ayaa teedsan.


Ilaahay kuma geeyo'e! Haddii aad inyar ku sugnaato, waxa dhegahaaga si aan kala go' lahayn ugu soo dhacaya: "Berri soo noqda. Soo cashuur. La iguma laha. Marag ma uhaysaa?."

Dharaaraha hore dhismahan gaboobay wuxu kugu soo dhaweynayaa amakaag,dhako-faar iyo indho-taag.

Ugu dambeyntana, waxa abaalmarin la xasuusto kuu noqonaysa cadaalad xumo.


Shaqaalaha xaruntani waxay ka kooban yihiin: dhalinyaro waxbaratay(wax Alle ogyahay) iyo waayeel.


Dhalinyaradu waa kuwo dhawaan bilaabay hawlaha garsoorka iyo ka garniqidda dacwadda; aad uma jecla laaluushka, balse tirada ugu badani waxay kulansatay kaadsiinyo la'aan iyo kibir aanu kalkii gelin.


Garsoorkii kasoo horreeyeyna, intooda badani waxay si maalinle ah u urursadaan lacago ay qaab qarsoodiya uga qaataan dadka kusoo talogalay iyo danyarta lagu dirqiyo.


"Miyaan kuu sheegaa lambar ZAAD leh?" Waa weydiin wehelkeedu yahay dhoolocadayn, had iyo jeerna waxad maqlaysaa ama lagu odhanayaaba: marka ay soo idlaanayaan saacadaha hawl maalmeedka goobtani.



Haddaba, goobtu waa goobma?


  • Waa Maxkamadda Gobalka Togdheer iyo ta Degmada Burco oo isku garab yaal.

  • Waa goobaha udaran ta udaran, uguna digada kulul ee lagu dhibaateeyo danyarta.

  • Waa meel lacagtu tirtirto dambiga, xaqdarraduna ku yeelatay xoog aan loodin karin.

  • "Rag caddaalad kala waayey sida, cawsha kala yaacye" ayuu yidhi Cali-dhuux'e

  • Waa maxkamado garsooraha, kaaliyaha iyo hawl wadeenada joogaa ubadan yihiin Hadimo-talis, kuna yaraaday Samo-talisku.


  • Maxaa sababay?


    Guud ahaan garsoorka waxa dawga ka rida qabyaalad,nin-jecleysi iyo Laaluush.

    Labada hore waa dhaqannada ragaadiyey dawladnimada iyo dadnimadeenaba, laaluushkana iyagaa waalid u ah; waxana horseeday dadweynaha.

    Shacabka ayaa bixiya laaluushka, beleeyana qof noloshu ukala qalnayd.

    Iyaga ayaa sabab unoqda in ruux damiir iyo damqasho lihi isu rogo dibno-leef, kadibna ka cawda caddaalad darro.

    Maxaynu yeelnaa?


    Haddii xaalka xukunka maxkamaddu sidan ku socdo; waxa marag madoon ah in la kasban doono cadho iyo ciqaab rabbaaniya, waxana waajib diiniya iyo mid dastuuriya ah:

  • In masuulka guud ee waaxda garsoorka dalku si toos ah oo aan hagrasho lahayn wax uga qabto dulmiga ka taagan Togdheer.

  • In bulshadu ka waantowdo bixinta laaluushka, si uu nabadgalo garsoorka mustaqalku.

  • in hawl wadeenada loo xulanayo waaxda garsoorku noqdaan kuwo aqoon fiican uleh Kitaabka Alle ee caddaalada wanaagsan iyo sunaha Rasuulkeena (NNKH).
  • In loo qabto tabobarro iyo aqoon isweydaarsi dhanka asluubta iyo anshaxa ah. Waayo? waxad la kulmaysaa:
  • Garsoore si dulmi iyo gardarro ah u af-lagaadeynaya muduci caddaalad doon ah.
  • Garsoore isagoo dacwad ufadhiya cadayanaya.
    Mid sigaar ku nuugaya xafiiska hortiisa iyo dar kaloo la yaab leh.

    Gunaanadkii, haddii xaaladdani ku kooban tahay Gobolka Togdheer; waa mid wax laga qaban karo,Lana soo dabaali karo.

    Haddiise ay ku weheliyaan gobolada kale ee dalku, ha la fisho dubihii ku dhici jiray duulka xaqa ka jeedsada.


    W/Q: Sakariye yuusuf Cigaal.

  • 1 comment:

    1. qarannimadii soomaalida waxaa ragaadisay qabyaalad taas oo ay ka farcameen dhammaan dhibaatooyinka ka taagan geyiga soomaalida.

      ReplyDelete