Qabiil waa sumad iyo baadi-sooc bulshadu isku aqoonsato; waa tilmaan cad oo lagu garto sida ay ummaddu kuugu kala xaq leedahay, Allena (SWT) wuxu yidhi:
"Dadyahow annagaa idinka abuurnay lab iyo dhedig, waxanu idinka dhignay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan. Ka idiinku sharafta badan Ilaahay agtiisa; waa ka idiinku Alle ka cabsiga badan, Eebbe na waa cilmi badane wax walba og. " xujurat, 13.
Sababta iyo ujeedka la inooga dhigay bulsho ku kala abtirsata odayaal kala duwani, waa kaa Alle inoogu caddeeyey Quraanka kariimka ah.
Muddada hayb iyo qabiil la sheeganayaa, waa wakhti cayiman, Nabigeeni muxamed (NNKH) ahaana, waxa laga soo weriyey:
"Nasab kasta iyo sabab kastaaba wuu go'ayaa maalinta Qiyaame, nasab kayga iyo sabab kayga mooyaane. "
Haddaba, su'aasha isweydiinta mudani waxay tahay:
kol haddii daaha iyo daboolka laga feyday kaalinta uu inoogu jiro qabiilku, waa maxay qabyaaladi? .
Qabyaalad
Haddii la isku dayo in la qeexo ama macne kooban iyo weedh ugaara lagu sifeeyo,ma jiraan ereyo ka muhiimad iyo nuxur wanaagsan,kuwii Rasuulkeenu
(NNKH) uu ku utilmaamay qabyaaladda,
waxanu yidhi:
" qabyaaladdu waa qudhun "
Islaamka ka hor,waxa caado iyo dhaqan ka dhigtay carabtii jaahiliga ahayd. waxay kala dhici jireen dumarka iyo geela; way isu faani jireen,iyagoo hayb-sooca iyo habar-wacashada joogtaynaya.
Had iyo jeer guubabada iyo dagaal gelinta, waxay u adeegsan jireen suugaantii carbeed ee hodanka ahayd, halkaana waxa ka aloosmi jirtay silsilad dheer oo abuurta utun,aano iyo colaad.
Sidoo kale waxay ku dagaalamayeen daaqa iyo deegaanka, balse soo degiddii Islamka iyo soo diritaankii Rasuulka (NNKH) kadib, waxay noqdeen ummad Allahood ka cabsata oo qaarkood loogu bishaareeyo janno,waxana meesha ka baxay takoorkii, qabiil-udirirkii iyo colkii.
Intaa iyo kaleba awoodaha Ilaahay ayey ku ahaataye,waxa kale oo isweydiin u baahan,maxaa laga yidhi qabyaaladda?.
Ilaahay nebigiisu (NNKH) wuxu yiri : "Dad waxay ka tegayaan tookha ay ku faanayaan aabayashoodii iyo awoowayashoodii dhintay ee dhuxuloobay,hadday ka tegi waayaana Ilaahay agtiisa waxay ka qiimo liidan doonaan xaar-walwaalka. "
Waxay ila tahay inaad si fiican utaqaan bahalka loogu yeedho xaar-walwaalka iyo hawl maalmeedka uu qabto.
wuxu riixaa oo uu giraan-giriyaa qudhun qadhmuun badan, qofka joojin waaya : Anaa reer hebel ka ba'an,
Anaa reer hebel ka badan,..xasanganey Waxa uu hoos-mari doonaa qiimiga uu leeyahay xayawaankaasi.
Dhinaca kale sayidul cali ibnu xuseen ibnu cali abii-daalib,markii la weydiiyey qabyaaladda,wuxu yidhi:
"Qabyaaladda qofku ku dambaabayaa waa inuu qofku u-arko kooda ugu sharka badani, inuu ka khayr badan yahay qolada kale kooda ugu khayrka badan. "

Somalida iyo Dheefta qabyaaladda
Ugu horayn somalidu waxay dabada haysaa dhaqan gaal iyo islamba aanay isku diidin xumaantiisa.
Waxay hareerta ka mareen walaalnimo, wax wadaqabsi,wada-jirkii muslimnimo iyo wanaaggii somalinimo,waxana ay dhaxleen:
Dagaal
dawlad la'aan
Dallow
Roob la'aan iyo jeedal rabbaaniya
Burbur iyo baaba'
Waddaniyad la'aan
Qaylo-dhaan
Gaalo-dawarsi
Macaluul
Qaraxyo
Raran iyo raaf-cadaad
Tiro yaraan.

Iyadoo ay intaasiba jirto, ayaad haddana la kulmaysaa ruux faanaya oo sidii uu laabta ugaraacayey ay asiibeen xanuunada ku dhaca feedhuhu ama ay farihiisu ku dul sawirmeen maqaarkiisa.
Isweydii, maxaa loogu faanayaa odayo muddo dheer mootan oo aan la ogayn xaalka ay ku sugun yihiin?.

Maxaa inala gudboon?
Quraan iyo xadiisba wax la inoogu sheeg
culimaduna had walba way ka hadlaan halista iyo hoogga qabyaaladda, balse waxba isbedeli maayaan oo dhagax waa dhagax uun ayaa la noqday.
Alle (SWT) ha loo noqdo,meel aan halkaa ahayn guuli ma taallo, hana la isi su'aalo:
Maxaa faa'ido iyo raasamaal ah ee laga hayaa qabyaaladda?.
Ka gudub xayn-daabka iyo xumaanta ku xeeran qalbigaaga, xorna ka noqo xadhkaha iyo seetada qabyaaladda, Ogowna:
"Tollaay!!! reer hebeloow,
Taladu maanta ma joogto,"
Timacadde.

goalsak8@gmail.com
No comments