Waa mawduucii goosgooska suugaanta somalida iyo qaybtiisii labaad.Waxaynu ku soo qaadanaynaa qaar iyo qaybo ka mida gabayga,geeraarka iyo jiiftada sida cajiibka ah u caanbaxay.
"Mar baan ahay nin xaaraan maqdaca, marin jidiinkiiye,
Marna tuug mu'diya baan ahoon, maal rasuul bixine,
Mar baan ahay maqaan awliyada, maqadin koodiiye,
Marna mudanta shaydaanka iyo maal jin baan ahaye,
Miisaanna ima saari karo, nin
imaleeyaaye,"
Marna tuug mu'diya baan ahoon, maal rasuul bixine,
Mar baan ahay maqaan awliyada, maqadin koodiiye,
Marna mudanta shaydaanka iyo maal jin baan ahaye,
Miisaanna ima saari karo, nin
imaleeyaaye,"
"Kuwii curiyey dunidee gudhsaday, ciidda hoos mara'e,
Cabdille xasan
waxa soo xasladay, caarshe iyo giibe,
Cadad male rigaal ladan intay, calal ku duubeene,
Ay meel cabaar loo qodqoday,kaga caraabeene,
Aan camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne, "
Cabdille xasan
waxa soo xasladay, caarshe iyo giibe,
Cadad male rigaal ladan intay, calal ku duubeene,
Ay meel cabaar loo qodqoday,kaga caraabeene,
Aan camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne, "
"Rag darmaano soo fuul,
Ragna dalawadiisii,
Iyo doobigii keen,
Ragna dayr-cadkiisoo,
Baarqab doobyayaa wado,
Bandhigii kusoo daa,
Nin dameero soo horay,
Yaan la odhan denbuu galay,
Bilay duunyadiis tahay."
Ragna dalawadiisii,
Iyo doobigii keen,
Ragna dayr-cadkiisoo,
Baarqab doobyayaa wado,
Bandhigii kusoo daa,
Nin dameero soo horay,
Yaan la odhan denbuu galay,
Bilay duunyadiis tahay."
"Naagahan dafiray kii qabee,diiday gurigooda,
Ee wada dareeraye nin kale, doontay lacagtiisa,
Daa'imoow maxaa xigi, adduun dabadii weeyaane. "
Ee wada dareeraye nin kale, doontay lacagtiisa,
Daa'imoow maxaa xigi, adduun dabadii weeyaane. "
" huuraale cali jaamac iyo huluq dameer baa leh."
"Hawlaha haweenkiyo raggaa,lagu hubshaa taase,
hablahaa caddayn kara haddaad, yara heshiisaane,
hubka dumarka miyuu leeyahoon, hoyga kula seexday,
Ma huggaan ka dhigay oon aroos, shin ula haasaaway,
Ma haweenaydii aan qaabaa,hooge laga laga yaabye ,
Holoq dheeridaydiyo siduu, ku arkay hoostayda, "

No comments