Home Top Ad

Responsive Ads Here

"Waraabaa ayaan yidhi"

Share:
Tan iyo 1960kii, markii ololihii ururada gobonimo-doonku isu rogeen xisbiyo, tartan iyo loolan adag ugala talada iyo gacan ku haynta waddanka, waxa ina soo maray madax iyo hogamiyayaal kala duwan oo kala daran.

Marka laga reebo masuuliyiinta aan weli la tijaabin, waxa marag ma doon ah, in hungo,haydaar iyo halaag laga dheefsaday madaxdii la tijaabiyey.

Si kasta oo ay ahaataba,waxa jira arrimo ay ka simanyihiin badiba siyaasiyiinta somalidu, waxana kamida:
  • Nin-jeclaysi
  • Kala qoqob
  • Ballan-qaadyo barkumataal ah
  • musuq
  • xukun jacayl.

  • Nin faylasuuf ah ayaa yidhi: " ololaha iyo abaabulka ka horeeya doorashada; siyaasigu waa ruux farta kuu lula, doorashada kadibna wuxu lulaa kalsoonidii aad ku qabtay."

    Abwaan ibraahim sh.saleeban"gadhle " oo ahaa hal-abuur reer jabuuti ah, ayaa isagoo tilmaamaya ereyada jiibta iyo jaanta wata ee siyaasigu ku beerla xawsado bulshada, kuna sifeeyey waraabihii yidhi:" waxan rabaa in lay baxsho magaca aamiin" ayaa yidhi :

    Abaandulayaashii
    Ina soo abaabulay
    Shalay olalaheeniyo
    Orta iyo cayaaraha.
    Addin bay ku tumayeen
    midna iimaybuu jiray
    In amuurtu taa tahay
    Aan idiin asteeyee
    Ayaxii hadduu tagay
    Ugxantii dillaacdaa
    Ummadda umarkhaatiya

    Waraabaa ayaan yidhi
    Haddaad igu ogaydeen
    Baadida islaamkiyo
    Anoo aaran geel cuna
    Iimaan la'aantii
    istaaqfurula baan idhi
    Aamiin baanan kala baxay
    magacii Inkaarnaa

    Isagoo ujeedo leh
    Orgibaa ninbaa gawracay
    Indhashuu usadhay laan
    Waa amaanadaadee
    Sii ilaali buu yidhi

    markuu tegay islaankii
    Inyar haddii uu maqan yahay
    Agagaas dhurwaagii
    Amba-qaad talaabada
    Hadba soo ogaal durug
    Eeg-eeg hilbaha dagan
    Ursay jeenyihii hore
    Wuxu yidhi udgoonaa

    Amarrow markii xigay
    Af balaadhan kala qaad
    Carrab ooman soo saar
    Awlalada ka leef-leef
    Wuxu yidhi alleylehe
    Oon xalaala baan helay
    Aadbuu cantuugada
    Adhaxda uga buuxsaday
    Kolay araracdii tahay
    Alamsay laf iyo jiidh
    Inyar neefkii kama tegin

    Duqa imashadiisii
    Eedaysanihii bood
    Oodiyo dhirtii jiidh
    Ereybaase laga helay
    Ku arooray maahmaah
    Isagoo ordaayoo
    Afar-qaadayuu yidhi
    Waxaad igu ogaateen
    Wixii aan ahaan jiray

    Gaarriyoow ma' iishoow
    Uf qabiilkii aad tidhi
    Hadduu adiga kuu uray
    Ragbaa jira ku uunsada
    markuuse aarku soociyo
    Haddaan eelo-weyntiyo
    Aarankaygu iga didin
    Waan ka aarsanlaa doqon
    Intase aan afkaartiyo
    Aragtidu midays nayn
    nacas weyga adag yahay.
    Tixdan jiiftada ahi waxay ina tusinaysaa:

  • In siyaasigu yahay dhurwaa raba, in lagu aamino xoolaha danyarta iyo dad weynaha somaliyeed.
  • in marka la tijaabiyo laga dhaxlo tacab la'aan iyo musuq.
  • in qabyaalada iyo qabiilku yahay arrin ay ku meelmaraan, kana dhigtaan garab iyo gashaan IWM.

  • Ilaahay(SWT) ha inoo hagaajiyo hogamiyayaasha aan weli la tijaabin ee ay hortaallo hawsha adagi, bulshadana waxa waajib ku ah, inay hareer istaagto madaxda daacada ah, waxana lama huraan ah in la horjoogsado halis kasta oo soo wajahda hiigsiga soo iftiimay.

    WQ: sakariye yuusuf cigaal.


    No comments