Home Top Ad

Responsive Ads Here

Shirqoolkii Sarajevo

Share:
inkastoo ay jireen sababo soo jiitamayey muddo dheer,haddana taariikh yahanadu waxay isku raaceen, in dilkii farz ferdinand ee magaalada sarajefo uu ahaa arrinkii uu ka bilowday dagaalkii weynihii kobaad.

Juun,4-teedii,1914, dhaxal-sugihii boqortaayada austria, ayaa booqasho ku tagay magaalada sarajefo oo ah caasimada boosniya.

Boosniya waqtigaa waxay hoos iman jirtay xukunka austria, qayb kamida boosniyana waxay halgan ugu jireen sidii loo heli lahaa waddan madax banaan.

Farz ferdinand waxa loo soo jeediyey in aanu booqosho ku tegin Boosniya, balse waa uu ka dhago adaygay taladaas, waxanu u dhaqaaqay dhanka sarajefo. Run ahaantiina sarajefo waxay kamid ahayd goobaha ugu halista badan.

Sidii caadada ahayd, farz booqashadiisii sarajefo, waxa lagu soo gelbiyey gaadiid badan, isaga iyo xaaskiisuna waxay saar- naayeen gaadhi dul-furan ah.

Bilowgii hore ee soo dhawaynta waxa bilaabmay dhibaato, waxana garnayl lala beegsaday mid ka mida gaadiidkii gelbinayey farz ferdinand.

Farz wuxu amar ku bixiyey in si toos ah loo geeyo cisbitaalka; si uu usoo booqdo sarkaal ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kalena wuxu doonayey inuu muujiyo awoodda xukunka qoyskooda.

Nasiib xumo, darawalkiisii ayaa dariiqii ka ambaday. si uu u-ogaado goobta uu marayo,wuxu ka degay gaadhigii, kadib waxa uu dib ugu baxay wadadii saxda ahayd.
Ayaan darro, wuxu baabuurkii dhinac istaajiyey nin lagu magacaabi jiray "gavrilo princip", oo ka tirsan budhcada gooni ugoosadka boosniya ee kasoo horjeeday xukunka boqortoyada austria.

Gavrilo waxa uu ka dambeeyey garnaylkii lagu tuuray gaadiidka, isla amintaana wuxu qorshaynayey inuu isku qarxiyo dad shacab ah, waxana uu ka cabsi qabay in la qabto,kahor inta aanu isqarxin.

Ma uu rumaysan karin, markii uu arkay gaadhiga garabtaagan. Gavrilo waxa uu lasoo baxay baskoolad uu sitay, kadibna wuxu si wadajira udilay farz iyo xaaskiisii.

Haddaba su'aasha isweydiinta mudani waa; dilkaa loo geystay ninkaa aan caanka ahayni, sidee ayuu uhorseeday dagaalkii kobaad?.

Austria dilkii farz ferdinand waxay ku eedeysay serbiya oo jaar la ahayd. serbiya waxay taageeri jirtay budhcada bosniya,si ay ula midowdo

Austria waxay go'aansatay in la ciqaabo serbiya,waxana ay diyaarisay duulaan ka dhan ah.

Serbiya waxay taageero ka dalbatay saxiibkeedii qadiimiga ahaa ee ruushka. Xaalku markii uu sidaa noqdayna, xulufadii iyo xoogagii reer galbeedku waxay la kala safteen labada dhinac.

Serbiya si fudud ayey cagta umarin kartay austria, ruushkuna waxa qodob kale oo quwad leh. austaria itaal umay lahayn inay dagaal la gasho cududda Serbi-raashiyaanka ah, sidaa darteed waxay miciin bidday dawladii jarmalka.

Dawladdii jarmalkuna way ka aqbashay codsiga, iyadoo dhinaca kalena doonaysay inay daan-daanso faransiiska

Ciidankii jarmalku waxay hal-abuureen xeelad loo magac daray "schliffen plan " schliffen waxa uu ahaa sarkaal jarmal ah, oo ayidsanaa in ciidanka jarmalku ka awood badan yahay yurubta kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxay isku qanciyeen, in mudada ugu gaaban ee ciidanka ruushka lagu galiyo heeganku ay tahay lix maalmood,mudadaasna waa in ciidanka jarmalku weeraraa faransiis, karbaashaa,cashar udhigaa kadibna, ciidanka loo soo daabulaa dhanka ruushka.

markii faransiisku heegan galiyey ciidankiisa, jarmalku ma haysan fursad, laakiin waxa ka go'nayd inuu fuliyo qorshihiisa, qorshahana waxa uu ahaa in faransiiska laga weeraro dalka biljam.

1839, ingiriisku wuxu kula heshiiyey biljamka; in haddii cidi soo weerarto uu ka difaaci doono weerarada.

Dilkii farz ferdinand dhawr todobaad kadib, August afarteedii, sannadkii 1914kii jarmalku wuxu qabsaday biljamka, ingiriiskuna wuxu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah jarmalku.

faransiiska iyo ruushku waxay taageero siiyeen ingiriiska.

Austria waxay garab istaagtay jarmalka. Sidaana waxa ku qarxay dagaalkii 1aad.


XG: barta barashada taariikhda.


No comments