Home Top Ad

Responsive Ads Here

TOBANKA DAMBIILE EE DUNIDA UGU DOQONSAN

Share:



Noockasta oo noolaha ka mid ahi, waxa uu leeyahay" macaan"iyo "qadhaadh", tusaale ahaan: inkasta oo aamin jiro, haddana waxa adduunka ku nool tuugo badan.


Sifada nooluhu waxay kusoo ururaysaa " inkastoo" iyo "haddana", sidaa darteed
Inkasta oo ay jiraan sheekooyin laga soo weriyey dad wanaagsani, haddana waxa aan maanta idinla wadaagi doonaa, sheekooyin ku saabsan dambiilayaasha dunida ugu doqonsan.

SHEEKADA 1AAD: juan gonzalo jr.

Marka aad wax-dhacayso, qof ayaa aad indhihiisa ka qarinaysaa alaabo iyo hanti uu aad ujecelyahay.
Haddii uu wajigaaga arkay iyo haddii kaleba, waxa aad ku dadaalaysaa inaad kala dhuumataan inta aad ifka joogto.
Waxa aan kugula talinayaa, in aanad udirin"FACEBOOK FRIEND REQUEST" kasoo u ogalaanaya inuu arko 545 sawir oo aad leedahay.
Haddaba, arrin kan oo kale ah ayaa qabsaday xarfaan lagu magacaabo juan gonzalo jr oo ku nool koloraado.

Dhibanihii uu xaalufiyey gurigiisa oo hore u arkay wajigiisa, ayaa uu udiray "facebook friend request" isla markii ay aqoonsatayna waxay ku wargelisay booliska, kadibna waxa la dhex-dhigay labo-derbi dhexdood.

kumaa yidhi baraha bulshadu faa'ido ma leh?.

SHEEKADA 2AAD: eliose D reaves.

Lamid maaha alaabada wanaagasan ee damaanadda leh (garrantee) ,waxa aanay daroogadu kusoo degtaa iyada oo aan wadan warqad damaanad-qaad ah (certificate of garrantee), kamana helaysid war-bixin yar oo ku wargelinaysa ama difaacaysa xuquuqdaada macmiil. Kaliya waxa aad ku iibsanaysaa lacagtaada,waxa aanad ka faa'ideysanayaa fursadda, maxa yeelay waxa aad ordaysaa askarta..

Bal-qiyaas, miyaa aad utegi lahayd booliska, adiga oo ka cabanaya tayada kookiinta aad iibsatay?. Xaaji, kuuma soo celinayaan lacagtaadii, laakiin waxa ay si fudud kuugu dhex-tuurayaan
Jeelka.
Haddaba, arrin kaas lamid ah ayaa qabsaday eliose d reaves sannadkii 2006
Waxa aanu cabasho ugudbiyey saldhig boolis, isagoo ka cabanaya tayada daroogada laga soo iibiyey.

Caqli xumaa,dadkan maxaa lagu soo baray dugsiga dembiilayaasha?.

SHEEKADA 3AAD: christopher kron.

Waxa aad jabsatay MAKHSIN QAADA, adiga oo tabcaan la ah BADH-GO'. Shaqo wacan, waa aad ka baxsatay.
Iyada oo ay sidaa tahay ayaa uu qof kugu qabtay oo ku arkay.
Waxa xaqiiqo ah, xaalku marka uu sidan isu bedelo, in orodku noqonayo talada ugu muhiimsan ee kusoo dhacda.

MAYA....MAYA!! Maad ordine, waxa aad iska sii baadh-baadhatay jawaano jaad ka buuxo,adiga oo ka naqaysanaya inta wanaagsan(sidii aad iibsanayso).
Fadlan wax kasta oo aad samaysaba, ha ujuuqin ruuxa kusoo eegaya, maxa yeelay waa GAADHKII ilaalinayey goobtan aad jabstay.

AHEEY AH!!! la hadashaybee iska ilaali inuu badh-go'u afkaaga kasoo tuuro magacaaga oo seddexan iyo qabiilka aad udhalatay.

Haddaba, dhacdo tan oo kale ay mataano yihiin, ayaa qabsatay christopher kron oo udhacay meherad lagu iibiyo khamrada ay xalaashadeen.

Ninkan odayga ahi waxa uu ujeelqabay khamri, isaga oo uruursanaya dhalooyin dhaadheer oo dhaansan, ayaa uu jiidhay aaladdii qaylo-dhaanka(alarm) kadib waxa soo dhacay taleefan dhex-yaalay goobta, waana uu ka jawaabay isaga oo waliba raacshey magaciisa oo seddexan, si dhibyarna waa lagu aqoonsaday oo la mariyey abaalkiisii.


Halkaa aynu ku hakanno maanta, waxa aana xuquuqda iska leh SHORTLIST.COM

Diyaarin:sakariye yuusuf cigaal