Waa maxay maahmaah?
Ugu horreyn waxa mahad leh Abuuraha iska leh abuurta oo dhan; Ilaaha keligii taliya ee aan la wehelin, Rabbiga amarka iyo awoodda sare leh;Naxariis Alle iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nebigeenii Maxamed.
Intaa kadib, haddii Alle ka dhigo maanta waxa aynu qormadan ku bilaabi doonaa qoraal bille ah oo ku saabsan sharraxa maahmaahda iyo goorta lagu maahmaaho.
Kolka xiga,maahmaahi waa hadal xambaarsan xigmad iyo waayo aragnimo ku qotoma xaqiiqda nolosha.
Waa hogotus horteen-jire xeeldheeri inooga tagey, waana murti kooban, sarbeeban ,kolna saafan oo ka mida koosaarka afka somaliyeed.
Maahmaahda lama yaqaan goortay baxday iyo qofkii laga guntayba; balse, waxa gacanta lagu taaban karaa ama se lala kulmaaba, xaaladdii ay ku timi oo maalinle ah.
Somalidii hore si wanaagsan ayey ugaran jireen goorta iyo halka ay ku haboon tahay,waxana u kala soocnaa:
hal-qabsi, halkudheg, fal-odhaaheed, sheeko, maahmaah, maanso iyo qaybaha kale hadalka.
Waagaas aad bay u adkayd in la dhegeysto hadal ka badan "Haa" ama "Haye" aan lagu xoojin murti ama weedh maangal ah.
Hadda se Intii muusig lihi waa hees, midhihii la tirshaana waa gabay.
"Horaa loo yidhi" hadalkii ka dambeeyana, waxa loo niyeystaa maahmaah.
Waxa se kaloo jira qof ku halqabsanaya sheeko ama odhaah; balse u ayidsan maahmaah.
Tusaale ahaan: labo nin oo saaxiib ah ayaa is dagay, kadibna ka hashiiyey wixii hore udhacay.
Dharaar dambe iyagoo caano dhamaya ayaa kii hore loo dagay dareemay in khiyaamo kale lala damacsan yahay.
Markaasaa kii dabinka maleegayey oo degdegsani yidhi:"Hebeloow aynu tagnee caanaha qudhqudhi."
Judhiiba, wuxu ugu jawaabay:
" .................nin baa beri lagu yidhi:
" Hoo hebeloow caanahan cab"
Dabadeed isaga oo afka ka dhawraya, ayaa uu caanihii u fiririqsaday.
Markasaa lagu yidhi:"Waar dee waa caano'e qudhqudhi."
Isna wuxu ku jawaabay:"mar hore ayaan caano ku gubtay." "
Miyaa la oran karaa ninkaasi wuu maahmaahay?
Maya, si afgobaadsi ah ayuu ugu halqabsaday sheeko-murtiyeed gaaban oo hortii baxday.
Aynu u daadegno ujeedka qormada, kuna
ballaysinno murtidan:
"Saddex dhal geel nin lihina ma bixiyo, nin la siiyeyna ma qaato."
Qaalintu markay curato waxa la baxshaa magac kaasoo ku qotoma manfaca laga helay iyo dhaqankeedaba.
Kolkay se gaadho saddex dhal, waxa si fiican loo kala bartaa dhibteeda iyo dheefteeda, badibana lama bixiyo.
Labo xaalaba looma bixin karo: haddii ay tahay mid iimo badan, nin lihi kuma muquunin karo xidid iyo xigaal usoo xoolo doontay.
Markay tahay maandeeq iyo maato koris inta irmaan ubadisana, lexo jeclaa gasha nin leh.
Haddiiba se ay huriwaa noqoto, qofka la siiyo ayaa shakiya.
"...... tollow! ma badhaa mise waa toojo?" ayuu is odhanayaa, dabadeedna cabaarbaa la isku riixriixaa.
"Waar, hasha ubadka loo maalo ka xaysan
maayee, xerada ku celi."
"Lagu celin maayo."
Ugu dambayntana, midkood baa dhaar ku xagafsiiya.
Haddii ninlihi Wallaahida ku hormaro;
hashaasi waxay ku baxday xaaleyn, xishoodna waa lagu qaatay.
Haddii kale se xerada ayey ku negaataa, xulasho kalena waa la sameeyaa.
Maahmaahdan waxa loo adeegsan karaa xaalad kasta oo taa lamida, u eeg, udhiganta ama kusoo dhow.
Halkaa aynu ku joogsanno.
WQ/ Sakariye Yuusuf Cigaal.