Arrin kasta, xaalad kasta iyo shay walba oo innagu beera dareen aan wadan farxad iyo dheelitir, ayaa la yidhaahdaa dhib.
xaalad walba oo xanuun badani,waxay leedahay xal gaara oo fudud, balse xikmada dahsoon ee xaajada adkaysaa waa xal-raadinta oo lagu kala duwan yahay. Waa dabiici , marka aad la kulanto dhibaato,waxa weerar kugusoo qaadaya werwer iyo. murugo kuu horseedaya walbahaar, taasina waxay tilmaan cad u tahay xaalada aad ku jirto, balse xal maraadin kartid inta aad sugan tahayqoomamo iyo qiiro -xun. Indho-indhayn iyo qiimayn ku samee marxaladda, si aad u soo-saarto :"halka ay sartu ka qudhuntay",kadibna isku day inaad qalinka uqaadato oo aad qeexdo.
"Dhacdo iyo dhib walba oo la buunbuuni yaa ,waxay ka cusladaan buuraha golis."
Shay kastaaba wuxu ku yimaadaa amar iyo awood Alle (SWT) , nooluhuna ma baajin karo qadarka, sidaa darteed in aad aqbasho waxa kugu sugan wanaag.
Noolaha ku nool dunida waxa ugu qiimo badan dadka, Allena (SWT) wuu inoo sheegay inuu ina karaameeyey.
Abuur waliba waxay leedahay awood ugaara oo ay kala hortagto xujooyinka horyaala, tusaale ahaan : Xal ahaan,dhibtu waxay ka kooban tahay labo qaybood:qayb muddo gaaban lagu xalin karo iyo mid qaadata wakhti dheer.
Qorshuhu waa mid aasaasi u ah noloshaa adduunyo, waana lagama maarmaan inaad diyaariso qorshe dhow iyo mid cimri dheer oo aad ku laacayso yool sugan,sido kalena aad kaga gudbi karto arrin kastaoo hortaagan hawl wax ka qabasho ubaahan. Marka aad qorshe abuurto, waa inaad ka shaqaysiisaa si aad u hesho natiijo. Marka aad tijaabisana, haddii uu ifka keeno guul ama guuldaraba, waa inaad dib u eegis ku samaysaa si aad ubuuxiso meelaha bannaan. Ruuxa usoo joogay waayo badan iyo wakhtiyo kala gedisani, waa qofka loogu yeedho waayeel iyo waayo arag, waxana laga guntaa weedho waxtar leh. Guusha iyo guuldaradu waxay wada dhasheen hal habeen,waa mataano aad kolba mid waqti la qaadanayso.
sidoo kalena caqabad walba oo kaa hortaagan inaad gaadho hiigsigaaga; in aad qabso hawl muhiima iyo inaad umadax banaanato masiirkaaga, ayaa iyana loogu yeedhaa dhib.
Macnaha ereygani koobsaday waa mid kala duwan oo la xidhiidha marxalado dhowr ah,waxayna si aan sinayn inoogu reebaan raadad kala jaada, sidaa awgeed;
Sida khayrka iyo sharka laguu qoray ay uleeyihiin sababo kala duwan oo saamayn leh, ayaa dhacdo kasta oo xanuun iyo xanaf badani uleedahay samayn kugu soohmaysa iyo mid aad si sahlan uga soo kaban kartid.
tusaale ahaan :
Haddii aad la heshiiso guuldaro ama ay kusoo wajahdo waxyeelo kale oo ay sabab utahay xilkasnimo la'aantaadu, waxa xaqiiqa inaad dhibatoon doonto.
Waa dhab Inaad aqbali kari weydo runta oo aad maskaxdaada weydiin doonto su'aalahan sharka badan:
Haddii aan caynkaa iyo caynkaa samayn lahaa,waan ka hortagi lahaa guuldarada igu habsatay?
maxan sidaa usamayn waayey?
maxan ....maxan.....maxan......maxan..?.. haddii..........haddii?
Runtii waa weydiimo aad ku aqbali weyday qadar dhacay, waxana aad wehel ka dhigan doontaa murugo ku sidkan naftaada.
way kugu adkaan,inaad kasoo kabato, waxana aad rafiiq la noqonaysaa rajo li'i, walbahaar iyo caloolyow kugu hogaminaya quus; haddaad quusatana aakhirka waxad shaki galin qiimaha ay leedahay noloshaada adduunyo.
Dhanka kale, haddii aad ku hubaysan tahay aqoon iyo iimaan, aad ku aqbali karto arrinkasta, awoodna kuu siinaya inaad dadaal iyo dulqaad la timaado wakhtiyada adag ; waxa hubantiya, ha adkaato ama ha hawl yaraato 'e, inaad si rafaad la'aana uga guulaysan karto dhibaato kasta oo kusoo gaadha inta aad duljoogto arlada iyo adduunka oogadiisa, sidaana waxay dhibtadu ku noqonaysaa mid sahlan; haddii Ilaahay idmo.
Sabab?
Mushilad kasta waxay ku timaadaa hab gooniya, waxana loo xalliyaa hanaan soocan, waxa yaabka leh ee aan laga wada warqabini,waa qaabka quman iyo qorshaha lagu wajahayo dhibta, si loo helo xalka rasmiga ah.
Haddaba, si aad gunaanad fiican uga gaadho shiddada , waxa lagaa rabaa badheedhe, cilmi, caqli, hab-dhaqan toosan, karti, samir iyo khibradda aad ku kasbatay cimrigaaga, Sabab. too. ah:
"Nin dabaal yaqaan baa,
Ka baxaaya daadka, "
"Malee, wixii aad samayn lahayd; adiga oo aan ku sugnayn cir iyo ciid toona, haddii dakhalku uu jabo ama daadba soo galo doonidii aad ku safraysay, kadibna ay u diyaar garowdo degitaan."
Waxa runa inaad isku dayi doonto, sidii aad biyaha ukor-sabayn lahayd; adigoo nool oo nabad qaba.
Haddaba, Ma dabaalan taqaanaa?.
Ma waxad haysataa shay ku caawinaya oo ka hartagaya hafadka iyo halista? mise waad isdhiibi oo xaalkaagu wuxu noqonayaa"waar illeen geed la qabsada-ana"?
Adiga iyo dadaalkaa ayuun baa walaalo ah, waana inaad garataa qofka aad tahay iyo waxa aad qof ahaan qaban karto, si aad u abbaarto irdaha adagna, raac qodobadan :
Deji dareenka oo xukun shucuurta,si ay uyaraato murugadu.
Ogow, waa muhiim in la ogaado sida ay ku dhacday iyo sumadda ugaarka ah dhibta.
Haddii aad dhibta uyeesho muuqaal iyo mug aanay lahayn, waxa badanaya kadeedka iyo kurbada. Isku day inaad si togan ufiiriso miisaanka ay leedahay.
"aboorku kolka uu raadinayo cuntadiisa ama difaacayo naftiisa, waxa uu adeeg- -sadaa candhuuf iyo ciid uu ku dhiso dundumo-dheer oo ka celisa dhaxanta, kulaylka, dabaysha iyo daadka.
dhan kale wuxu u isticmalaa burburinta walxaha adag ee aanay dadku ula tagi karin ilkaha.
Haddii uu aboorku midkood adeegsan lahaa ciidda ama candhuufta; muran la'aan, itaal uma yeesheen dhisitaanka dundumada,afkiisa aadka u yarna kuma qaniineen agabka adag ee guryaha lagu dhiso."
Haddaba, ilma-aadam waxa lagu manaystay Caqli abuura fikrad iyo cudud lagu fuliyo, haddii aan si wadajira looga faa'idayn, midkoodna guul lagu gaadhi maayo oo fadhi badan iyo fikrado fiicani isuma wanaagsana, ficil badan oo aan wadan qorshe iyo fikir,isna waa xiiq bilaa xikmad ah.
Si wadariyo wadajira uhawlgeli garaadka iyo gacanta.
Si aad u kala garato arrinka ubaahan wax ka qabashada degdega ah iyo midka aad kal dambe ka gudbi karto;caqabada-ha usoo kala hor sida geela, tusaale ahaan: marka geela la waraabinayo, waxa loo soo kala horaa sida ay ukala nugulyihiin.
Halaha irmaan ayaa loogu horaysiiyaa, kadibna duqaha iyo rimayda ayaa lagu xigsiiyaa.waxa ugu dambeeya aaranka, qaalmaha xoogan iyo awrka qoodha ah.
Sidaa darteed kooxo yar-yar ka dhig shiddooyinka, kadibna sida ay u kala fudud yihiin u qaariji.
Si la mida sidaa kor ku xusan, ayaa uu muhiim uyahay qorshaha lagu maareeyo dhibtu, sidaa awgeed qorshee qaabka ugu quman ee aad ku wajahayso, kadibna............
Waa muhiim qorshaynta iyo hirgelintuba.
Waa ruux lasoo kulmay xaalada aad ku jirto, waana shaqsi taladiisa iyo tilmaantiisu leedahay aayatiin loo aayo.
Waxgaradkuna waa qof walba oo garaadkiisa iyo garashadiisu sarayso, cimri kastaha jiree.
Talo-wadaag la samee dadkaa iyo inta kale ee aad ku tuhmayso cilmi iyo caqli saliima.
"Intii orod jiray, kufidna way jirtay. "
Labaduba way ku hurran yihiin, balse waxa waajiba in aadan hubka dhigin marka aad kufto.
Ha isdhiibin ee hore usoco,hawlgelina qorshaha labaad.
No comments