Sabool dhergey iyo dameero sayax daaqay labaduba way danaaniyaan.
Hadal aan fiirsi loo dhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin way kula fogadaan.
Jir ma raagee jilaal baa raaga
Meel hoo doonaysa hadal wax kama taro.
Khilaaf habaar uma baahna, is afgaradna duco uma baahna.
Carrab lo'aad caws looma tilmaamo. Meel hoo doonaysa hadal wax kama taro.
Labadii qeydhinka ku qaybsataa, biseylka iskuma cawrido.
Harag sakaaro iiga kac mooye iga durug maleh.
Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn. Ul jiiftaa ma jabto.
Waxan la Fileyn iyo falaadhiba way kaa fajiciyaan.
Hadal intuu afkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay.
Erey nimaan dhaafin odey maaha.
Nin ku arka looma sare joogsado Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Lax dhukani col iyo abaarba moog.
Tog waliba taagtii buu rogmadaa.
Shimbir duulduul badani af libaax bay gashaa.
Gari laba nin kama wada qosliso.
Abeesadii farta loo taagaa fanaxay uboodaa.
Nin ku arka looma sare joogsado.